Suuriya beddel ma u noqon kartaa Israa'iil si ay u xakameyso Xisbullah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Maxamed Xamdar
- Role, BBC Carabi
- Reporting from, Beyruut
- Published
- Waqtiga akhriska: 10 daqiiqo
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay suurtagalnimada in Suuriya door ka qaadato la tacaalidda Hezbollah-da ee Lubnaan, isagoo shaaciyey inuu arrintan kala hadlay Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa, isla markaana uu qarka u saaran yahay inuu faylka Hezbollah ku wareejiyo Suuriya.
Trump ayaa dhinaca shirka dalalka G7 ee Faransiiska ka sheegay inuu kala hadlay Axmed Sharaa arrinta Hezbollah, maalin kaddib markii uu wariyeyaasha u sheegay in Suuriya laga yaabo inay "si ka wanaagsan" Israa'iil ula tacaasho kooxda Lubnaan.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee Donald Trump uu soo hadal qaado suuragalnimada door Suuriya oo ka dhan ah Hezbollah gudaha Lubnaan. Arrintani aad bay xasaasi uga tahay Lubnaan, maadaama joogitaanka milatari ee Suuriya dalkaas uu billowday 1976 xilligii dagaalkii sokeeye, kuna dhammaaday bixitaankii ciidamada Suuriya 2005.
Qodob muuqda oo ku jiray hadalladii ugu dambeeyey ee Trump ayaa ahaa inuu, isaga oo ka jawaabaya su'aal wariye, uu adkeeyey inuu runtii kala hadlay Axmed al-Sharaa arrinta Hezbollah, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta wada hadalku dhacay ama waxa uu madaxweynaha Suuriya kaga jawaabay.
Axmed Sharaa ayaa diiday faragelin milatari oo lagu sameeyo colaadda, isagoo yiri: "Waxa ugu muhiimsan, wax kasta ka hor, waa in dagaalka la joojiyo."
Dowladda Lubnaan kama aysan jawaabin hadallada Mudane Trump. BBC Arabic ayaa xafiiska warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Muhaajiriinta ee Lubnaan waydiisay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Rajji uu wax faallo ah ka qabo hadallada Trump, waxaana jawaabtu noqotay: "Wax faallo uma hayno."
Gudaha Israa'iil, Wasiirka Difaaca Yisrael Katz ayaa, isagoo ka jawaabaya hadallada Trump, sheegay in dalkiisu "uusan u baahnayn" madaxweynaha Suuriya Axmed Sharaa gudaha Lubnaan.
Sida uu sheegay Channel 14 ee Israa'iil, Katz ayaa wareysi uu siiyey shabakaddaas ugu yeeray Mudane Sharaa magaciisii hore "Jolani", kuna tilmaamay "argagixiso suudh xiran." Wuxuu intaas ku daray in Israa'iil "shaqada iskeed u qabato", isagoo ula jeeday hawlgalladeeda militari ee ka dhanka ah Hezbollah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay si dhab ah Trump u yiri?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa laba hadal oo kala duwan ku sheegay suuragalnimada in Suuriya door ka qaadato la tacaalidda Hezbollah ee Lubnaan.
Faalladii ugu horreysay waxay ahayd 16-ka Juun ee sanadkan, intii uu la kulmay Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani, Amiirka Qadar, kulan ka qabsoomay shirka G7 ee Faransiiska.
Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu Israa'iil u soo jeediyey inay "u daayaan Suuriya inay ka hortagto Hezbollah", isagoo raaciyey: "Run ahaantii, waxaan filayaa inay si ka fiican u qaban karaan."
Hadallada Trump waxay jawaab u ahaayeen su'aal ku saabsan weerarrada Israa'iil ee Lubnaan iyo saameyntooda ku aaddan geeddi-socodka diblomaasiyadeed ee la xiriira Iiraan.
Trump ayaa ammaanay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa, isagoo sheegay in qofka "hadda Suuriya maamula", isaga oo ay weheliyaan madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo kuwo kale, ay qabteen shaqo "cajiib ah" oo dib loogu mideynayo dalka.
Wuxuu intaas ku daray in Axmed al-Sharaa "uusan malaa'ig ahayn", balse uu "shaqo aad u weyn" ka qabtay Suuriya, isla markaana uu shaqo fiican ka qabtay la tacaalidda Hezbollah, isagoo sida uu Trump sheegay "aan jeclayn iyaga."
