Khilaaf ka dhex qarxay Spain iyo Talyaaniga, sababa la xiriira qulqulka muhaajiriinta

Arrinta muhaajiriinta ayaa abuurtay walaac iyo khilaaf badan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Spain ayaa tallaabooyin ay ku xakamaynayso xuduudeed ku soo rogtay dhammaan safarrada diyaaradaha iyo maraakiibta ee ka imanaya Talyaaniga, iyadoo khilaafka u dhexeeya labada dal ee Midowga Yurub uu sii xoogeysanayo.

Tallaabooyinkan ayaa dhaqan galay saqdii dhexe ee xalay, waxaana la filayaa inay socdaan muddo bil ah. Waxay yimaadeen toddobaad kaddib markii Talyaanigu uu qaaday tallaabooyin la mid ah, kaddib markii ku dhowaad 78,000 oo muhaajiriin ah oo ka yimid Morocco ay galeen Ceuta, oo ah dhul Spain ka tirsan.

Jimcihii, Spain ayaa Talyaaniga ka dalbatay inuu Axadda ka noqdo kontoroollada xuduudaha. Hase yeeshee, Rome waxay sheegtay in tallaabooyinkaas ay sii socon doonaan ugu yaraan ilaa 15-ka Agoosto, iyadoo Talyaanigu sheegay in Spain ay filayso mowjad cusub oo muhaajiriin ah inay gaarto Ceuta.

Xiisaddan ayaa isku hor keentay Ra'iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, oo ka tirsan xisbiga hantiwadaagga, iyo Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, oo ah siyaasiyad muxaafid ah isla markaana muddo dheer ku baaqeysay in Midowga Yurub uu adkeeyo sharciyada socdaalka.

Talyaaniga iyo Spain ma wadaagaan xuduud dhuleed. Dowladda Talyaaniga ayaa toddobaadkii hore sheegtay in go'aanka ku-meel-gaarka ah ee lagu hakiyay nidaamka Schengen ee xuduudaha aan kontoroolka lahayn uu ahaa mid looga hortagayo in qaar ka mid ah muhaajiriintii galay Ceuta ay u sii gudbaan Talyaaniga.

Madrid ayaa diidday sababtaas, iyadoo sheegtay inay ku salaysan tahay "doodo aan sal iyo raad lahayn", maadaama muhaajiriintii galay Ceuta aysan haysan waddo ay si toos ah ugu geli karaan aagga Schengen.

Iyadoo ka jawaabaysa digniintii Spain ee Jimcihii, dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin "amarro ama ultimatum." Waxay sidoo kale sheegtay inaysan "sinaba" uga laaban doonin go'aanka lagu hakiyay ku-dhaqanka heshiiska Schengen ee dadka ka imanaya Spain ee aan u dhalan dalalka Midowga Yurub, ugu yaraan ilaa 15-ka Agoosto, ama ilaa si buuxda loo xaqiijiyo in meesha laga saaray khataraha amni iyo kuwa argagixisanimo ee Talyaaniga.

Mas'uuliyiinta Talyaaniga ayaa sheegay in hay'adaha maxalliga ah ee fulinaya xakameynta ay "sameynayaan wax kasta oo suurtagal ah" si loo hubiyo in muwaadiniinta Spain iyo kuwa kale ee Yurub ee Spain uga imaanaya Talyaaniga ay helaan adeeg iyo safar raaxo leh intii suurtagal ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Rome ayaa sidoo kale mar kale caddeysay in muwaadiniinta Spain laga dhaafay baaritaannada dheeraadka ah marka ay Talyaaniga soo galayaan. Tallaabooyinka dheeraadka ah waxaa lagu dabaqayaa oo keliya dadka aan ka tirsanayn Midowga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska El País ayaa sheegay in dhowr garoon diyaaradeed ay maalmihii u dambeeyay ka jireen safaf dhaadheer iyo waqtiyo sugitaan oo dheer, iyadoo rakaabka Spain ka imanaya loo dirayay saf gaar ah oo loogu talagalay baaritaannada.

