Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay inay weerari doonaan Sacuudiga

Xoogagga Xuutiyiinta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay ka hortageen "diyaarado dagaal oo Sacuudi ah" oo ay ku eedeeyeen inay isku dayayeen inay hor istaagaan diyaarad rayid ah oo laga leeyahay Iran inay ka degto Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.

Afhayeenka milateriga ee Xuutiyiinta, Yaxya Saree, ayaa uga digay in haddii Sacuudiga uu sii wado waxa uu ku tilmaamay "ku xadgudubka hawada Yemen", kooxdu ay beegsan doonto "garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga iyo goobo muhiim ah oo dhulka iyo baddaba ku yaalla."

Wuxuu intaas ku daray in duullimaadyada u dhexeeya Sanca iyo Tehran ay sii socon doonaan, inkastoo uu sheegay inay jiraan "cawaaqib suurtagal ah."

Telefishinka Al-Masirah, oo xiriir la leh Xuutiyiinta, ayaa baahiyay in diyaarad laga leeyahay Iran ay Jimcihii gaartay magaalada Sanca, iyadoo sida wafdi rasmi ah oo ka socday Xuutiyiinta kuna sii jeeday Tehran si ay uga qaybgalaan aaska hoggaamiyihii hore ee Iran, Cali Khamenei.

Sida uu sheegay warbixinta telefishinka, diyaaradda waxaa sidoo kale saarnaa in ka badan 200 oo bukaan.

Dhanka kale, isbahaysiga milatari ee uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya ayaa subaxnimadii Sabtida ka jawaabay hadallada Xuutiyiinta, isagoo sheegay in hadalladaasi ay yihiin isku day lagu marin habaabinayo dareenka lagana leexinayo falalka ay kooxdu ka hayso shacabka Yemen.

Isbahaysigu wuxuu ka digay in isku day kasta oo lagu beegsado Sacuudi Carabiya ama lagu xadgudbo madaxbannaanida qaranka Yemen looga jawaabi doono "awood xooggan oo aan kala go' lahayn."

Sacuudi Carabiya ayaa hoggaaminaysay isbahaysi milatari oo ka dagaallamaya Yemen tan iyo sannadkii 2015, kaddib markii Xuutiyiinta, oo ay Iran taageerto, ay la wareegeen caasimadda Yemen ee Sanca.

Maxay yihin koxda Xuutiyiinta?

Xuutiyiinta Yemen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 2000, Xuutiyiinta waxay Yemen ka bilaabeen kacdoonno dhowr ah oo ka dhan ah madaxweynihii muddada dheer xukunka hayay, Cali Cabdullaahi Saalax. Waxay dalbanayeen madax-bannaani dheeraad ah oo ay ka helaan xukunkiisa adag, gaar ahaan gobolka ay ku xoogan yihiin ee waqooyiga Yemen.

Sanadkii 2011, kacdoonnadii shacabka ee loo yaqaanay "Guga Carabta" ayaa ku qasbay Madaxweyne Saalax inuu xukunka ku wareejiyo ku-xigeenkiisa, Cabdi-Rabbu Mansuur Haadi.

Intii uu Haadi xukunka hayay, Xuutiyiinta waxay heshiis la galeen Saalax oo xilka laga tuuray iyo qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee weli daacadda u ahaa. Waxay la wareegeen gobolka Sa'da ee waqooyiga Yemen, ka dibna waxay qabsadeen caasimadda Sanca.

Sanadkii 2015, fallaagada ayaa qabsaday inta badan galbeedka Yemen, taas oo ku qasabtay madaxweynihii inuu dalka ka baxsado.

Sacuudi Carabiya oo deris la ah Yemen ayaa ka baqday in Xuutiyiintu la wareegaan dalka oo dhan, isla markaana Yemen ay u beddelaan goob ay wakiil uga noqdaan Iran oo ay Sacuudiga u aragto cadow.

Sacuudi Carabiya ayaa markaas sameysay isbahaysi ka kooban dalal Carbeed, waxayna si rasmi ah u gashay dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, sanado duqeymo cirka ah iyo dagaallo dhulka ah ka dib, Xuutiyiinta weli lagama saarin deegaannadii ay horey u haysteen.

Xuutiyiinta ayaa waxa kordhiyeen awoodooda islamarkana waxay sameeyeen iska caabin.

Xuutiga ayaa waxay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen dhowr jeer gudaha Sacuudiga.

Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.

Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .

Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.

Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray "Dhallinyarada Mu'miniinta ah", taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go'doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.

Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.

Waxay la koreen nacaybka Israa'iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan a