Maxay dumarka kaga badan yihiin ragga xanuunka dhanjafka (Migraine), maxaase laga yeeli karaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jiifka qol mugdi ah oo uu wajhadda madaxa kaa garaacayo xanuun aan kala go' lahayn waa waayo-aragnimo ay si fiican u yaqaaniin dadka badan ee la nool dhanjafka; waa cudur si weyn u saameeya shaqada, xiriirka bulshada iyo caafimaadka maskaxda.
Dhanjafka wuxuu si gaar ah ugu badan yahay dumarka, iyadoo dumarku ay ku dhowaad 3 jeer uga nugul yihiin ragga.
Laakiin maxaa keena dhanjafka, maxaase la gudboon si loo xakameeyo?
Waa maxay calaamadaha dhanjafka?
Sida ay sheegtay hay'adda samafalka ee "Migraine Trust" ee UK, dhanjafka wuxuu saameeyaa 1 ka mid ah 7 qof oo dunida ku nool, taas oo ka dhigan in ka badan 1 bilyan oo qof.
Dhanjafka waa cudur neerfaha ah oo la xiriira hidde-sidaha, kaas oo maskaxda ka dhiga mid si fudud ugu nugul isbeddellada.
Dr. Katy Munro oo ku takhasustay dhanjafka, kana tirsan Xarunta Qaranka ee Dhanjafka ee UK, ayaa sheegtay in dadka qaar ee sita hidde-sidaha dhanjafka ay suurtagal tahay inaysan waligood la kulmin kicitaankiisa, isla markaana ay "noloshooda si caadi ah ugu sii wataan dhibaato la'aan".
Hase yeeshee dadka kale, arrimo dibadeed oo kala duwan ayaa kicin kara dariiqooyin gaar ah oo maskaxda ku jira. Habkan ayaa sababa in ay sii daayaan kiimikooyinka neerfaha ee keena calaamadaha dhanjafka.
Calaamadahaas waxaa ka mid noqon kara madax-xanuun, matag, wareer iyo maskax cawlan.
Dr. Munro oo wadda baahinta maqalka ah ee loogu magac daray HeadsUp oo ku saabsan dhanjafka, ayaa tiri: "Qofku wuxuu hal mar yeelan karaa calaamado isku jira, mar kalena calaamado waxoogaa ka duwan. Calaamaduhu xitaa way ku kala duwanaan karaan xubnaha hal qoys dhexdiisa, waxaana laga yaabaa inay isbeddelaan inta uu nool yahay oo dhan."
Maxaa keena weerarka dhanjafka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa dhif in hal arrin oo keliya ay kiciso weerarka dhanjafka. Caadiyan waa arrimo yaryar oo badan oo is dul fuula ilaa ay ka gudbaan xadka uu qofku u adkeysan karo. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah isbeddelka hormoonnada, isbeddelka aan joogtada ahayn ee sonkorta dhiigga, iyo hurdo la'aanta ama hurdada oo badata.
Dhiig karka wuxuu ka ciyaaraa door muhiim ah, laakiin waxaa xiiso leh in xilliga nasashada ee ka dambeeya muddo cadaadis badani uu jiray uu isaguna kicin karo weerarka dhanjafka.
Dr. Munro waxay sheegtay in arrintan si gaar ah loogu arko dumarka: "Inta badan annaga ayaa ah kuwa ay tahay in wax walba isku mar maareeyaan, shaqooyin badan isku mar qabtaan, isla markaana isku dubaridaan jadwalka dhammaan xubnaha qoyska."
Isbeddellada cimilada, oo ay ku jiraan heerkulka, cadaadiska hawada iyo qoyaanka, ayaa sidoo kale kicin kara weerarka dhanjafka. Tani waxay si toos ah ugu xirnaan kartaa sida jirku uga falceliyo isbeddelka cimilada, sida isbeddelka cadaadiska hawada, ama saameynteeda dadban, sida fuuqbaxa.
Dhibaatooyinka caafimaad qaarkood sida yaraanta birta ee jirka, xasaasiyadda gluten-ka (celiac), ama qanjirka thyroid-ka oo shaqadiisu gabaabsi noqoto, ayaa iyaguna kicin kara ama ka sii dari kara dhanjafka.
Hormoonnadu saameyn intee le'eg ayey leeyihiin?
Qiyaastii 10% carruurta waxaa ku dhaca dhanjafka, wuxuuna si isku mid ah ugu dhacaa gabdho iyo wiilalba. Laakiin marka ay gaaraan qaan-gaarnimada oo ay gabdhuhu bilaabaan caadada, qaabkan wuu isbeddelaa.
Dr. Munro oo horey u ahayd dhakhtar guud ayaa tiri: "Tani waa mid ka mid ah sababaha laga bilaabo da'daas ay tirada gabdhaha iyo dumarka qaba weerarada dhanjafka uga badan tahay ragga; waana qaab soconaya ilaa xilliga dhammaadka caadada."
Isbedbeddelka hormoonnada ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee kiciya dhanjafka. Hoos u dhaca weyn ee heerka estrogen-ka wax yar ka hor bilowga caadada ayaa sababi kara in weerarada dhanjafka ee muddadaas ay noqdaan kuwo aad u daran.
Isbeddelka degdegga ah ee heerka hormoonnada xilliga caado joogsiga ayaa sidoo kale uga sii dari kara dhanjafka.