Tallaabooyinka ay Madrid ku dhawaaqday Jimcihii waxaa ka mid noqon doona hubinta baasaboorka, jinsiyadda iyo fiisaha rakaabka Talyaaniga iyo dadka dalalka kale ka soo jeeda ee Talyaaniga ka imanaya.

Dowladda Spain ayaa sheegtay in tallaabooyinkan loo qaaday "iyadoo ay weli jirto cadaadis socdaal oo sharci-darro ah oo joogto ah" oo dalka ka jira.

Dowladda Spain waxay sheegtay in baaritaannadu ay sii socon doonaan ilaa 7-da Sebtembar, haddii aysan xaaladdu isbeddelin.

Hakinta ku-meel-gaarka ah ee heshiiska Schengen ma aha arrin aan horay loo arag. Talyaaniga ayaa sidoo kale weli xakameyn ku haya xuduuddiisa uu la wadaago Slovenia.

Go'aanka Talyaaniga ee ahaa in heshiiska Schengen la hakiyo muddo bil ah waxaa taageeray Finland iyo Denmark, halka Jamhuuriyadda Czech ay ku baaqday in xubinimada Spain ee heshiiska Schengen si ku-meel-gaar ah loo hakiyo.

Inta badan muhaajiriintii toddobaadkii hore gaaray Ceuta waxaa dib loogu celiyay Morocco maalmo gudahood.

Ku dhowaad 1,400 carruur ah, qaar ka mid ahna ay yihiin wiilal iyo gabdho aad u da'yar, ayaa weli halkaas ku sugan.

Spain weli ma aysan xaqiijin wararka sheegaya in la filayo mowjad labaad oo dad ah oo Morocco ka soo gudba xadka. Wargeyska El País ayaa sheegay in wararkaas ay sii xoogaysteen kaddib markii baraha bulshada ay isticmaalayaasha Morocco ku baahiyeen qorshayaal ku saabsan isku day kale oo lagu geli karo Spain.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Spain ayaa wargeyska u sheegay in dowladda ay si dhow ula socoto xaaladda, balse aysan filayn in ay mar kale dhacaan muuqaalladii iyo xaaladdii cakirneed ee toddobaadkii hore.

.

Weli si cad looma oga sababta tobannaan kun oo muhaajiriin ah ay isku dayeen inay galaan Ceuta. Hase yeeshee, Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Socdaalka, Magnus Brunner, ayaa sheegay in arrintaas ay ka dambayn karaan shabakado dambiileyaal ah oo faafinayay warar been abuur ah, aragtidaas oo ay dowladda Spain sidoo kale taageertay.

Isku dayada dadkaasi ku doonayeen inay ku galaan Ceuta ayaa yimid kaddib markii Maxkamadda Sare ee Spain ay xukuntay in muhaajiriinta badda lagu qabto iyagoo isku dayaya inay gaaraan Ceuta ama Melilla aan si toos ah loogu celin karin Morocco.

Dhankeeda, Morocco waxay mas'uuliyadda dhibaatadan dusha ka saartay maxkamadda. Ilo ka tirsan dowladda Morocco oo aan magacooda la sheegin ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in "qaybtii dadka ka celinaysay inay xadka gudbaan ay burburtay, xayndaabkiina uu furmay; ma ahayn culayska dambiilayaasha, balse wuxuu ka dhashay go'aanka garsoore."

Tirada badan ee dadka hal mar isku dayay inay dabaal ku galaan Ceuta ayaa sidoo kale dhalisay su'aalo ku saabsan sababta ciidamada ilaalada xuduudaha Morocco aysan isku dayin inay joojiyaan.

Labada magaalo ee Ceuta iyo Melilla ayaa muddo dheer ahaa arrin muran diblomaasiyadeed ka dhex abuurtay Spain iyo Morocco, maadaama Morocco aysan aqoonsanayn in labada magaalo ay ka tirsan yihiin dhulka Spain.