Maxay tahay sababta ay u yaraanayaan xiddigaha laga arki karo cirka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tirada xiddigaha ay dadku ku arki karaan iyadoon la isticmaaleyn qalab ayaa aad u yaraatay tobankii sano ee u dambeeyay.
Sababta ayaa ah kororka "iftiinka hawada" oo ka yimid iftiin macmal ah - kaasoo aad usii badanayay tan iyo sanadkii 2011.
Dr Christopher Kyba oo ah saynisyahan ka tirsan xarunta cilmi baarista ee Jarmalka ee Potsdam ayaa BBC-da u sheegay sida uu u arko xaaladdan.
"Aragtida aan ka leenahay xiddiguhu waa ay sii baxaysaa," ayuu yiri. Isaga iyo asxaabtiisa ayaa arrintaan ku daabacay joornaalka Sayniska.
Waa gebagebadii 12 sano oo cirbixiyeennada cusub ay daraaseynayeen arrintan iyo saynisyahano muwaaddiniin ah oo habeenkii u soo baxay tirinta xiddigaha.
Isbeddelka ku yimid muuqaalka xiddigaha ee ay dadku ka warbixiyeen -iyaga oo ku soo gudbiyay tirinta xiddigaha mashruuc online ah oo lagu magacaabo Globe at Night - ayaa u dhiganta ku dhawaad 10% kororka iftiinka cirka sanad walba.
Taas ayaa la micno ah in saynisyahannadu ay ku qeexeen in ilmaha ku dhasha meel ay ka muuqdaan 250 xiddig ay u badan tahay in ay isla goobtaas ka arki doonaan wax ka yar 100 xiddig 18 sano ka dib.
Halleynta dhalaalka
Cilmi-baarayaasha u kuur gala halleynta iftiinka ee kala ah Fabio Falchi iyo Salvador Bará xog iyo faallo lagu daabacay warbaahinta ku sharraxay sida ay wax u jiraan.
"Marka la eego sawirada iyo muuqaallada uu Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada ka qaado dhulka xilliga habeenkii, dadka guud ahaan waxaa harqiyay iftiinka nalalka magaalada, sida geedaha nalalka loogu tixay qaabka ubaxa oo kale.

Xigashada Sawirka, NASA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Ma dareemaan in kuwani ay yihiin sawirro wasakhaysan, waxay u muuqdaan in la eegayo quruxda u eg sida midabbada qaanso-roobaadka ee shidaalku ka soo saaro biyaha oo aannaan aqoonsanayn inay tahay wasakh kiimiko ah."
Dr Kyba waxa uu sheegay in uu rajaynayay in uu arko qaar ka mid ah calaamadaha horumarinta wasakhowga iftiinka sannadihii ugu dambeeyay, sababtoo ah xarumo badan oo magaalooyinka ah ayaa dhawaan beddelay nalalkooda si ay u noqdaan kuwo tamar badan leh. Magaalooyinka, gaar ahaan dalalka horumaray ayaa nalalkii hore ee waddooyinka ku beddelanaya LEDs-ka casriga ah oo si taxadar leh hoos loogu dhigo, halkaasoo iftiinku faa'iido u leeyahay.
"Rajadu waxay ahayd in haddii nalka si wanaagsan loo hago ay xaaladdu ka soo rayn doonto," ayuu yiri Dr Kyba.
"Laakiin waxaa jira noocyo badan oo iftiin ah - nalalka waddooyinka iyo qurxinta. Sidaas darteed, dhammaan waxyaabahan iyo suurtogalnimada iftiinka guud [waxaan] ka dhigaynaa iftiinka cirka." ayuu yiri seynisyahanka.

Xigashada Sawirka, PATRICK LANDMANN/SCIENCE PHOTO LIBRARY
Marka loo eego daraasad 2022-kii la soo saaray oo ay samaysay wakaaladda hawada sare ee Yurub, qiimaha jaban ee nalka LED ayaa sidoo kale gacan ka geysanaya dhibaatada arrintan ka taagan.
Wakaaladdu waxa ay arrintan ku tilmaantay “is-barbar-dhigga iftiinka”, iyada oo sharraxaysa waxay ku sheegtay qoraalkeeda, “In kasta oo iftiiminta LED-ku habboonaa inuu dhimi doono isticmaalka tamarta iyo hagaajinta aragga bini’aadamka ee habeenkii, guud ahaan, haddana wasakhowga iftiinka ayaa kordhay."
Wasakhowga iftiinka kaliya ma dhimo aragtidayada xiddigaha. Waxa la muujiyay in ay saamaynayso caafimaadka bini’aadamka oo ay carqaladayso hab-socodka hurdada. Waxa kale oo ay saamaysaa hab-dhaqanka qaar ka mid ah xayawaanka habeenkii, iyada oo daraasad dhowaan la sameeyay ay la xidhiidhisay hoos u dhaca cayayaanka deegaanka.
"Uma baahna inay sidan noqoto," ayuu ku adkaystay Dr Kyba. "Waxaa jira meelo badan oo lagu hagaajin karo - haddii aad si taxadar leh u iftiimiso, waa inaad awood u yeelatid inaad hoos u dhigto iftiinka cirka, adigoo weli iftiiminaya dhulka.








