BBC ayaa daaha ka qaaday tahriibiye tiir-dhexaad u ah shabakad ka dambeysa inta badan dadka doomaha yaryar ku soo gala Ingiriiska.

.
Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Baaritaan ay BBC ayaa daaha ka qaaday tahriibiye caan ah oo la rumeysan yahay in ay shabakaddiisu mas'uul ka tahay inta badan safarrada sharci darrada ah ee doomaha yaryar loogu gudbo Kanaalka isku xira Ingiriiska iyo faransiiska sannadihii u dambeeyay.

Ninkan oo ka soo jeeda Kurdiyiinta Ciraa oo 28 jir ah ayaa muddo dhowr sano ah ka baxsanayay xarig, isaga oo isticmaalaya magac been abuur ah oo ah "Kardo Ranya". Wuxuuna si adag u qarinayay magaciisa dhabta ah, taas oo niyad jab ku noqotay hay'adaha sharci fulinta ee isku dayayey in ay soo saaraan amar caalami ah oo lagu soo xiro.

Macluumaad la'aanta ku saabsan magaca dhabta ah ee Kardo Ranya ayaa sidoo kale adkaysey in Booliisyada Yurub ay la socdaan dhaqdhaqaaqiisa ama ay dabagalaan xogaha ka baxsan soohdimahooda.

Si kastaba ha ahaatee, aniga iyo saaxiibkay Rob Lawrie oo adeegsanayna xiriirro ka dhex jiray dunida tahriibka, waxaan ku guuleysannay in aan raadraac ka bilowno xeryaha muhaajiriinta ee waqooyiga Faransiiska illaa Kurdistaan Ciraaq, halkaas oo aan ka helnay aqoonsigiisa dhabta ah iyo faahfaahin ku saabsan isaga, ugu dambayna aan fool ka fool ula kulannay. Sheekadan dabagalka ah waxaa lagu soo bandhigay Podcast cusub oo BBC Radio 4 ah oo la magac baxay Asaraar: Qabashadii Boqorka.

.

Waxaa la rumeysan yahay in Kardo Ranya uu maamulo shabakad tahriib oo waddooyinkeedu ka bilowdaan Afghanistan kuna dhammaadaan UK.

Magaciisa been abuurka ah wuxuu ka qaatay magaalada Ranya ee Kurdistaanta Ciraaq, halkaas oo la aaminsan yahay in uu ka soo jeedo. Gobolkaas oo si iskiis ah loo maamulo ayaa sida lagu sheegay warbixin ay 2024 soo saartay hay'adda lafagurta arrimaha caalamiga ah ee Chatham House, waxaa "ka buuxa shabakado tahriib oo firfircoon".

"Waxaan oran lahayn inta badan ganacsiga dambiyada ee doomaha yaryar waxaa gacanta ku haya Kurdiyiin," ayuu yiri Dan Cannatella-Barcroft oo ah Agaasimaha Ku-xigeenka KMG ah ee Hay'adda Dambiyada Qaranka ee UK (NCA).

Cannatella-Barcroft wuxuu sheegay in dhowr tahriibiye oo ka soo jeeda ama ka hawlgeli jiray Ranya ay dhawaan bartilmaameedsatay NCA.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tani waxay la jaanqaadday waxa aan ka maqalnay tahriibiye ku sugnaa xero muhaajiriin oo ku taal Faransiis, kaasoo sheegay in shabakadda gacanta ku haysa ganacsiga tahriibka Kanaalka badanaa loogu yeero "Ranya Boys".

Inkasta oo magaca dhabta ah ee Kardo Ranya uu sir ahaa, haddana kama labalabeyn in uu wajigiisa ku soo bandhigo baraha bulshada marka uu xayeysiinayo adeeggiisa tahriibka. Wuxuu sidoo kale soo dhigay muuqaallo dadka ku dhiirrigelinaya sawirro nolol raaxo leh oo London ah iyo markhaatiyo ka yimid macaamiil u muuqda in ay si guul leh ku gaareen UK.

Tahriibiye hore ayaa noo sheegay in shabakadda Kardo Ranya ay ku qaaddo qiyaastii €17,000 (£15,000) si qof looga soo qaado Ciraaq loona geeyo UK. Inkasta oo qiimahani mararka qaar ka sarreeyo kooxaha kale ee wax tahriibiya, haddana shabakaddiisu waxay sheegataa in ay bixiso safar ammaan badan iyo adeeg heer sare ah oo loogu talagalay dadka awoodi kara.

