Netflix oo lagu dacwaynayo in xogta caruurta iyo macaamiisha kalaba ay basaasto

Netflix logo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Shirkadda Netflix ayaa dacwad laga gudbiyay gobolka Texas iyadoo lagu eedeeyay inay aruuriso xogta ay leeyihiin carruurta iyo dadka waaweyn ee ku nool gobolkaan Mareykanka iyagoon ogolaansho helin, waxayna isticmaashaa naqshad "qabatin leh" si ay kuugu hayso muuqaaladeeda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Texas Ken Paxton ayaa ku eedeeyay shirkadda in ay "basaastay" muwaadiniinta isagoo sheegay in "ay ka hesho lacag balaayiin ah" macluumaad ku saabsan sida isticmaalayaashu ugu dhaqmaan marka ay ku jiraan website kooda, inkastoo ay sheegeen in aysan sidaas samaynaynin.

"wax walba oo aad ku dhex samayso madashooda wuxuu noqday xog daaha ka qaadaysa macluumaadka ku saabsan isticmaalaha," xafiiskiisa ayaa yiri.

Netflix waa ay diiday warkaas waxayna sheegtay in ay maxkamad hortegi doonto.

"Si xushmad leh gobolka weyn ee Texas iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Paxton, dacwaddan ma lahan wax tayo ah waxaana ay ku saleysan tahay macluumaad aan sax ahayn oo la qalloociyay," afhayeen u hadlay Netflix ayaa u sheegay BBC.

"Netflix waxay si dhab ah u qaadaa xogaha gaarka ah ee xubnahayaga waxayna u hoggaansamaan shuruucda ilaalinta sirta iyo xogta meel kasta oo aan ka hawlgalno."

"Marka aad daawato Netflix, Netflix wuu ku daawataa," ayay tiri cabashada uu gudbiyay Isniintii xeer ilaaliyaha sare ee Texas.

Sida ay qabto dacwaddu, shirkadda madadaalada ayaa isu difaacday inay ka duwan tahay shirkadaha kale ee teknolojiyadda sida ay u maarayso xogta iyo xayeysiinta isticmaaleyaasha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay soo xigteen madaxii hore ee shirkadda Reed Hastings inuu yiri 2019 iyo 2020 in aanay ururin oo aanay lacag ka samayn xogta isticmaalaha, sida inay ka iibiso kuwa xayaysiisyada sameeya.

Laakin dacwadda ayaa sheegtay in Netflix ay adeegsatay isku-dar ah qaababka loo naqshadeeyay "qabatinka" daawadaga, sida waxyaabo is daaraya, iyo iyo in ay si ballaaran u aruuriyaan macluumaadka qofka isticmaalaha ah si dadka loogu ilaaliyo in ay madashooda ka dhaqaaqin.

Balaayiin dhacdooyin ah oo la kaydiyay waxaa ka mid ahaa in ay Netflix kaydsato waxa isticmaalayaashu ay gujiyaan, inta ay ku raagayaan waxa ay gujiyeen, iyo mudada ay sidaas sameeyaan, ayay dacwaddu ku daraytay.

Sannadkii 2022, ayay tiri, shirkaddu waxay sidoo kale billowday "ka faa'iidaysiga xog buuro la eg oo ay shirkaddu si aanay ka warhayn uga aruurisay carruurta iyo qoysaska ay ku indha sar-caadisay shaashaddooda" - taas oo lala wadaagayo dilaaliinta ganacsiga xogta si ay uga caawiso kor u qaadista balaayiin doolar oo dakhli ah.

"Marka la soo koobo, Netflix waxay iibisaa adeeg ay dadku ka rukuntaanoo aad ku daawanayso barnaamijyadeeda si ay uga baxsato in ay xogtaada daawadaan shirkadaha waaway ee tiknoolajiga: bishii lacag bixi, ka badbaad raadraaca," ayay tiri dacwadda.

"dadka reer Texas ayaa aaminay gorgortankaas. Netflix way jabisay - iyaga oo dhisaya nidaamka ururinta xogta macaamiisha."

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Paxton ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in shirkadu ay ku xad gudubtay sharciga gobolka, kaas oo ah Xeerka Dhaqannada Ganacsiga Khiyaanada ah ee Texas kaas oo mamnuucaya "falalka beenta ah, khiyaanada, iyo dhaqanada marin habaabinta ganacsiga".

Xeer Ilaaliyaha guud waxa uu qaadi karaa talaabooyin ay ku jiraan ganaaxyo ka dhan ah kuwa lagu helo in ay ku dhaqaaqeen hawshan.

Xaaladdan oo kale, waxay doonaysaa in maxkamaddu ay amarto Netflix inay tirtirto xog kasta oo "si khiyaano ah oo laga soo ururiyey reer Texas", joojiso xogtooda loo isticmaalayo xayaysiisyada la beegsanayo macaamiisha iyo inay si dhaqsi ah u joojiso shirkaddu waxyaabo si iskood ah u shidmaya ee ciwaanada carruurta.

Waxay imaanaysaa arrintani iyadoo shirkaduhu ay wajahaan baaqyo ku aadan in ay joojiyaan barnaamijyada sida iskood ah u shidaya muuqaalada iyo sidoo kale muuqaalada aan dhamaadka lahayn ee dadku daawadaan maalin wlaba, iyada oo sabab looga dhigay baaqyadaas in shirkaduhu ay dabin ahaan u gu dhigeen isticmaalayaasha muuqaal si aan caafimaadka qofka u wanaagsanayn.

Khubarada ayaa sheegay in guushii ugu dambeysay ee dacwad California oo ku doodaysay in Meta iyo YouTube lagu dacwayn karo barnaamijyadooda qabatinka leh ee aaladahooda ay albaabka u furi karto dacwado la mid ah cabashooyinkaas.