Maxaa keenay dib u gurashada degdegta ah ee TPLF, maxaase dhici kara oo soo socda

Xigashada Sawirka, Getty Images
10 maalmood kadib markii uu dib uga qarxay dagaalka gobolka Tigray ciidamadii TPLF waxay si lama filaan ah uga baxeen caasimadda Mekelle. Maalmo gudahoodna waxay gabi ahaanba baneeyeen inta badan gobolka, iyagoo u gacan geliyay ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xulafadooda.
Inkasta oo TPLF ay si rasmi ah u samaysatay isbahaysi ay la gashay lix jabhadood oo kale, islamarkaana si hoose ula shaqaynaysay Eritrea, haddana sidee bay ku dhacday inay wakhti kooban gudaheed isaga baxdo inta badan Tigray oo ay ku jiraan magaalooyin badan? Waa su'aasha afka dad badan ku jirta.
Dhinaca TPLF waxay ku doodday in ka gurashada magaalooyinka ay ahayd xeelad militari oo si qorshaysan loo qaatay, halka dowladda Federaalka Itoobiya ay sheegatay inay dagaalka ku guulaysatay.
Saddex falanqeeye oo ku takhasusay arrimaha siyaasadda iyo militariga, kuwaas oo si dhaw ula socda dagaalka ka socda Tigray, ayaa BBC-da uga warramay sababaha ka dambeeya ka bixitaanka degdegga ah ee TPLF iyo isbeddellada mustaqbalka laga filan karo.
"Wixii aan filaynay iyo wixii aanu niri ayaa dhacay"
"Waxa hadda dhacaya waa wixii aan horay u saadaaliyay" ayuu yiri xubin hore oo ka tirsanaa TPLF ahna macalin hore oo Maraykanka wax ka dhigi jiray, Mudane Bisrat Amare. Waxa uu sheegay in dib u gurashada degdegga ah ee ciidamada TPLF ay ka dambeeyaan laba sababood oo waaweyn oo la xiriira dhibaatooyinka gudaha ee ururka ka jira.
Mudane Bisrat waxa uu tilmaamay in TPLF uu hoos u dhac joogto ah ku haystay tan iyo geeridii Meles Zenawi, isagoo intaas ku daray in heshiiskii Pretoria kadib ururku wajahay kala daadsanaan gudaha ah oo culus.
Waxa uu tilmaamay in burbur iyo kala qaybsanaan baahsan ay ururka ku habsatay, taas oo wiiqday awooddiisii siyaasadeed, ayna sabab u tahay bixitaanka degdegga ah ee ciidamadiisa. Kala qaybsanaantaas awgeed ayuu yiri Mudane Bisrat, TPLF ma awoodin inuu hoggaamiyo xisbigiisa iyo maamulka gobolkaba.
Xisbigu wuu kala jabay ayuu yiri, iyadoo kala bar guddiga dhexe ay raaceen Mudane Getachew Reda, koox kalena ay samaysteen urur cusub oo lagu magacaabo Woldo. Waxa ugu dambeeya ee ka haray waa tiro yar oo taageerada shacabka lumisay, oo ay hoggaaminayaan Dr. Debretsion Gebremichael iyo Marwo Fetlework Gebre Egziabher.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sababta labaad, oo ka dambeysa burburka awoodda siyaasadeed, waa kala jabka ku yimid ciidanka hubeysan ee gobolka. Jeneraaladii ciidanka hoggaaminayay ayaa isku khilaafay mowqifkooda ku aaddan TPLF, taasoo keentay in ciidanku kala qeybsamo.
Mudane Bisrat wuxuu sharraxay in koox ka mid ah saraakiisha ay aaminsanaayeen in "Ururkanu yahay keenii hore, waana in la ilaaliyo oo aan la burburin", sidaas darteedna ay isu arkeen inay yihiin difaacayaasha TPLF. Kooxda kale ee saraakiisha sare ah ayaa taas ka hor timid iyagoo ku doodaya "Annagu hal urur oo keliya ma nihin".
Natiijadii khilaafkan ayaa ahayd in ciidanka gobolka uu laba u kala jabo, waxaana dhashay jabhad hubeysan oo cusub oo TPLF ka soo horjeeda oo loogu magac daray 'Ciidanka Nabadda Tigray'.
Mudane Bisrat wuxuu ku eedeeyay TPLF inuusan iska dhaafin aragtidiisii hore, uuna keenin fikrad cusub oo la jaan qaadaysa xaaladda maanta jirta. "Wuxuu ku dhegay falsafaddii hore, wuxuuna u muuqdaa mid doortay inuu ku dhinto halkii uu isbeddeli lahaa" ayuu yiri.
Waxa kale oo uu xusay in shacabka Tigray ay kalsoonidii kala noqdeen xisbiga. Isagoo tilmaamaya in arrimahan oo dhan ay is biirsadeen oo awoodda TPLF wiiqeen, wuxuu yiri: "Waxa TPLF ku dhacay waa mid ka dhalatay arrimo badan oo isku ururay".
Wuxuu sheegay in markii horeba uu aaminsanaa in haddii dagaal dhaco aanu waqti badan qaadan doonin, balse uu muddo kooban ku dhammaanayo. Isagoo aaminsanaantiisa xoojinaya ayuu Mudane Bisrat Amare yiri: "Wixii aan filaynay iyo wixii aanu nidhi ayaa dhacay".
Wuxuu xaaladda ku sifeeyay in "Magaalooyinka la qabsaday iyada oo aan wax dagaal ah dhicin, waxa keliya ee harayna ay tahay aagga ay Eritrea (Shaabiya) joogto".
Dhanka kale, macalin kale oo jaamacadeed ahna falanqeeye siyaasadeed, Dr. Getye Tirfe, ayaa soo bandhigay sababo la mid ah kuwa Mudane Bisrat oo sharraxaya sababta TPLF ay si degdeg ah dib ugu guratay.
Marka la isku daro sababahan oo dhan, waxay muujinayaan "awood la'aanta TPLF" ayuu yiri Dr. Getye, isagoo aaminsan in "TPLF ay ku dhacday afar halbeeg oo muhiim ah".
Qodobka koowaad wuxuu yiri: "Marka la barbardhigo dowladda Federaalka, TPLF ma lahayn awood ay ku hoggaamiso ama ku qaaddo dagaal".
Wuxuu sharraxay in kala qaybsanaanta ku dhacday madaxdii siyaasadda iyo milatariga ee xisbiga, oo kala bar ay u wareegeen Addis Ababa, ay si weyn u wiiqday TPLF, halka dowladda Federaalkuna ay ka heshay awood dheeraad ah.
"Dadkii horey loogu tirin jiray inay door muhiim ah ka soo ciyaareen TPLF dhinaca militariga iyo dhinaca warbaahinta borobogaandada ah, ayaa yimid Addis Ababa iyaga oo wata taageerayaashoodii iyo ciidamadoodii. Kuwa hadda haray waa tiro yar oo kooban" ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in hoggaamiyayaasha TPLF ee hadda haray ay "siyaasad ahaan iyo da' ahaanba gaboobeen. Mana laha awood iyo muuqaal ay ku wajahaan xaaladda isbeddelka degdegga ah ee maanta jirta" ayuu yiri.
Sidaas darteed ayuu Dr. Getye yiri: "Waxaa la rumeysan yahay in mar kasta oo hoggaamiyayaal ciidan iyo kuwo rayid ah ay TPLF ka baxaan, ay xisbiga si nool ku aasaan". Kuwa hadda harayna wuxuu ku tilmaamay "dagaalyahankii diiday inuu dhinto".
Kala qaybsanaanta awoodda militariga iyo siyaasadda ee xisbiga ku dhacday, oo ay weheliso "awoodda tignoolajiyadda casriga ah" ee dowladda Federaalku leedahay, ayuu ku sifeeyay inay "khatar aad u weyn" ku tahay ciidanka TPLF.
Sababta labaad ee uu sheegay ayaa ah in taageeradii shacabka Tigray ay u hayeen xisbiga ay aad hoos ugu dhacday, isla markaana dadku aysan rabin dagaal dambe, "maqal iyo muuqal midna ma rabaan" ayuu yiri.
Sabab kale oo uu falanqeeyuhu xusay ayaa ah "in dagaalku yahay mid aan lahayn ujeeddo iyo yool cad". Sidaas darteed wuxuu sheegay in TPLF ay ku adkaatay inay hesho dagaalyahanno cusub, wuxuuna aaminsan yahay in xitaa "ciidanka yar ee uu haatan haysto aanu lahayn rabitaan ah inuu dagaalamo, balse uusan waddo kale haysan.
Wuxuu kaloo sharraxay in TPLF ay ku guul darreysatay inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi diblomaasiyadeed, taas oo ah calaamad kale oo muujineysa guuldarrada xisbiga.
Dadka sida dhow ula socda siyaasadda Itoobiya, gaar ahaan sarkaal ciidan oo xilligii Dergiga soo shaqeeyay, Dr. Dereje Hawas, ayaa aaminsan in xaqiiqda ah in inta badan gobolka Tigray uu si degdeg ah uga baxay gacanta TPLF oo uu galay gacanta dowladda Federaalka, aysan kaligeed "noo sheegi karin xaaladda guud ee dhinaca militariga".
Waxay mala awaal ahaan soo bandhigeen in TPLF si degdeg ah u dib ugu guratay, aysan ahayn oo kaliya calaamad muujineysa daciifnimo, balse ay sidoo kale noqon karto go'aan istiraatiiji ah oo uu xisbigu iskiis u qaatay.
Waxay tusaale u soo qaateen afartii sano ee ka horreysay dagaalkii hore, markaas oo la sheegay in ciidamadii TPLF la jabiyay, kadibna ay dib u soo kabsadeen oo ay gaareen ilaa Waqooyiga Shewa.
Iyagoo sharraxaya sababta TPLF ay hadda si degdeg ah dib ugu guratay waxay sheegeen in mid ka mid ah sababaha ay noqon karto natiijada burburka gudaha ee TPLF ku dhacay; dhanka kale waxay noqon kartaa istiraatiijiyad militari oo si qorsheysan dib loogu gurtay si degdeg ah; ama waxay noqon kartaa calaamad muujineysa in gebi ahaanba lagaga adkaaday dagaalka.
Mala awaalada waxaa ka mid ah aragtida ah in burburka TPLF iyo saameynta uu leeyahay "garabka uu hoggaaminayo Getachew" oo ka go'ay xisbiga ay tahay mid si weyn u muuqata, ayay aaminsan yihiin.
In kasta oo xubnaha kooxda ka go'day TPLF uu ka mid yahay Mudane Getachew Reda oo ah qof cusub oo aan ku soo korin taariikhda halgankii TPLF, haddana Dr. Dereje wuxuu xusay in Jeneraal Tsadkan Gebretensae iyo saraakiisha la midka ah ay yihiin kuwa leh taageerayaal badan.
Tani waxay noqon kartaa arrin burburisay qaab-dhismeedka xisbiga ilaa heer hoose, wuxuuna xusay in arrintani ay keeni karto in ujeeddadii dagaalku ay lumiso kalsoonidii, xitaa taageerayaasha xisbiga oo ay ku jiraan dagaalyahannada.
"Haddii ay leeyihiin taageerayaal gaaraya ilaa salka hoose ee qaab-dhismeedka xisbiga, marka Debretsion iyo kuwa la midka ah ay ku dhawaaqaan in dagaalkani muhiim yahay, haddii xubnahooda iyo dagaalyahannadii hore ee TDF ee soo dagaallamay ay u muujiyaan Debretsion calaamad ah 'Maya, dagaalkani ma laha ujeeddo siyaasadeed mana dooneyno inaan ka qeyb galno', waa inay magaalooyinka ka baxaan" ayuu yiri.
In kasta oo ka bixitaanka magaalooyinka uu yeelan karo sabab kale oo dhinaca militariga ah, haddana wuxuu yiri: "Sababta ay ugu suurtagashay inay ku socdaan xawaarahan degdegga ah, aragtideyda waxay noqon kartaa in burburka siyaasadeed ee ku dhacay TPLF uu yahay mid aad u qoto dheer".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa soo socda oo dhici kara
Dowladda Federaalku waxay sheegtay in dagaalku ku dhammaaday guul darradii TPLF, waxayna gobolka Tigray u samaysatay maamul ku-meel-gaar ah.
