Askari Maraykan ah oo la dacweeyay kadib markii uu ku guuleystay $400,000 ah oo ahayd sharadka in la xari doono Maduro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka oo qayb ka ahaa howlgalkii militari ee lagu qabtay Nicolas Maduro ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu sharad ku galay qabashada hogaamiyihii hore ee Venezuela ka hor inta aan xogtan si cad loo helin.
Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka (DOJ) ayaa dacwad ku soo oogtay Gannon Ken Van Dyke ka dib markii lagu eedeeyay inuu ganacsi ka sameeyay Polymarket, oo ah madal ku shaqeysa crypto, isaga oo adeegsanaya macluumaad sir ah.
"Taasi waa ganacsi cad waana sharci-darro marka loo eego sharciga federaalka," ayay yiraahdeen saraakiisha waaxda cadaaladda.
Van Dyke, oo ah askari firfircoon oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka ee fadhigoodu yahay Fort Bragg ee Waqooyiga Carolina, ayaa ku guuleystay in ka badan $409,000 oo doolar taasoo ka dhalatay khamaarkiisa.
Ciidamada Mareykanka ayaa Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores ka soo qabtay xaruntooda magaalada Caracas, weerar habeenimo ah oo dhacay 3-dii Janaayo, waxayna keeneen New York si ay ula kulmaan eedeymo hub iyo dambiyo daroogo ah, oo ay beeniyeen.
Van Dyke ayaa lagu eedeeyay in uu khamaarka ku galay waqtiga iyo natiijada hawlgalka, oo loo yaqaan 'Operation Absolute Resolve', "si uu ugu helo faa'iido", waaxda caddaaladda ayaa ku sheegtay bayaan Khamiista.
DOJ waxay ku dacwoonaysaa in ama qiyaastii 26 Diseembar 2025, Van Dyke uu abuuray akoon Polymarket ah oo uu bilaabay ka ganacsiga suuqyada gaar ahaan arrinka la xiriria Maduro iyo Venezuela. Waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay khamaar lacageed in ka badan $33,000 oo doolar isagoo haystay xog aan banaanka loogu talagalin oo ku saabsan Hawlgalka.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha bulshada Khamiistii, Polymarket ayaa lag u yiri: "Markii aan aqoonsannay isticmaale ka ganacsanaya macluumaadka dowladda, waxaan u gudbinay arrintaas DOJ waxaana kala kaashanay baaritaankooda."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shirkaddu waxay ku dartay: "Ganacsiga xogta dowladda meelna kuma laha Polymarket. Xarigga maanta waa caddayn in nidaamku shaqeeyo."
Van Dyke ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu si sharci darro ah u isticmaalay xogta dawladda, xatooyada macluumaadka dawladda ee aan dadwaynaha lala wadaagin, khiyaamada badeecadaha, samaynta macaamil lacageed oo sharci darro ah, sida ku cad eedaymo aan la shaacin Khamiistii.
"Raggeenna iyo dumarkeena ku lebisan dirayska ayaa lagu aaminay xog sir ah si ay u gutaan howshooda si badbaado leh oo wax ku ool ah intii suurtagal ah, waxaana mamnuuc ah inay u isticmaalaan xogtan aadka u xasaasiga ah dano dhaqaale," ayuu yiri ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Todd Blanche.
"Gelitaanka baahsan ee suuqyada saadaasha waa arrin cusub, laakiin sharciyada federaalka ee ilaalinaya macluumaadka amniga qaranka si buuxda ayaa loo dabaqaa."
Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Jay Clayton ee Degmada Koonfurta ee New York, halkaas oo uu kiisku ka socon doono, ayaa intaa ku daray in suuqyada saadaasha "aanay gabaad u ahayn in macluumaadka sirta ah ee la lunsado ama sirta ah loo isticmaalo dano gaar ah".
Saraakiisha waaxda cadaaladda ayaa sheegay in askari ahaan Van Dyke uu saxiixay heshiisyo qarsoodi ah kaas oo uu ku ballan qaaday in uusan waligiis faafin, daabicin, ama uusan muujin qoraal, erayo, dhaqan, ama si kale .
Xeer-ilaaliyeyaasha federaalku waxay ku andacoonayaan in laga bilaabo 8 Diseembar 2025 ilaa ugu yaraan 6 Janaayo 2026, Van Dyke uu ku lug lahaa qorsheynta iyo fulinta Howlgalka Absolute Resolve oo uu helay macluumaad xasaasi ah, aan dawli ahayn, oo qarsoodi ah oo ku saabsan hawlgalkaas.
Guddiga Ganacsiga Mustaqbalka Badeecadaha (CFTC), oo ah hay'ad madax-bannaan oo federaal ah, ayaa sheegtay inay sidoo kale gudbisay dacwad ka dhan ah Van Dyke oo ay ku eedaysay inuu ku lug leeyahay ganacsi gudaha ah.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo wax laga weydiiyay sharadka la sheegay in lagu sameeyay dhacdo aan xiriir la lahayn maalintii Khamiista, ayaa sheegay in uusan weli maqal balse uu eegi doono.
Mar wax laga waydiiyay walaaca laga qabo in suuqyada saadaasha ay u horseedi karaan ganacsi xogta gudaha ah, madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanu ku faraxsanayn waxyaabahaas.
"Dunida oo dhan, nasiib darro, waxay noqotay wax ka mid ah goobaha qamaarka, waxaadna eegtaa waxa ka socda adduunka oo dhan, Yurub iyo meel kasta, waxaa saamaynaya waxyaalahan sharadka," ayuu yiri. "Weligay aad uma aanab taageersanayn."