Si kastaba ha ahaatee, safarka dheer ee Bariga Dhexe iyo Yurub dhex mara waa sharci darro halis badan dhan kasta oo laga eego. Dad badan oo muhaajiriin ah ayaana ku naf waayay.

.

Doomaha yaryar ayaa noqday habka ugu badan loo adeegsado safrinta dadka si sharci darrada ah ku gala UK tan iyo 2020. Ku dhowaad dhammaan dadka sidan ku yimaada waxay codsadaan magangelyo iyagoo leh kuma noolaan karaan dalkooda sababo la xiriira cadaadis ama rabshado.

Inta badan dadka safarka uga gudba Kanaalka waxay da'doodu ka yar tahay 40sano jir. Tobankii qof ee ka mid ah dadkii doomaha yaryar ku yimid intii u dhaxaysay 2018 iyo 2025, sagaal ayaa rag iyo wiilal ahaa.

Bishii Disembar 2025 waxaa jiray 103,426 qof oo ku jiray hoyga magangelyo-doonka, oo ay ku jiraan hoteello, guryo wadaag ah iyo xerooyin ciidan oo hore.

Xero muhaajiriin oo Faransiiska ku taal ayaan ku maqalnay sheekada nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Ranya laguna magacaabo Shwana, kaas oo sanadkii hore ka soo safray Kurdistaan Ciraaq illaa Kanaalka Ingiriiska.

Ninkan 24 jirka ah ayaa la ogaa in uu gaaray xeebaha waqooyiga Faransiiska bishii Nofeembar, halkaas oo isaga iyo ku dhowaad 100 qof oo kale lagu raray doon qaadi kartay wax ka yar 20 qof.

Doontii ayaa bilowday in ay degto intii lagu guda jirey safarka. Inta badan rakaabka waxaa soo badbaadiyay ilaalada xeebaha, waxaana dib loogu celiyay Faransiiska, laakiin afar qof ayaa la rumeysan yahay in ay mugdiga badda ku lumeen, waxaana ka mid ahaa Shwana. Welina raqdiisa lama helin.

Safarkaasi waxaa la isku dubbariday koox WhatsApp ah, sida uu sheegay qofkii la socday Shwana, kaas oo na tusay lambarka taleefanka ee tahriibayaashu adeegsanayeen. Lambarkaas ayaa sidoo kale ka muuqday mid ka mid ah xayeysiisyada baraha bulshada ee Kardo Ranya.

Markii dambe waxaan awoodnay in aan la hadalno qoyska Shwana oo ku nool magaalada Ranya. Waxay sheegeen in uu saameeyey xayeysiis muujinayey in nolol wanaagsan ay UK ah.

Shaqo la'aanta sare iyo fursad la'aanta ka jirta Kurdistaan Ciraaq ayaa sahashay in kooxaha dambiileyaasha ahi dhallinyaro badan ku qanciyaan in ay naftooda ku halligaan safar ay ku tiigsanyaan Yurub iyo UK.

"Codka tahriibayaasha ayaa ka xoog badan codka warbaahinta iyo kan dowladda," ayuu noo sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka, Dr Hemn Merany.

Si kastaba, waxaa jira qoysas badan oo ku sugan Ranya sida qoyska Shwana oo weli ka murugaysan geerida qofii ay jeclaayeen, waxaana jira calaamado muujinaya in dadku billaabeen in ay si cad uga hadlaan ganacsiga tahriibka.

.

Matxaf yar ayaa laga sameeyay magaalada si loogu xuso dhammaan dadka deegaanka ee ku dhintay safarrada doomaha. Darbiyadiisana waxaa ku dheggan boqolaal sawir.

Milkiilaha matxafka, Bakra Ali, ayaa hadda u baahan ilaalin booliis 24 saac ah kadib hanjabaado dil oo uga yimid tahriibiyayaal deegaanka ah, balse wali wuu adkeysanayaa.

Markii aan tusnay sawirka Kardo Ranya, Ali markiiba wuu gartay. Wuxuu sheegay inuusan aqoon magaca dhabta ah ee ninka, balse wuxuu na siiyay xiriirka qaar ka mid ah dadka arrimahan u dhuundaloola oo laga yaabo in ay yaqaannaan.

WhatsApp ayaan fariin ugu dirnay midkood. Wuxuuna noogu jawaabay qoraal iyo kadib wicitaan.

Wuxuu sheegay in isaga iyo Kardo Ranya ay isku dhow yihiin sida walaalo, taas oo naga dhigtay inaan is weydiino sababta uu noo soo wacay. Waxaan moodnay in uu doonayo in uu qabto hoggaanka kooxda oo baaritaankayaga u arkayay fursad uu booska madaxdiisa ku qaato.

