Ma rabtaa inaad dareento faraxad markaad shaqeynayso?

Xafiis

Xigashada Sawirka, getty

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Shaki kuma jiro in qayb weyn oo noloshaada shaqo ay ku lug leedahay inaad fadhido muddo dheer, ha noqoto ka jawaabista iimayllada ama qabashada shirarka iyo wicitaannada lagu sameeyo Teams.

Si kastaba ha ahaatee, taasi ma beddelayso xaqiiqda ah in muddo dheer oo aad fadhido uu yahay caado caafimaadka waxyeello u leh. Khubaradu waxay sheegaan in qofka oo fadhiya saacado badan ay kordhin karto halista miisaanka oo korodhka, cudurrada wadnaha, iyo sokorowga qeybta 2-aad (Type 2 Diabetes).

Waxaa laga yaabaa inaadan garanayn inta jeer ee aad u baahan tahay inaad istaagto oo aad dhaqaaqdo adigoo weli ilaalinaya wax-soo-saarkaaga shaqo. Waxaana laga yaabaa inaad isweydiiso: Waa maxay isku dheelitirka ugu habboon?

Jawaabtu waa tan: Sida lagu sheegay daraasad ay samaysay jaamacadda Columbia University oo toddobaadkan lagu daabacay joornaalka British Journal of Sports Medicine, qaadashada nasasho socod ama dhaqdhaqaaq ah oo shan daqiiqo ah saacad kasta ayaa ah habka ugu wanaagsan uguna fudud ee lagu xoojin karo caafimaadka iyadoo aan wax saamayn ah ku yeelanayn hufnaanta iyo wax-soo-saarka shaqada.

Wax-qabadka qofka oo kordha ayaa wanaajiya niyadda.

Inta badan dadka waaweyni waxay hadda ku qaataan saddex-meelood meelood maalintii inay fadhiyeen, sida uu qabo Keith Diaz, oo ah cilmi-baaraha hormoodka ah ee daraasaddan dhowaan la daabacay.

Diaz ayaa u sheegay BBC News in inkastoo talada guud ee ah "inaad muddo yar fadhido oo dhaqdhaqaaq badan samee" ay sax tahay, haddana dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan inta ku habboon ee dhaqdhaqaaq ah.

Diaz wuxuu yiri:"Waxa ugu wanaagsan ayaa ah in socod shan daqiiqo ah saacad kasta uu ku filan yahay hagaajinta niyadda iyo yareynta daalka, taasoo dad badani u arkeen mid macquul ah oo si fudud loo hirgelin karo."

Daraasaddan waxaa ka qayb qaatay sahan lagu sameeyay in ka badan 11,000 oo shaqaale Maraykan ah, kuwaas oo intooda badan ka shaqeeya xafiisyo, iyagoo shaqeeya siddeed ilaa sagaal saacadood maalintii.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii lagu jiray toddobaadkii ugu horreeyay, ka qaybgalayaashu waxay sii wateen jadwalkoodii caadiga ahaa ee shaqada, waxayna maalin kasta ka jawaabi jireen su'aalo lagu qiimeynayo heerka daalkooda, niyaddooda, iyo waxqabadkooda shaqo.

Labadii toddobaad ee xigay, waxaa laga codsaday inay sameeyaan socod shan daqiiqo ah nus-saac kasta, ama saacad kasta, ama labadii saacadoodba mar, iyagoo weli buuxinaya su'aalo la mid ah kuwii hore.

Daraasaddu waxaa lagu ogaaday in socodka nus-saac kasta uu faa'iido u leeyahay niyadda isla markaana yareeyo daalka, balse uu si taban u saameeyo waxqabadka shaqada maalinlaha ah.

Dhanka kale, socodka labadii saacadoodba mar ayaa la ogaaday inuu ka wanaagsan yahay in aan gebi ahaanba la socon.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in socodka shan daqiiqo ah saacad kasta uu keeno horumarka ugu weyn ee wax-soo-saarka, feejignaanta, iyo niyadda.

Diaz wuxuu sheegay in fadhiisiga saacado badan uu yahay caado adag in laga baxo, maadaama shaqaale badan oo daraasadda ka qayb qaatay ay ka walwaleen waxa madaxdooda ama saaxiibbadooda shaqadu ka fikiri doonaan marka ay nasasho qaataan.

Diaz wuxuu intaas ku daray:"Inkasta oo ay u muuqan karto wax aan caadi ahayn, nasashooyinka ay ku jiraan dhaqdhaqaaq jireed waxay kor u qaadaan waxqabadka shaqada.,waxay hagaajiyaan awoodaha maamulka maskaxda, feejignaanta iyo xusuusta, waxayna kaa caawiyaan inaad dareento deganaansho iyo firfircooni badan."

Wuxuu sharaxay in socodku yahay dhaqdhaqaaq aan badnayn oo aan u baahnayn in shaqada la joojiyo. Tusaale ahaan, shirar ayaa lagu qaban karaa iyadoo la socdo, ama qofku wuu socon karaa isagoo telefoon kula hadlaya dadka kale, ha ahaato bannaanka ama isagoo ku dhex wareegaya xafiiska.

Emily McGrath, oo ah kalkaaliso sare oo dhanka wadnaha ah kana tirsan British Heart Foundation, ayaa soo dhaweysay natiijooyinka cilmi-baaristan.

"Ku darista dhaqdhaqaaq fudud oo yar maalintaada waxay hagaajisaa caafimaadka guud." ayay tiri Emily.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digtay:"Daraasaddu waxay ku tiirsanayd xog ay bixiyeen ka qaybgalayaasha laftoodu, waxayna ahayd daraasad muddo gaaban socotay, sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay cilmi-baaris muddo dheer ah si loo xaqiijiyo saameynta ay ku leedahay caafimaadka wadnaha."