Epstein ayaa igu xadgudbi jiray isaga oo xabsi guri ah, mid kamid ah dadkii ka badbaaday ayaa sheegtay

Roza

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Amy Walker
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Qof ka badbaaday xadgudubka Jeffrey Epstein ayaa ka waramay sida dembiilaha galmada uu u faraxumeeyay iyada xilli uu ku jiray xabsi guri isaga oo ka dalbaday in ay u keento ilmo yar oo galmo la sameeyo.

Roza, oo laga shaqaaleysiiyay Uzbekistan iyada oo da'yar ah oo uu keenay nin saaxiib la ahaa Epstein iyo Jean-Luc Brunel oo ka shaqeeya model-ka, ayaa si fagaare ah markii ugu horreysay uga hadashay tiro dhibanayaal ah xilli ay socotay dhegeysi ay soo qabanqaabiyeen Aqalka Dimuqraadiyiinta .

Waxay u sheegtay fadhiga in Brunel uu bishii Luulyo 2009 baray Epstein , loona sheegay in ay Epstein u qabanayso shaqo "si ay iiga caawiso dhibaatooyinkayga dhaqaale", ka dibna wuxuu u geystay kufsi muddo saddex sano ah.

Xildhibaanka dimuqraadiga ah Robert Garcia ayaa sheegay in dhageysiga aan rasmiga ahayn lagu qabtay West Palm Beach, Florida, sababtoo ah waa meeshii "dambiyada Epstein markii ugu horeysay ay ka soo shaac baxeen".

Dhegeysiga, oo Garcia uu tilmaamay in sidoo kale lagu qabtay meel u dhow guriga Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Mar-a-Lago, ayaa waxaa qabtay Guddiga Kormeerka Dimuqraadiyiinta ee Aqalka Wakiilada Mareykanka iyo xubno ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Guddigan oo aqlabiyadda Jamhuuriga haysta ayaa hadda baaraya dambiyada maalgeliyaha. Xubnaha dimuqraadiga ah ee guddiga ayaa diiradda saaray in ay baaraan sida maamulka Trump uu u maareeynayo faylalka Epstein.

Dhageysigu ma laha awood sharci, laakiin waxaa la qorsheeyay ujeedo ah in kiiska Epstein lagu hayo tooshka.

Sharci-dajiyayaasha dimuqraadiga ahi waxay maqleen sida Epstein iyo kuwii la shaqaynayey ay uga carareen la xisaabtanka sannado badan, iyo sida dhibanayaasha ay marar badan ugu fashilmeen nidaamka caddaaladda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Roza, oo magaceeda koowaad kaliya lagu sheegay dhegeysiga, ayaa sheegtay in ay 18 jir ahayd markii ay la kulantay Brunel sannadkii 2008-dii, waxayna " ballan qaaday in ay samayn doonto shaqo qaabayn ah oo ka baxsan riyadeyda".

"Anigoo ka imid asal ahaan guri aan dhaqaale badan lahayn, waxaan ahaa bartilmaameed fiican oo la qasbi karo," ayay raacisay, intii lagu jiray dhagaysiga.

Epstein wuxuu ku dhintay qolka xabsiga New York 10kii Agoosto 2019 isagoo sugaya maxkamadeynta eedeymaha ka ganacsiga galmada.

Xukunkiisa 2008-dii waxa uu ahaa in uu ilmo yar ka dalbaday dhilleysi- kaas oo loo diiwaan galiyay in uu yahay dambiile galmo.

Warbixin ay daabaceen xubnaha guddiga kormeerka Dimuqraadiga Talaadadii ayaa lagu ogaaday in heshiis muran dhaliyay oo uu ka gorgortamayay qareenka Epstein 2008dii uu u saamaxay inuu "sii wado xad-gudubkiisa iyo dhaqdhaqaaqyadiisa ganacsi muddo ku dhow toban sano oo kale".

Roza waxay sheegtay in xadgudubka uu geystay Epstein intii uu ku jiray xabsi guriga "ay ka dhigtay cadaaladda mid aan macquul ahayn", laakiin waxay "ugu dambeyntii heshay geesinimada ay ku gaarto caawimaad la siiyo".

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in dib loo dhaawacay ka dib markii magaceeda si lama filaan ah loogu daabacay faylalka Epstein ee ay sii daysay Waaxda Caddaaladda (DOJ), "halka kuwa taajiriinta ah iyo kuwa xoogga leh ay weli helayaan ilaalin".

"Hadda wariyayaal ka kala yimid daafaha caalamka ayaa ila soo xiriiraya. Ma noolaan karo anigoo aan garabkayga fiirin. Waxaan qiyaasi karaa saameynta mustaqbalka fog 'qaladkan' uu ku yeelan doono nolosheyda."

DOJ waxay hore u sheegtay inay "si dhab ah u ilaaliso dhibbanaha", iyo inay ka saartay shabakadeeda tiro faylal la xiriira Epstein ka dib markii dhibbanayaashu sheegeen in la aqoonsaday taasoo ay ugu wacan tahay khaladaad ka yimid xogtii la sii daayay. DOJ waxay sheegtay in khaladaadku ay sababeen "khalad farsamo ama bini'aadm".

Qof kale oo ka badbaaday Epstein, Maria Farmer, ayaa sidoo kale caddayn siisay sharci-dejiyeyaasha taa oo ah farriin la duubay. Waxay sheegtay inay markii ugu horreysay ka warbixisay xadgudubka ninkaan1996-kii, waxayna ku eedaysay hay'adaha fulinta sharciga inay si isdaba joog ah wax uga qaban waayeen.

"Dowladdu waxay u baahan tahay inay bilowdo inay runta sheegto," ayay tiri.