Kadib maalmo wada hadal ah, Rob wuxuu helay fariin oranaysa: "Diyaar ma tahay?"

Shaashaddii ayaa madoobaatay muddo 15 daqiiqo ah. Kadibna way iftiintay. Dukumenti ayaa ka soo muuqday oo wata sawirka Kardo Ranya, taariikhdiisa dhalashada iyo tan ugu muhiimsan — magaciisa dhabta ah: Kardo Muhammad Amen Jaf.

Waxaan go'aansannay in ay waqtigii ahayd in aan si toos ah ula hadalno eedeymaha tahriibka dadka.

Intii uu socday baaritaankayaga, waxaa nala siiyay lambar WhatsApp ah oo la sheegay in Kardo Ranya iyo saaxiibbadiis ku maamulaan ganacsigooda. Turjubaankayaga ayaa wacay lambarka isaga oo iska dhigaya muhaajir doonaya in uu qoyskiisa oo dhan geeyo UK.

Wuxuu la hadlay qof telefoonka kaga sheegay in adeegga VIP-ga uu ku kacayo £160,000. Duulimaadku wuxuu tagi lahaa garoon diyaaradeed oo ka baxsan London, sababo amni dartood. Kadibna qof ayaa qoyska qaadi lahaa oo geyn lahaa meesha ay rabaan.

Turjubaankayagu wuxuu sheegay in uu ka fiirsan doono dalabka balse xaaskiisu ka walwalsan tahay. Wuxuu uga tagay lambarkeenna isagoo rajeynaya in lacagta badan ay ku dhiirrigelin doonto Jaf la soo xiriiro.

Dhowr maalmood kadib, sidaas ayay dhacday.

Markii Jaf soo wacay, waxaan wajahnay xogtii aan ka helnay ganacsigiisa. Wuxuu diiday in uu tahriibiye yahay wuxuuna sheegay in uu dadka keliya kula taliyo sida ay uga bixi karaan Ciraaq, isagoo raaciyey in uusan rumeysneyn in uu wax dambi ah galay.

Kadib waxaan weydiinay ku lug lahaanshihiisa safarkii Kanaalka ee Shwana ku lumay. Wuxuu qirtay inuu ogaa in mid ka mid ah dadkii doonta saarnaa la waayay, balse sheegay inaysan isaga wax xiriir ah la lahayn.

Jaf markaas ayuu telefoonka jaray. Lambarkii uu naga soo wacayna tan iyo markaas waa go'ay.

Dhanka kale, mid ka mid ah dadka la shaqeyn jiray ayaa dhawaan lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah gudaha Faransiiska.

Sida Jaf oo kale, Noah Aaron wuxuu xubin ka ahaa Ranya Boys wuxuuna ku lug lahaa dirista muhaajiriin sharci darro ah oo UK ku jeeda tan iyo 2019.

Aaron waxaa lagu helay dambiyo dhowr ah oo ay ku jiraan lacag dhaqid iyo abaabulidda "gelitaanka, dhaqdhaqaaqa ama joogitaanka sharci darrada ah ee qof ajnabi ah".

Inkasta oo laga doonayey in ka badan hal dal islamarkaana lala xiriiriyey laba dhimasho oo Kanaalka Ingiriiska ah, haddana wuxuu awooday inuu si qarsoodi ah ugu kala goosho UK iyo Yurub muddo dhowr sano ah.

Tan iyo wixii ka dambeeyey Brexit, helitaanka qaar ka mid ah xogaha ku saabsan dambiilayaasha suuragalka ah ayaa noqotay mid adag, sida uu sheegay Ururka Adeegyada Socdaalka.

"Xilligan kuma jirno Yurub, dalal badan oo Yurub ahna lama lihin heshiis xog-wadaag ah. Sidaas darteed ma aragno diiwaannada dambiyada qaar," ayey BBC Radio 4 u sheegtay Lucy Moreton oo ka tirsan ururka; waxayna intaas ku dartay in aysan arag diiwaannadooda socdaalka.

Gudubka xuduudaha si qarsoodi ah ayaa laga yaabaa in uu ku adkaado Jaf mustaqbalka, maadaama hadda baaritaankayagu shaaciyay magaciisa dhabta ah. Waayo waxaa doon doonaya qaar ka mid ah booliiska Yurub si su'aalo loooga weydiiyo, inkasta oo aan la ogeyn halka uu hadda joogo.

Qoraal dheeraad ah waxaa diyaariyay Ben Milne.