Macallin badbaadiyay 900 oo arday ah daqiiqado ka hor inta aysan dhicin daadadkii Nepal
- Author, Ashok Dahal and Kamal Pariyar, BBC Nepali
- Reporting from, Nuwakot district
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Maamulaha iskuulka ayaa sharraxay sida uu 900 arday uga badbaadiyay fatahaaddii Nepal, kadib markii uu ardayda si degdeg ah u daad-gureeyay, iyadoo ay 10 daqiiqo uun ka harsan tahay inta aysan biyuhu iskuulka soo gaarin.
Rajendra Dawadi oo maamula Iskuulka Sare ee Tribhuvan Trishuli ee ku yaal Nuwakot, wuxuu BBC-da u sheegay in 09:10-kii subaxnimo ee xilliga halkaas (03:25 GMT) uu helay afar wicitaan oo looga digayay masiibada, taas oo ilaa hadda ay ku dhinteen ugu yaraan 794 qof.
Isagoo qaatay go'aan degdeg ah, ayuu amray in ardayda loo daad-gureeyo dhulka sare, sidoo kale wuxuu baska ay saarnaayeen ardayda ku amray inuu dib u laabto si ay halista uga baxsadaan.
Dawadi wuxuu yiri: "Haddii aanan si degdeg ah u go'aansan lahayn, oo 10 daqiiqo dib u dhac uu jiri lahaa, aniga iyo ardayda midna maanta idinlama hadli lahayn."
Digniintu waxay uga timid afar qof oo kala duwan daqiiqo gudaheed, taas oo ka caawisay inuu fahmo halista soo fool leh.
"Waalid ayaa ii yimid oo igu yiri 'fatahaad weyn ayaa soo socota, waxaan u imid inaan gabadheyda kaxeysto'," ayuu sii raaciyay.
"Waalidka sabab la'aan uma soo ordaan, sidaas darteed waxaan gartay inaanan hal ilbiriqsi lumin oo aan si degdeg ah carruurta u daad-gureeyo."
"Waxaan go'aansaday inaanan marnaba dib u dhigin. Xataa haddii fatahaaddu aysan dhicin, waxa ugu badnaan lumaya waxay ahayd hal maalin oo waxbarasho ah. Waxaan ku faraxsanahay inaan naf badan badbaadinnay."
Fatahaadihii Arbacadii ku dhufatay qeybo badan oo Nepal ka mid ah, ee ay ku la'yihiin ugu yaraan 2,426 qof, ayaa iskuulka oo dhan dhoobo iyo burbur ku hoos aasay.
Dawadi wuxuu sheegay in biyuhu si xowli ah u soo fataheen, islamarkaana dhismihii jiifka ee qiyaastii 100 mitir (328 fuudh) u jiray webiga ay markiiba qaadeen.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii hore, arday badan ma aysan fahamsaneyn heerka halista. Yunisha Amatya oo ah ardayad 16 jir ah, ayaa sheegtay in iyada iyo saaxiibadeed ay si dirqi ah uga baxsadeen fatahaadda daqiiqooyin ka hor inta aysan soo gaarin.
"Waxaan ku badbaadnay aniga iyo saaxiibadeyda 10 ilbiriqsi uun," ayay BBC-da u sheegtay.
"Fatahaadda ka hor waxaan fasalka ku jirnay anagoo wax baraneyna. Macallimiintu meel ayey isugu yimaadeen mana garaneyn waxa dhacaya. Shan daqiiqo kadib ayey macallimiintii noo yimaadeen oo fatahaadda naga war geliyeen waxayna naga codsadeen inaan guryahayaga aadno."
Waxay sheegtay in hal arday uu miyir beelay markii uu maqlay masiibada, balse arday badan ayaa markii hore halista yaraysatay, waxayna sugayeen ardaydii fasalka xisaabta ku jirtay.
Yunisha iyo saaxiibbadeed waxay ka baxeen jidka dambe ee iskuulka iyagoo u cararaya meel sare.
"Si degdeg ah uma socon karin, saaxiibaday ayaa i caawiyay inaan buurta fuulo. Waxaan awooddayada intii ugu badneyd isku daynay inaan ku sugnaanno meel ammaan ah. Waxaan ka baxsannay jaranjaro cidhiidhi ah oo ku taalla xagga dambe ee iskuulka. Muddo yar gudahood suuqii ayaa indhahayga hortiisa lagu xaaqay," ayay tiri.
"Haddii kabahaygu aysan i qaban laheyn waan dhici lahaa, ardayda iyo dadka kale way is riixayeen si ay u gaaraan goob amaan ah iyagoo cararaya. Dadkii doortay inay jid kale daadka uga baxsadaan ayaa la sheegay in fatahaaddu ay qaaday."