Dhankeeda TPLF oo sheegtay in dib u gurashadeedu ay qayb ka tahay tallaabo istiraatiiji ah oo militari ah, ayaa ku dhawaaqday inay dagaalka ku sii wadi doonto qaabkeeda gaarka ah.
Waxaa jira warar muujinaya in dagaallo ay weli ka socdaan deegaano kala duwan oo gobolka ka tirsan. Iyadoo mas'uuliyiinta dowladda ay sheegayaan in ciidanka Federaalku uu wado howlgal lagu baacsanayo dagaalyahannada TPLF, TPLF-na dhankeeda waxay sheeganeysaa inay weli guulo ka gaareyso dagaalka.
Madaxdii hore ee TPLF Mudane Bisrat Amare wuxuu aaminsan yahay in TPLF wixii hadda ka dambeeya "ay dhammaatay".
Wuxuu yiri xaaladdii TPLF ay soo martay tan iyo markii la aas-aasay 51-kii sano ee la soo dhaafay iyo xaaladda hadda taagan "wax xiriir ah ma laha". Wuxuuna intaas ku daray: "Wixii hadda ka dambeeya in godad la galo iyo in dagaal dhuumaaleysi ah la sameeyo wax mucjiso ah ma keenayso".
Sababta ugu weyn ee uu sidaas u leeyahay ayaa ah in xisbigu uu lumiyay kalsoonidii shacabka Tigray.
Isagoo ka hadlaya sheegashada TPLF ee ah inay u bedeshay istaraatiijiyadeeda dagaalka mid ah "dagaal dhaqaaqa", Mudane Bisrat wuxuu sheegay in qaabkan dagaalku uu yahay "wax yar oo ka sarreeya" dagaalka dhuumaaleysiga ah. Wuxuuna ku sifeeyay in qaabkan uu yahay "in ciidamo badan la qaato lana weeraro meelo badan oo aad adigu dooratay", taas oo u baahan awood xooggan.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in TPLF aysan laheyn awood ku filan, isagoo yiri: "Dhalinyarada Tigray waxay noqdeen kuwo gabi ahaanba aan dooneynin inay maqlaan dhawaqa xabbadda".
Waxaa intaa dheer, wuxuu sharraxay in dagaalka dhuumaaleysigu uusan meelna ka socon karin haddii aanu heysan taageerada shacabka.
Sidaas darteed ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo yiri: "Ururkani waa tagay oo dib dambe u soo laaban maayo; fursad uu ku soo kabsado ma laha".
"Wax la yiraahdo dhicid iyo kac hadda ma jiro. Sababtoo ah waxay ku dhacday ujeeddo la'aan; waxay ku dhacday hoggaan la'aan. Caddeynta ugu weyn ee taasina waa in dhalinyarada lagu qasbo dagaalka iyadoo lagu cabsi gelinayo xoog" ayuu yiri.
Sidaas darteed ayuu Mudane Bisrat yiri, "Waxaa jiri doona hoggaamiyayaal kooban oo u baxa dhinaca Eritrea". Wuxuu sharraxay in dowladda Eritrea ay hoggaamiyayaashan u isticmaali karto gorgortan siyaasadeed. Kuwa kalena "way is dhiibi doonaan" ayuu yiri, waana sida uu aaminsan yahay.
Marka laga reebo hoggaamiyayaasha, dagaalyahannada TPLF ee haray uma haystaan fursad ay ugu baxsadaan Eritrea, ayuu sheegay Mudane Bisrat, sababtoo ah "jawaabta Itoobiya way ka duwanaan doontaa" haddii ay halkaas tagaan, Eritreana ma aqbali doonto, ayuu sharraxay.
Dr. Getye wuxuu ku raacsan yahay aragtida Bisrat ee ah in hoggaamiyayaasha TPLF ay u bixi karaan Eritrea. Waxayna sidaas u sameynayaan "sababtoo ah ma laha awood iyo muuqaal ay ku sii wadaan dagaalka iyagoo ku sugan saxaaraha Tigray".
Isbaheysiga badbaadada ah ee ay TPLF sameysay oo ay ku jiraan 7 jabhadood oo hubeysan, oo ka baxsan iskaashi xeeladaysan, ayuu Dr. Getye ku tilmaamay mid aan lahayn saldhig istiraatiiji ah. In kasta oo ciidamadan hubeysan ay u kacaan iyagoo leh istaraatiijiyad ah "Waxaan ajandahayaga siyaasadeed ku xallin doonnaa halgan hubeysan", haddana "arrintan waa la afduubay waxaana soo galay xoog kale" ayuu yiri.
