Tuulada dadkeedu ay u safraan masaafo dhan 45 kiiloomitir si ay telefoonadooda u soo dabeystaan

.
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Kulsooma oo 19 jir ah, kana soo jeedda tuulada Vandiji oo ku dhex taalla buuraha quruxda badan ee Himalaya ee degmada Kupwara ee Kashmir qeybta ay maamusho Hindiya, nolosha casriga ahi waa eray keliya oo ay maqasho, maadaama nolosheedu ay la mid tahay tii dadkii hore ee qadiimiga ahayd.

Shan jiil oo ka tirsan tuulada Vandiji weligood ma aysan arag koronto, jiilka cusubna wuxuu ku korayaa iftiinka Shoolada jikada iyo iftiinka ka yimaada shumacyo ama laambado qiiq badan bixiya.

Tuuladani waxay sugaysay inay hesho koronto qarniyo badan, sababtoo ah ilaa hadda laguma sameyn wax koranta galin ah.

'Waxaan nahay dad qadiimi xilli lagu jiro waqtiyada casriga ah'

Ma aha oo keliya in waddooyinka taga Vandiji ay yihiin kuwa ay adag tahay in la maro, balse nolosha halkaas ka jirta ayaa sidoo kale ku hareeraysan dhibaatooyin badan. Ka dib maalin dhan oo shaqo adag ah, marka fiidkii la gaaro, dadka deegaanka waxay bilaabaan halgan cusub.

"Haweenka halkan jooga ayaa walaac badan qaba, sababtoo ah maalintii waxay la kulmaan qiiqa ka baxa Shoolada cunada lagu kariyo, habeenkiina qiiqa ka baxa laambadaha ama shumacyada ay wax ku bartaan ayaa xanuun u keena," ayay tiri Kulsooma.

Waxay sheegtay in marka ay ka baxdo tuulada ay isla markiiba dareento inaysan qayb ka ahayn ilbaxnimada casriga ah ee bini'aadamka.

"Marka aan tagno suuqa Kupwara, waxaan dareemnaa liidasho markaan aragno dadka oo ku mashquulsan taleefannadooda casriga ah. Marka aan booqanno guryaha qaraabada, waxaan ku aragnaa qalabka kululeeya guryaha, biyo-kuleyliyayaasha, iyo qalab kale oo casri ah. Markaas ayaan dareemnaa inaan joogno xilligii ay dadku cuntada dab ku karin jireen, isla markaana dabka u adeegsan jireen iftiiminta habeenkii."

"Waxaan nahay dad qadiimi ah oo ku nool waqti casri ah."

Tuulada Vandiji, oo ku dhex taal buurta quruxda badan ee Himalayan ee degmada Kupwara
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sababtoo ah waddooyin la'aanta iyo koronto la'aanta ka jirta deegaanka, dadka halkan ku nool waxay maalmahooda ku qaataan socod dheer oo ay ku maraan buuraha.

Kupwara waa degmo ku taalla 75 km waqooyiga Srinagar, una dhow Khadka la Xakamayay. Tuulada quruxda badan ee Vandiji waxay 45 km u jirtaa magaalada Kupwara, waxaana gaari lagu tagi karaa oo keliya ilaa 40 km.

Inta ka hartay jidka, dadka ayaa lug ku fuula buurta si ay u gaaraan degaanka. Intii aan ku jiray socdaalkan, waxaan la kulannay Bashir Axmed Mir, oo garbihiisa ku sida maancuunta guriga.

Wuxuu yiri: "Maalintii waxaan Kupwara ka soo qaadnaa alaabaha guriga, habeenkiina waxaan isku aragnaa oo adeegsanaa iftiinka tooshashka. Ma jirto waddo, ma jirto koronto; waxay u muuqataa in xitaa dowladdu aysan ogeyn halka ay Vandiji ku taallo."

Dadka halkan ku nool waxay buurahan uga degaan dhanka Kupwara si ay ugu u soo dabeystaan taleefannadooda iyo qalabka korantada keydiya, si ugu yaraan ay ula xiriiri karaan qaraabadooda marka ay xaalado degdeg ah dhacaan.

Si kastaba ha ahaatee, adeegga shabakadda isgaarsiinta ee halkaas ka jira ayaa sidoo kale aad u liita.

'Qiiqa shoolada iyo Tooshka ayaan wadna xanun ka qaaday'

Koronto la'aanta ayaa si weyn u saamaysay caafimaadka dadka halkan ku nool. Cabdul Rashid Malik ayaa muddo laba sano ah ku jiray daaweyn caafimaad. Waxa uu la ildaran yahay xanuun wadne oo ka dhashay caabuq daran oo kaga dhacay xabadka.

Wuxuu yiri: "Toddobaadkii waxaan gubnaa tan badan oo xaabo ah. Tani ma aha oo keliya inay waxyeello u geysanayso guryahayaga, balse sidoo kale waxay dhaawacaysaa caafimaadkeenna. Marka hore qufac ayaa igu bilowday, dabadeed dhakhtarku wuxuu ii sheegay inaan qabo caabuq xabadka ah, ugu dambayntiina waxaan ogaaday in qiiqu uu sabab u noqday xanuunka wadnaha ee i haya."

"Haddii koronto jiri lahayd, midkoodna ma dhaceen. Awoowgay iyo awoogii, iyo aabbahay midkoodna waligood ma arkin koronto. Noloshayda oo dhan waxaan ku qaatay mugdi. Hadda waxaa jira carruur yaryar'Lama oga waxa mustaqbalka ku dhici doona."

Inta badan dadka ku nool tuuladan oo ay dadkeedu ka yar yihiin 500 qof, ayaa la ildaran cudurro kala duwan oo ku dhaca laabta, cunaha iyo indhaha, kuwaas oo ka dhashay qiiqa feynuusta iyo waxyaabaha kale ee aan iftiinsano fiidkii.

Kasmiir

Laakiin maxaa sababay in korontada weli aan la gaarsiin tuuladan?

Mas'uuliyiintu waxay sheegayaan in gaarsiinta korontada tuulada ay caqabad ku tahay xaaladda liidata ee waddooyinka.

"Vandiji waxay ku taallaa meel 12,000 fiit ka sarreysa heerka badda, waddooyinkeeduna aad bay u khatar badan yihiin. Koronto waa la gaarsiin karaa, laakiin aad bay u adag tahay in qalabka lagu dhisayo kaabayaasha korontada halkaas loo qaado," ayuu u sheegay BBC-da Maxamed Shafi Wani, oo ah injineerka fulinta ee waaxda korontada.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu, sugitaanka dheer ee tuuladani waxaa laga yaabaa inuu dhammaado dabayaaqada sanadkan.

"Waxaan horey u gaarsiinay qayb ka mid ah qalabkii loo baahnaa, waxaana qorshuhu yahay inaan Vandiji ku xirno shabakadda korontada dhammaadka sanadkan," ayuu Maxamed Shafi Wani u sheegay BBC-da.

Markii aan fiidkii mugdiga kadib gaarnay guriga Riaz Axmed Lone, gabadhiisa 11 jirka ah ee Asifa Jan waxay baranaysay cutub ku saabsan macluumaadka tiknoolajiyadda , halka Riaz uu shidayay toosh si ay iftiin uga hesho.

Riaz wuxuu yiri:"Mustaqbalka carruurteenna ayaa khatar ku jira,maanta, iyadoo dadku ay taleefannada casriga ah ku xirmaan dunida oo dhan, annagu weli mugdi ayaan ku nool nahay,sidee ayaa taleefan loo jaaj-gareyn karaa haddii aysan koronto jirin?

"Waxaan Kupwara u qaadnaa qalabka keydiya Korantada si aan ugu dabeysano, si marka xaalad degdeg ahi timaaddo aan ugu yaraan qof u wici karno oo gargaar u weydiisan karno." ayuu intaa ku daray.

Maxammad Sultan, oo ah madaxa tuulada Vandiji, ayaa muddo sannado ah xiriir la lahaa mas'uuliyiinta dowladda, balse weli koronto lama gaarsiin tuulada.

Wuxuu yiri:"Waxaan ka daalay sannado badan oo aan xafiisba xafiis ugu wareegayay arrintan,hadda waxaa tuulada laga taagay tiirar koronto, laakiin weli ma jiraan fiilooyin koronto ama diyaar-garow kale oo lagu hawlgelinayo"

"Shan jiil oo naga mid ah ayaa ku noolaa mugdi, laakiin waxa aan aad uga walwalsanahay jiilka cusub. Waxaan rajaynayaa in carruurtani ay arki doonaan iftiinka korontada. ayuu yiri "Maxammad Sultan.