Dr. Munro waxay tiri: "Xilliga pre-menopause-ka, heerka hormoonnadu si joogto ah ayuu isu beddelayaa. Dhanjafka xilligaan waa arrin muhiim ah, dumar badanna way la ildaran yihiin."
Laakiin arrintu kuma koobna hormoonnada oo keliya. Waxay tiri: "Waxaa laga yaabaa inaad isku mar la tacaaleyso carruur qaangaar ah iyo waalidiin da' ah, isla markaana calaamadaha caado joogsiga ay sababeen inaadan si fiican u seexan."
Caado joogsiga ka dib, marka heerka hormoonnadu uu xasillo, weerarada dhanjafka ayaa yaraan kara oo fududaan kara.
Sidee ku ogaaneynaa inuu nagu dhacay weerar dhanjaf ah?
Weerarada dhanjafka badanaa waxay ku dhacaan 4 marxaladood. Marxaladda koowaad waa hordhaca ama marxaladda digniinta; waa marka isbeddellada maskaxda ay bilaabaan inay sameysmaan. Dadka qaar marxaladdan waxay la kulmaan calaamado sida hamaansi badan, daal daran ama qoorta oo xanuunta.
Marxaladda xigta waa aura ama digniinta dhanjafka, taas oo socon karta ilaa hal saac. Marxaladdan badanaa waxaa weheliya cilladaha aragga sida in la arko xariiqyo zigzag ah (is dhaaf-dhaafsan) ama dhibco cad, waxaana la kulma qiyaastii 1/3 dadka qaba.
Kadibna waxaa bilaabmaya marxaladda madax-xanuunka ama marxaladda ugu weyn ee weerarka oo socon karta inta u dhaxeysa 4 ilaa 72 saacadood. Dadka qaar marxaladdan waxay sidoo kale la kulmaan lallabbo iyo matag.
Marxaladda ugu dambeysa waa tan ka dambeysa weerarka; Xaaladdan waxay sii socon kartaa 1 ama 2 maalmood ka dib marka uu yaraado madax xanuunkii ugu darnaa.
Dr. Munro waxay tiri: "Qofku wuxuu dareemayaa sidii in cagaf-cagaf la dul mariyey."
Waxay intaas ku dartay: "Qofku si tartiib ah ayuu isku dayayaa inuu caadi ku soo laabto, caadiyan waa xilliga uu shaqada ku noqdo, balse waxaa dhici karta inuusan weli awood u lahayn inuu si buuxda u shaqeeyo."
Waa maxay qaab-nololeedka ku habboon dadka qaba dhanjafka?
Dadka qaba dhanjafka waxaa dhaqan ahaan lagula talin jiray inay ka fogaadaan waxyaabaha kiciya sida caffeine-ka ama shukulaatada. Laakiin Dr. Munro waxay sheegtay in ay ka wanaagsan tahay in diiradda la saaro joogteynta qaab-nololeedka halkii kaliya diiradda lagu saari lahaa ka fogaanshaha waxyaabaha kiciya.
Waxay sheegtay in markaad isku beddesho qof si dhow ula socda dhanjafka, oo aad dib u fiiriso wixii isbeddelay 2 ama 3 maalmood ka hor inta uusan weerarku bilaaban, ay taasi ku caawin karto; waayo waxaa suurtagal ah in qaar ka mid ah arrimahaas la garto, lagana hortago inay dib u soo laabtaan.
Dr. Munro waxay tiri: "Laakiin noloshu mar walba qorshe kuma socoto. Midkeenna ma noqon karo mid kaamil ah. Markaa naftaada ha eedeyn, ha dareemin dambi. Kaliya isku day intii aad awooddo."
Waxaa muhiim ah inaad cuntada ku qaadato waqtiyo joogto ah si looga hortago hoos u dhaca sonkorta dhiigga. Sidoo kale waxaa faa'iido leh inaad hesho hurdo kugu filan, isla markaana aad seexato oo aad ka kacdo waqtiyo isku dhow maalin kasta.
Inkasta oo jimicsigu muhiim u yahay qof walba, haddana mararka qaar wuxuu kicin karaa dhanjafka. Sidaa darteed, dadka qaba dhanjafka waa inay si gaar ah u hubiyaan inay si fiican wax u cuneen oo biyo ku filan u cabbeen ka hor inta aysan jimicsiga bilaabin iyo inta ay ku jiraanba.
Dr. Munro waxay sheegtay in aragtidan ay sharxi karto sababta maalmaha fasaxa ah ay dadka qaar ugu yihiin waqti halis badan oo uu dhanjafka ku kaco: "Waa inaan ka fikirnaa waxa aan si ka duwan u qabanno maalmaha Jimcaha."
Waxay tiri: "Waxaa laga yaabaa inaad degdegayso si aad shaqooyinka u soo gabagabeyso. Waxaa laga yaabaa inaad fiidkii bilowdo inaad nasatid, oo tusaale ahaan cabto cabitaan khamri ah oo aadan caadi ahaan cabbin maalmaha shaqada. Ama waxaa laga yaabaa inaad waxoogaa dib u seexato."
Waxay ku dartay: "Xaqiiqdu waxay tahay in la eego waxa iska beddelaya hab-nololeedkaaga iyo waxa aad joogteyn karto."

























