Waa kuma 19 jir-ka asalkiisu Soomaaliga yahay ee ku guuleystay doorashada golayaasha deegaanka UK

Mansuur Axmed ayaa ka mid noqday xildhibaanada golayaasha deegaanka ee toddobaadkii hore ka dhacday dhammaan UK. Mansuur waa 19 jir waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu matalo bulshadiisa.
"Waa mas'uuliyad weyn, mid aan diyaar u ahay in qaado oo aan wax ku qabto, una cadeeyo, anigoo dhiirogelinaya dhammaan da'yarta aniga oo kale ah si ay siyaasadda u soo galaan" ayuu yiri Mansuur oo BBC-da la hadlay. Mansuur wuxuu kaloo sheegay in dhallinyaro badan ay siyaasadda soogalayaan isagana uu ku faraxsan yahay in uu taas hore u gaaray.
Intii ay soo baxeysay natiijada doorashada ayey BBC-da weydiisay waxa uu u taagan yahay ama waxa lagu dooranayo.
Mansuur wuxuu ku jawaabay, "Waxaan u taagannahay bulshadeyda. Waxaan u istaagay daahfurnaan ka dhacda deegaankeyga. Qeybo badan oo ka mid ah deegaankeyga waa la dayacay, balse aniga, waxaan ahay musharax madaxbannaan, siyaasad xisbi ima hageyso, waxaan u taagannahay dadka Nechells".
Axmed waxa uu sidoo kale ka soo muuqday barta TikTok ee qareen Yakoob toddobaadkan.
Mansuur Axmed kursiga uu ku guuleystay waxa uu ku yaal deegaanka Nechells ee gudaha magaalada Birmingham ee Ingiriiska, waxayna caan ku tahay taarikh ahaan bulshooyin kala duwan. Mansuur waa musharixii ugu da'da yaraa ee Nechells.
Musharaxiinta u taagnaa sanadkan in aysan xisbi ka tirsaneyn oo ay madaxbannaan yihiin ayaa helay 212 kursi. 34 kursi oo dheeri ah ayey heleen doorashadan.
Xisbiga shaqaalaha ee talada UK haya ayaa helay 1,068, waxayna lumiyeen kuraas gaareysa 1,496. Xsibiga kale ee muxaafidka ayaa isna helay 801, waxayna lumiyeen 563 iyagoo galay boos afaraad. Xisbiga Reform ayaa hoggaaminayay doorashada golahaasha deegaanka halka xisbiga shaqaalaha uu galay kaalinta labaad.
Natiijada doorashada ee England, Scotland iyo Wales ay ka heleen xisbiga shaqaalaha oo aheyd mid hooseysay ayaa culeys saartay raysalwasaare Keir Starmer iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada xisbiga ay ugu baaqeen in uu waqti u qabto goorta uu xafiiska ka tagayo inkastoo golahiisa wasiirada ay taageereen.
Raysalwasaaraha oo wajahaya cadaadis siyaasadeed ayaa ballanqaaday in uu iska difaacayo caqabad kasta oo dhanka hoggaanka ah ee ka hortimaada taas oo ka dhalatay natiijooyinkii doorasho, isla markaana aanu halis gelin doonin "in dalka uu galo qalalaase." Sir Keir wuxuu sheegay in uu fahamsan yahay waxa ka dambeeya carooyinka codbixiyeyaasha laga bilaabo hoos u dhaca heerka nololeed ilaa dhibaatooyinka magaalooyinka.

Xigashada Sawirka, PA Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xisbiga shaqaalaha ayaa looga adkaaday gobolka Wales taas oo soo afjartay 27 sano oo ay ka talinayeen halkaas. Xisbiga SNP ayaa noqday xisbiga ugu weyn ee Scotland.
Xsibiyada shaqaalaha iyo kan muxaafidka ee UK marba mid xukumayay dalka ayaa lagala wareegay kuraas badan. Xisbiga Reform ayaana ka qaatay kuraas badan.
Doorashooyinka golaha deegaanka ayaa inta badan ah kuwa adag, waxayna doorashadan tijaabo u aheyd raysalwasaare Starmer. Habka ay dadka u codeeyeen oo ah mid kala firirsan waxay muujineysaa in Britian ay gashay waa cusub oo ah xisbiyo badan.
Xisbiga muxaafidka oo ah kan labaad ee ugu weyn UK, muddo dheern talada hayay oo doorashadii la soo dhaafay laga adkaaday ayaa kuraas badan lumiyay, waxaana kala wareegay meelo badan xisbiyada Reform iyo kan Liberaalka.
Inkastoo hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka, Kemi Badenoch, meelo badan lumisay hadana waxay ku adkeysatay in ay jirto rajo fiican iyadoo sheegtay in "qorshaha fiican uu waqti qaato". Marka la fiiriyo kursiga Kemi Badenoch ma saarna cadaadis weyn sida kan raysalwasaaraha.
Hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka Kemi Badenoch oo ka jawaabeysay hadal uu jeediyay maanta raysalwasaarahay, waxay sheegtay in khudbadda Starmer ay ahayd "mid murugo leh in la daawado", laakiin waxay ku doodaysaa in kuwa kula tartamaya hoggaanka ee suurtagalka ah in ay xilka qabtaan "aysan haynin jawaabaha".
"Waxay ku mashquulsan yihiin in ay ka doodaan cidda gaariga wadi doonta, laakiin runtu waxay tahay dhammaantood waxay ku socdaan jiho khaldan. Ma haystaan aragtida mustaqbalka," ayay tiri Badenoch.