Trump ayaa markaas dhaliilay sida Israa'iil ula dhaqmeysay Hezbollah gudaha Lubnaan, isagoo sheegay in Israa'iil muddo dheer la dagaallamaysay kooxda, ayna "dad badan dhimanayaan." Wuxuu intaas ku daray in "aysan khasab ahayn in mar kasta dhisme la deggan yahay la dumiyo" marka qof la raadinayo, maadaama ay dhismayaashaas ku nool yihiin dad badan oo "aan dhammaantood ka tirsanayn Hezbollah," sida uu sheegay.
Maalin kaddib, Reuters ayaa werisay in Donald Trump uu wariye u xaqiijiyey inuu runtii kala hadlay Axmed Sharaa arrinta Hezbollah. Markii la weydiiyey in madaxweynaha Suuriya diyaar u yahay inuu ka hor tago kooxda, Trump wuxuu sheegay inuu arrintaas ka hadli doono mar dambe.
Waxa xusid mudan in Trump uusan hadalladiisa ku xusin wax door ah oo ay leeyihiin mas'uuliyiinta Lubnaan, sidoo kalena uusan sheegin inuu ku wargeliyey ama kala tashaday mas'uuliyiinta Lubnaan wax kasta oo ku saabsan door suurtagal ah oo Suuriya ku yeelato Lubnaan.
Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa hore, hadallo ay baahiyeen warbaahinta Carabta, u sheegay inay adag tahay in madaxweynaha Suuriya uu ku lug yeesho arrimaha Lubnaan, isagoo yiri Axmed Sharaa wuxuu leeyahay "dareen sare oo mas'uuliyadeed iyo garasho siyaasadeed" mana lagu jiidi doono "dhoobada Lubnaan."
Maxay dhinaca Suuriya ilaa hadda sheegeen?
Taariikhdu markii ay ahayd 13-ka Juun, intii lagu jiray kulan uu kula lahaa tiro ka mid ah dadka lagu kalsoon yahay iyo shaqsiyaad caan ah oo ka ka kala yimid Dimishiq oo ka dhacay Qasriga Shacabka, madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa beeniyey waxa uu ku tilmaamay "warar aan sal lahayn" oo ku saabsan faragelinta Suuriya ee Lubnaan.
Sharaa wuxuu yidhi: "Waxa laga sheegayo in Suuriya gasho Lubnaan sax ma aha. Waxa aan mar walba soo jeedinno waa in dagaalka la joojiyo, la xoojiyo hay'adaha dowladda, la kordhiyo xiriirka dhaqaale, xaaladdana Lubnaan loo dejiyo intii suurtagal ah."
Marka laga hadlayo xidhiidhka Lubnaan iyo Suuriya, Sharaa wuxuu sheegay in xidhiidhkaas lagu dhisay "aasaas been ah" xilligii nidaamkii hore. Wuxuu tilmaamay jiritaanka "nabar Lubnaan gaadhay" oo ka dhashay faragelintii Suuriya ee Lubnaan iyo "nabar Suuriya gaadhay" oo ka dhashay faragelintii Hezbollah ee Suuriya.
Hadallada Sharaa waxay yimaadeen maalmo yar kaddib markii Trump, wareysi uu siiyey NBC, uu xusay suuragalnimada in Suuriya ka caawin karto la tacaalidda Hezbollah gudaha Lubnaan.
Arrintan la xidhiidha, hay'adda idaacadda iyo telefishanka Israa'iil ee "Kan 11", iyadoo soo xiganaysa ilo Suuriyaan oo aan la magacaabin, ayaa werisay in Dimishiq ay u aragto faragelin militari oo toos ah oo ka dhan ah Hezbollah mid aan macquul ahayn, maadaama dunida Carabtu u arki karto tallaabadaas mid u adeegaysa danaha Israa'iil.
Hay'addu waxay sidoo kale, iyadoo isla ishaas ka soo xiganaysa, sheegtay in Turkigu fariimo u diray mas'uuliyiinta Suuriya oo uu ka codsanayo inay ka fogaadaan iska hor imaad toos ah oo ay la galaan Hezbollah, maadaama uu ka cabsi qabo in iska hor imaad noocaas ahi uu xoojin doono booska istiraatiijiga ah ee Israa'iil ee gobolka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nus qarni kadib gelitaankii ciidamada Suuriya ee Lubnaan
Faragelinta militari ee tooska ah ee Suuriya ku billowday Lubnaan waxay ahayd dabayaaqadii May 1976, qiyaastii sanad kaddib markii uu bilowday dagaalkii sokeeye ee Lubnaan, xilli uu sii xoogeysanayey dagaalka u dhexeeyey Dhaqdhaqaaqa Qaranka Lubnaan iyo Jabhadda Lubnaan.