Sababtiisu waa in ciidamada shisheeye ee "Eritrea, Sudan iyo Masar ay ka dambeeyaan fallaagada". Tani waxay ka dhigeysaa in ay suurtagal tahay in Itoobiya ay si toos ah ula gasho Eritrea dagaal ballaaran, ayuu sharraxay.
"Waxaan u maleynayaa in dowladda lafteedu isku diyaarisay inay la dagaallanto fallaagada; waa dagaal goboleed. Dagaal goboleed ayay ku guuleysaneysaa iyadoo heysata awood siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo keenaysa isbeddel juqraafi ah" ayuu yiri.
Dr. Dereje dhankiisa wuxuu arrinta u sharraxayaa si ka duwan labada falanqeeye ee kale, isagoo aaminsan in mustaqbalka dagaalku uusan ku saleysneyn oo keliya xaaladda hadda ee TPLF.
Wuxuu sheegay haddii kala qaybsanaanta siyaasadeed ee TPLF ay ku sii socoto ilaa heerka dagaalyahannada, in dib u soo kabashada xisbigu ay adkaan doonto, laakiin wuxuu arkayaa fursad ah in "dib loo dhisi karo hoggaan cusub".
Xitaa haddii kala qaybsanaantu ay hoos u dhacdo, kooxda Debretsion iyo kooxda Jeneraal Tsadkan "waxay xallin karaan khilaafkooda iyagoo adeegsanaya odayaasha dalka, waxayna ku noolaan karaan iyagoo la heshiiyay dowladda Federaalka" ayuu Dr. Dereje Hawas la wadaagay BBC-da qiyaastiisa.
Dhanka kale, wuxuu xusay in awoodda militari ee TPLF ay dib isugu abaabuli karto ay ku xiran tahay marka laga reebo hubka iyo tirada askarta "ujeeddada siyaasadeed, midnimada taliska iyo adkaysiga ururka" ayuu yiri.
Isagoo sharraxaya in magaalooyinka laga baxay iyadoo dagaal socdo aysan ahayn dagaal dhab ah, ayaa Dr. Dereje wuxuu sheegay in tani ay muujineyso in arrinta ciidamada TPLF ay tahay mid ay siyaasaddu hareysay in ka badan rasaasta. Sidaas darteed wuxuu yiri "Jawaabta aad ka bixiso sida loo hagaajiyo kala qaybsanaanta labada qaybood u kala qaybsantay ayaa muujin karta mustaqbalka".
Haddii kala qaybsanaanta gudaha Tigray ay sii xoogeysato, si kastaba ha ahaatee, waxay aaminsan yihiin in tartanka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea uu labada dal u horseedi karo dagaal toos ah, iyadoo loo marayo isbahaysiyada jira.
Isbeddelkan dagaalka "wuxuu gaaray heerkii ugu dambeeyay" ayay ku nuuxnuuxsadeen, haddii khalad yar dhaco labada dhinacba waxay leeyihiin ujeeddo ah "waan qabsan karnaa" sidaas darteedna waxay u dagaallami doonaan si aan xad lahayn, ayay sharraxeen. Xitaa cadaadiska diblomaasiyadeed ee dalalka sida Mareykanka, ma aaminsana inuu joojin karo dagaalka.
Ka dib markii dagaalka Tigray uu dib u qarxay, Itoobiya waxay eriday diblomaasiyiintii Eritrea, halka Eritrea ay uga jawaabtay inay si buuxda u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya.
Waxa intaa dheer, Itoobiya waxay warqad ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegtay in "duullaan" kaga yimid dhinaca Eritrea, oo aysan jirin waddo kale oo aan ka ahayn inay is difaacdo".
Dhankeeda Eritrea, warqad ay iyaduna u dirtay Golaha Ammaanka waxay ku eedeysay Itoobiya iyadoo tiri "Itoobiya waxay dooneysaa inay dagaal huriso iyadoo adeegsaneysa magaca is difaacidda".

























