Sawirro la soo qaaday oo muujinaya burbur xooggan oo diyaaradda Raadaarka Mareykanka ku gaaray saldhigga Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Facebook
- Author, Emma Pengelly
- Author, Shayan Sardarizadeh
- Author, Jake Horton
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Sawirro la xaqiijiyay ayaa muujinaya in diyaarad Maraykanku leeyahay oo ah nooca amarka iyo xakamaynta lagu burburiyay saldhig cirka oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.
Sawirradan ayaa u muuqda kuwo markii ugu horreysay lagu baahiyay bog Facebook ah oo soo geliya wararka ciidanka Maraykanka. Waxay muujinayaan diyaaradda nooca E-3 Sentry ah oo u muuqata inay laba u qaybsantay.
Waxaan xaqiijinnay in sawirrada laga qaaday saldhigga cirka ee Prince Sultan oo qiyaastii 100km (62 meel) dhanka koonfur-bari ka xiga caasimadda Sacuudiga ee Riyadh. Calaamadaha lagu arkay sawirrada, oo ay ku jiraan tiirarka, bakhaarrada kaydka, iyo calaamadaha meelaha laamiyeysan, ayaa la mid ah sawirrada dayax-gacmeedka.
Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaan weli si fagaare ah uga hadlin dhacdadan. BBC-da ayaa codsatay faahfaahin.
Maalintii Jimcaha, mas'uul Maraykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in 12 askari oo Maraykan ah ay ku dhaawacmeen, laba ka mid ahna ay halis yihiin, kadib weerar ciidanka Iran ay ku qaadeen saldhiggaas. Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in ugu yaraan laba diyaaradood oo Maraykanku leeyahay oo kuwa shidaalka qaada ah ay sidoo kale waxyeello soo gaartay.
Maalintii Axadda, wakaaladda wararka ee Fars oo xiriir la leh ciidanka ilaalada kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegtay in diyaarad drone ah oo nooca Shahed ah ay ku dhacday diyaaradda E-3.
Qaybta BBC Verify ayaa sidoo kale ku aragtay diyaarad E-3 ah goobtan sawir dayax-gacmeed oo la qaaday 11-kii Maarso. Ma dhihi karno inay yihiin isku diyaarad.
Mid ka mid ah sawirrada la xaqiijiyay, waxaa laga dhex arki karaa nambarka dabada diyaaradda. Annaga oo adeegsanayna nambarkaas, waxaan hubinnay mareegta Flightradar24 ee la socota duullimaadyada, taas oo muujisay inay diyaaraddu hawada ku jirtay oo ay socotay agagaarka saldhigga 18-kii Maarso.
Sawir dayax-gacmeed oo la qaaday maalintii Jimcaha ayaa u muuqda inuu muujinayo dab ka kacay dhababbada saldhigga, oo qiyaastii 1,600m (5,200ft) dhanka bari ka xigta halka ay diyaaradda E-3 taallay. Ma cadda in tani ay qayb ka ahayd isla weerarkii waxyeellada lagu gaarsiiyay diyaaradda ee ka muuqda sawirradan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Diyaaradda Boeing E-3 Awacs — oo loo soo gaabiyo "Airborne Warning and Control System" (Nidaamka Digniinta iyo Xakamaynta Hawada) — waxay ku dhisantay diyaaradda Boeing 707, waxayna leedahay raadaar wareegaya oo ku rakiban dhabarka dambe ee diyaaradda.
Raadaarkan ayaa u oggolaanaya inay ogaato oo ay raad-raacdo bartilmaameedyada suurtagalka ah ee masaafo fog, si ay u bixiso digniin hore oo ku saabsan khataraha inta lagu jiro hawlgallada dagaalka.
Diyaaraddu waxay siisaa "macluumaad taliyeyaasha hawlgallada cirka si ay u hantiyaan una xakameeyaan dagaalka dhanka hawada ah," sida lagu sheegay mareegta ciidanka cirka Maraykanka (USAF).
Noocii ugu horreeyay ee diyaaraddan waxaa la sameeyay sanadkii 1977, waxaana la sheegay in la filayo inay E-3 u sii shaqayso USAF ilaa sanadka 2035.