Dhaqdhaqaaqa Qaranka Lubnaan wuxuu ahaa isbahaysi ka kooban xoogag bidix, qaran-doon iyo Islaami ah oo ay taageerayeen kooxo Falastiiniyiin hubeysan.
Dhanka kale, Jabhadda Lubnaan waxay ahayd isbahaysi ka kooban xisbiyo iyo xoogag Masiixi ah oo garabka midig ah, oo ay ku jiraan Xisbiga Kata'ib iyo Xisbiga Qaranka Xorta ah.
Xilligii madaxweynihii hore Hafez al-Assad, Suuriya waxay faragelinteeda ku sababaysay inay rabto inay joojiso dagaalka, ka hortagto burburka Lubnaan, ayna xaddido faafitaanka qalalaasaha. Hase yeeshee waxay sidoo kale ka jawaabaysay baaqyo taageero oo uga yimid xoogag Masiixi ah oo Lubnaan ah, kuwaas oo markaas ku jiray cadaadis militari oo xoog leh oo uga imanayey mucaaradkooda.
Bilowgii, faragelinta Suuriya waxay dhab ahaan keentay in ciidamadeedu la safnaadaan kooxaha Falastiiniyiinta iyo xoogagga la la jiray. Dhaqdhaqaaqa Qaranka Lubnaan. Tani waxay dhacaysay inkastoo Dimishiq ay hore u taageertay qaar ka mid ah dhinacyada Falastiiniyiinta iyo Lubnaaniyiinta ama ay isku dayday inay saameyn ku yeelato geeddi-socodka heshiisyada. Kaddibna, isbahaysiyada Suuriya ee gudaha Lubnaan marar badan bay is beddeleen, iyadoo ku xiran isu dheellitirka awoodda iyo xisaabaadka gobolka iyo gudaha ee Dimishiq.
Bishii Oktoobar 1976, joogitaanka militari ee Suuriya wuxuu yeeshay qaab Carbeed markii la dhisay "Ciidamada Wax kae Hortagga ee Carabta" go'aan ay gaadhay Jaamacadda Carabta, hase yeeshee ciidamadan dhab ahaantii badankoodu waxay ahaayeen Suuriyaan.
Joogitaanka militari iyo amni ee Suuriya ee Lubnaan wuxuu socday ilaa 2005. Sannadkaas, Dimishiq waxay ciidamadeeda kala baxday dalka kaddib dilkii ra'iisul wasaarihii hore ee Lubnaan Rafik Hariri, iyadoo ay saarnaayeen cadaadis ka yimid dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay Lubnaan iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 1559. 26-kii Abriil 2005, Suuriya waxay Qaramada Midoobay ku wargelisay inay dhammaystirtay bixitaankii ciidamadeeda, qalabkooda iyo adeegyada sirdoonka ee Lubnaan.
Hezbollah gudaha Suuriya
Kaddib markii mudaharaadyadii ka dhanka ahaa xukuumaddii Bashaar al-Assad ee Suuriya ay billowdeen 2011, isuna sii rogeen dagaal hubeysan, Hezbollah waxay faragelin militari ku samaysay si ay u taageerto ciidamada dowladda Suuriya ee ka dhanka ahaa kooxaha mucaaradka hubeysan iyo ururrada jihaadiga ah.
Kooxdu waxay la dagaallantay ciidamada Suuriya meelo badan, laga bilaabo duleedka Homs iyo Qusayr ee ku dhow xadka Lubnaan ilaa Xalab, duleedka Dimishiq iyo meelo kale. Hezbollah waxay si tartiib tartiib ah u shaacisay joogitaankeeda gudaha Suuriya; marka hore waxay ka hadashay ilaalinta goobaha diimeed ee Shiicada iyo tuulooyinka xuduudaha, kadibna sugidda xadka Lubnaan, ugu dambayntiina waxay ku dhawaaqday ka qaybgalkeeda furan ee dagaalka gudaha Suuriya. Kooxdu waxay dagaalkaas ku wayday tiro badan oo ka mid ah dagaalyahannadeeda iyo taliyayaasheeda.
