Dameero ku "dibedbaxay" Nairobi
Published
Magaalada Nairobi ee Kenya ayaa saakay lagu arkay dameero lagu soo qorey "Tumechoka" oo micnaheedu yahay "waan daalnay".
Ereygan ayaa halkudhag looga dhigay dibedbaxyadii looga soo horjeeday ammaan darrida dalka ka jirto, ee la qabtay bishii tegtay ee November.
Ciidammada dowladda hoose ee Nairobi ayaa markii dambe waddada ka qaaday dameerradaas.

Xigashada Sawirka, other
Qoraalka sawirka, Magaalada Nairobi ayaa ku waabariisatay dameero lagu soo daadiyay bartamaha magaalada
Xigashada Sawirka, other
Qoraalka sawirka, Dadweynaha magaalada ayaa u daawasho tegay dameerada waddada lagu soo daadiyay
Xigashada Sawirka, other
Qoraalka sawirka, Dameerada waxaa lagu qoray ereyga "Tumechoka" oo micnahiisu yahay waan daalnay.
Xigashada Sawirka, other
Qoraalka sawirka, Ereygan "Tumechoka" waxaa uu halkudhag u ahaa kooxo horey u qabtay dibedbaxyo looga soo horjeedo ammaan darrida dalka ka jirto.
Xigashada Sawirka, other
Qoraalka sawirka, Dowladda hoose ayaa ugu dambeyntii baabuur ku qaadday dameerada "dibedbaxayay"