Muuqaal sir ahaa oo la shaaciyay oo ku saabsan xogta maqluuqaadka UFO's
Amarka madaxweyne Donald Trump, ayaa wasaaradda gaashaandhigga ku sii daysay daraasiin faylal horey sir u ahaa oo ku saabsan muuqaallada UFO ee ay u bixiyaan waxa ay ugu yeereen 'daah-furnaan aan horay loo arag' oo dadka Mareykanka la siinayo, in kasta oo falanqeeyayaasha ay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah dukumentiyada horay loo soo bandhigay.
Shaacinta dukumeentiyada, sawirada iyo fiidyowyada maqluuqaadkaan ayaa waxaa ku xigi doona sii dayno kale maadaama agabyo badan la sii daayay, ayay ku dareen hadal ay soo saareen.
Trump waa madaxweynihii ugu dambeeyay ee siidaaya warbixinnada dowladda Mareykanka ee ku saabsan UFOs, hanaankaan ayaa soo bilowday dabayaaqadii 1970-meeyadii.
Khubarada ayaa sheegay in qaybta ku dhawaad 160-ka faylal ee la sii daayay Jimcihii ay ka koobnaayeen muuqaallo cusub balse ma aysan bixin caddayn dhammaystiran oo ku saabsan in maqluuqaad shisheeye jiran ama nolol ka baxsan tan aan naqaano.