Markii dambe, Hezbollah waxay la dagaallantay rag hubeysan oo Suuriyaan ah oo ku sugnaa xadka Lubnaan iyo Suuriya, gaar ahaan buuraha Arsal iyo Qalamoun.
Sannadkii 2017, ciidanka Lubnaan oo uu hoggaaminayey Janaraal Joseph Aoun ayaa bilaabay hawlgal militari oo ka dhan ah kooxda Daacish ee buuraha Ras Baalbek iyo Al-Qa'a. Isla waqtigaas, Hezbollah iyo ciidanka Suuriya ayaa sidoo kale hawlgallo ka waday dhinaca Suuriya ee xadka iyo meelo kale oo xuduudda ah. Ciidanka Lubnaan waxay markaas adkeeyeen inaysan hawlgalladooda la isku dubbaridin Hezbollah ama ciidanka Suuriya.
Markii uu dhacay nidaamkii Assad bishii Diseembar 2024, Hezbollah waxay lumisay xulafadeedii Suuriya iyo mid ka mid ah marinnadeeda ugu waaweyn ee sahaydu uga soo geli jirtay Suuriya, taasoo ku noqotay dharbaaxo istiraatiiji ah.
Reuters ayaa werisay in ciidamada iyo taliyayaasha Hezbollah ay intooda badan ka baxeen Suuriya marka la gaaray Oktoobar 2024 si ay diiradda u saaraan dagaalka ay Israa'iil kula jiraan gudaha Lubnaan. Markii kooxaha mucaaradku u soo dhaqaaqeen Dimishiq, kooxdu waxay dirtay saraakiil si ay u maamulaan bixitaanka ciidamadeeda haray ee halkaas ku sugnaa.
Maxaa ka dhigaya xaaladda Lubnaan iyo Suuriya mid u muuqata mid ka sii murugsan sidii hore?
Andrew J. Tabler, oo ah cilmi-baadhe ka tirsan Washington Institute for Near East Studies, ayaa ka digay in dhiirrigelinta Suuriya inay militari ahaan u farageliso Lubnaan ay khataro waaweyn u keeni karto Dimishiq iyo Washington.
Mudane Tabler wuxuu aaminsan yahay in dowlad wali isku dayaysa inay adkayso xakamaynteeda gudaha Suuriya aysan ku jirin xaalad ay ku furto jihooyin cusub oo ka baxsan xuduudaheeda.
Cilmi-baarihii wuxuu tilmaamay dhowr arrimood oo ka dhigi kara faragelin kasta oo Suuriyeed oo ka dhacda Lubnaan mid ay hareeyeen khataro culus. Sida uu qabo, tallaabo noocaas ah waxay, marka hore, horseedi kartaa kororka xiisadda gobolka, isla markaana dib u dhaqaajin kartaa shabakadaha Iiraan taageerto ee ka jira Suuriya, Ciraaq iyo meelo kale.
Marka labaad, ayuu yiri Tabler, faragelin militari oo Suuriyeed waxay hurin kartaa xiisadaha mad-habiga ah ee Lubnaan iyo gobolka. Wuxuu qoray in Hezbollah ay u badan tahay inay isku daydo inay ciidamada Suuriya ku sawirto "jihaadiyiin Sunni ah," oo ay ku jiraan dagaalyahanno Suuriyeed, Uzbek iyo Uyghur ah, kuwaas oo bartilmaameedsanaya bulshooyinka Shiicada. Sheeko noocaas ahi waxay xoojin kartaa taageerada iyo isku duubnida saldhigga taageerayaasha Hezbollah.
Marka saddexaad, Tabler wuxuu aaminsan yahay in joogitaan militari oo cusub oo Suuriyeed uu dhaawici karo sharciyadda dowladda Lubnaan. Wuxuu saadaaliyey in dad badan oo Lubnaan jooga, marka la eego tobannaan sano oo joogitaan militari iyo amni oo Suuriya ku lahayd dalkaas xilligii Assad, ay u arki doonaan joogitaanka noocaas ah inuusan ahayn taageero loo fidinayo madax-bannaanida Lubnaan, balse uu yahay nooc kale oo faragelin shisheeye ah.