Ardayda iyo macallimiinta ayaa marka hore dhowr boqol oo mitir buurta u fuulay si ay nabad uga galaan fatahaadda, ka hor inta aysan u gudbin tuulo ku dhow.
Maadaama waddooyinkii la gooyay gaadiidkuna shaqeyn waayay, dad badan ayaa labo habeen ku xayirmay ka hor inta aysan kooxaha samatabbixintu soo gaarin.
Maamulaha iyo Yunisha oo labaduba ku nool dhinaca kale ee webiga uu iskuulku ku yaallo, ayaa ugu dambeyntii lagu qaaday diyaarad helicopter ah si loogu geeyo tuulooyinka ay deggan yihiin.
Dhinaca kale, waalidiintu waxay si quus ah isku dayayeen inay la xiriiraan carruurtooda iyo qaraabadooda.
Hooyada Yunisha oo lagu magacaabo Sabina Kumari Shrestha waxay sheegtay in ay dhowr jeer isku dayday inay la xiriirto gabadheeda iyo ninkeeda, balse telefoonkooda laga qaban waayay.
Ninkeeda Yubaraj Amatya ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqay dhanka iskuulka. Wuxuu yiri: "wax yar kadib markii warka fatahaaddu faafay ayaan isku dayay inaan waco gabadheyda, laakiin lambarkeeda lama helin, taas ayaana iga dhigtay inaan baqo."
Wuxuu intaas ku daray: "daqiiqo gudahood ayaan u cararay dhanka iskuulka ay gabadhaydu dhigato, waxaan arkay in fatahaaddu ay gebi ahaanba xaaqday Trishuli Bazar, markaas ayaan u maleeyay in gabadhaydu aysan nooleyn. Aad ayaan u argagaxay, mootadii ayaan joojiyay, biyo fatahaya ayaa jirey, laakiin kuma fikiri karin inaan dib u laabto anigoo aan gabadhayda wadin."
Muddo ku dhow hal saac wuxuu ku jiray xaalad aanu garanayn in gabadhiisu nooshahay iyo in kale, wuxuuna isku dayayay inuu waco iyadoo aan laga qabanayn, ugu dambayntiina telefoonkeedii ayaa la qabtay oo Yunisha ayaa ka jawaabtay.
Wuxuu yiri: "Ugu dambayntii markii ay gabadhaydu wicitaankeyga ka jawaabtay isma celin karin, waan la ooyay... labo qaraabo oo ila joogay ayaa iyaguna ooyay oo i dejiyay."
Yunisha way ilmeysaa marka ay xasuusato xilligaas.
"Markii aan buurta dusheeda gaaray ayaan helay wicitaankii aabbahay. Wuu ooyayay xitaa hadal ma awoodin," ayay tiri Yunisha.
Guriga dhankiisa, qoyskeedii oo dhan ayaa walaac ku sugayay soo laabashadeeda.
Hooyadeed ayaa tiri: "Xataa gabadhayda yari seexan wayday. Laakiin markii aan is aragnay Jimcihii oo ahaa saddex maalmood kadib, aad ayaan u faraxnay, qalbigeennuna wuu xasillay."
Yunisha waxay sheegtay in ay hadda ka fekereyso waxa xiga ee dhici doona. "Hadda waxaan ka walwalsanahay waxbarashadeyda dambe," ayay tiri.
"Haddii aan iskuul kale u wareego, saaxiibadeydii hore ayaan u xiisi doonaa, waxaana igu adkaan doonta in aan saaxiibbo cusub yeesho. Waxaan ka walwalsanahay mustaqbalka waxbarashadeyda."
Maamulaha Dawadi wuxuu sheegay in haddii la helo nidaam digniin oo fiican, sida saamiirada qaylinaysa iyo farriimaha dadka loogu sheegayo inay goobta ka guuraan, ay taasi u sahli lahayd dadka deegaanka inay si dhaqso ah uga jawaabaan xaaladda.
Hase yeeshee, wuxuu aaminsan yahay in go'aankii uu qaatay ee ahaa inuu si degdeg ah u dhaqaaqo uu ka hortagay in masiibo weyn ay dhacdo.
"Haddii aan go'aansan lahaa inaan iskuulka xiro xoogaa ka dib, waxba ma harteen, waxa kaliya ee dhici lahaa waa in saacadu markay 9:30 tahay gambaleelka la garaaco," ayuu yiri.
