Tabler wuxuu sheegay in qalalaasaha hadda jira, Dimishiq ay diiradda saartay ka hortagga in cawaaqibka colaadda uu ku faafo gudaha Suuriya, halkii ay ka diyaarin lahayd hawlgallo militari oo ka baxsan dalka, taas oo ay ka mid tahay xoojinta amniga xuduudaha, la socodka xuduudaha Lubnaan iyo Ciraaq, iyo roondooyinka laga sameeyo deegaannadaas.
Wuxuu xusay in dowladda Suuriya ay sidoo kale wajahaysaa cadaadisyo gudaha ah oo sii kordhaya, oo ay ku jiraan hakad ku yimaadda tamarta iyo qulqul badan oo Suuriyeed oo ka imanaya Lubnaan. In ka badan 125,000 oo qof, badankoodna Suuriyeed, ayaa la sheegay inay u gudbeen xadka una galeen Suuriya tan iyo markii uu dagaalka Lubnaan sii xoogaystay.
Gudaha Lubnaan, hadallada Madaxweyne Joseph Aoun ee ku saabsan inaan Suuriya lagu jiidin "dhoobada Lubnaan" waxay dhinac kale ka muujinayaan kakanaanta muuqaalka Lubnaan: xaalad siyaasadeed iyo amni oo jilicsan, dhaqaale ku jira dhibaato aad u daran, iyo kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid mad-habi ah oo qoto dheer oo ku saabsan hubka Hezbollah iyo doorka dowladda.
Waxa sii adkaynaya fikrad kasta oo ku saabsan faragelin militari oo Suuriyeed ayaa ah in gobollada Lubnaan ee xuduudka la leh Suuriya aysan siyaasad ahaan ama mad-hab ahaan isku mid ahayn, sidoo kalena aysan ku koobnayn deegaannada ay Hezbollah saamaynta ku leedahay ama saldhigga taageerayaasheeda, balse ay sidoo kale ku jiraan magaalooyin iyo deegaanno leh xaalado bulsho iyo diimeed oo kala duwan.
Xadka Lubnaan iyo Suuriya ayaa marar badan goob u noqday xiisado amni oo u dhexeeya ciidamada Suuriya iyo Hezbollah ama kooxaha la safan tan iyo markii uu dhacay nidaamkii Assad Diseembar 2024. Tusaalaha ugu muuqda ee xiisadahaas wuxuu dhacay bishii Maarso, xilli uu sii xoogaysanayey iska hor imaadka Israa'iil iyo Hezbollah ee gudaha Lubnaan.
Muddadaas, Axmed Sharaa ayaa shir muuqaal ah oo lagu qabtay martiqaad ka yimid Golaha Yurub iyo Guddiga Yurub ku adkeeyey taageerada Dimishiq ee xasilloonida Lubnaan iyo wadajirka dhuleedkeeda, isagoo sheegay in Suuriya ay taageerto dadaallada madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ee lagu hub ka dhigayo Hezbollah. Sida ay sheegeen wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suuriya iyo warbaahin kale, tiro hoggaamiyeyaal goboleed ah ayaa sidoo kale ka qayb galay kulanka si ay uga wada hadlaan horumarrada militari, siyaabaha loo dejin karo xiisadda, iyo suuragalnimada in la hormariyo jidka diblomaasiyadda.
Mudane Sharaa wuxuu isla kulankaas ku sheegay in Suuriya ay mowqifkeeda la isku dubbariday waddamada gobolka, isla markaana ay si taxaddar ah u xoojisay ciidamadeeda difaaca ee xuduudaha si looga hortago in cawaaqibka colaadda uu ku faafo dhulka Suuriya, loola tacaalo ururrada ka gudba xuduudaha, loogana hortago inay ururradaasi isticmaalaan dhulka Suuriya.
Dhanka kale, sida ay sheegayaan warbaahinta Lubnaan iyo Carabta, koox isku magacawday "Muqaawamada Islaamiga ah ee Ciraaq" ayaa 11-kii Maarso soo saartay bayaan ay Axmed Sharaa uga digayso tallaabo militari oo suurtagal ah oo ka dhan ah Lubnaan, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay "ku dhawaaqid dagaal oo ka dhan ah dhidibka iska-caabbinta."
Bayaan ku socday ciidanka Suuriya ayaa lagu yiri:
"Haddii aad ku dhiirrataan inaad weerartaan Lubnaan iyo dadkeeda samirka badan ee adkaysiga leh, waxaan dhulkiinna u beddeli doonnaa goob dab ah."















