Damaashaadka guushii lagu jebiyey dagaalkii labaad ee dunida

Published

Markii Jarmalku is dhiibay ee lagaga adkaaday Dagaalkii Labaad ee Dunida, 7 May 1945, ayaa Ra'isal Wasaare Winston Churchill wuxu maalinkii ku xigtay ku dhawaaqay in ay tahay maalin fasax ah oo oo loo asteeyey Maalinta Guusha Yurub.

Fagaaraha Admiralty Arch in London
Qoraalka sawirka, Fagaaraha Admiralty Arch in London

Qiyaastii lix sano ka dib dagaalku markuu bilaabmay, ayaa shacabku dariiqyada isugu soo baxeen iyagoo damaashaadaya.

Damaashaad ka socda Piccadilly Circus, London
Qoraalka sawirka, Damaashaad ka socda Piccadilly Circus, London
Shaqaale ku damaashaadaya Manchester
Qoraalka sawirka, Shaqaale ku damaashaadaya Manchester
Dad isugu soo baxay London
Qoraalka sawirka, Dad isugu soo baxay London

Qoob ka ciyaar, muusig iyo fantasiyeyaal ka socday dariiqyada ayaa dalkoo dhan ka dhacay, dad badan ayaana ku labisnaa midadba casaanka, caddaanka iyo buluugga ah ee ah midabada calanka Ingiriiska.

Fantasiyey ka socda Dunstan Street, Netherfield, Nottinghamshire
Qoraalka sawirka, Fantasiyey ka socda Dunstan Street, Netherfield, Nottinghamshire
Caruur dadka calamada kula xidhaysa London
Qoraalka sawirka, Caruur dadka calamada kula xidhaysa London
Haweenay tigidhada ka gurta basaska oo damaashaad awgii koofiyadeedii wadhfinaysa
Qoraalka sawirka, Haweenay tigidhada ka gurta basaska oo damaashaad awgii koofiyadeedii wadhfinaysa
Nin damaashaadkii ku daalay oo kuraas dul seexday
Qoraalka sawirka, Nin damaashaadkii ku daalay oo kuraas dul seexday

Dad badan ayaa iskugu soo baxay qasriga Buckingham oo Churchil berandihiisa kore la soo istaagay Boqor George VI iyo qoyska reer boqor oo ay ku jirto Amiirad Elizabeth oo 19 jir ah, oo markii dambe noqotay boqorada Ingiriiska, waxaanay tidhi "waa mid ka mid ah habeenadii ugu mudnaa noloshayda"

Amiirad Elizabeth, Boqoraddii, Winston Churchil, Boqor GeorgeVI iyo Amiirad Margaret oo dadka uga gacan haadinaya qasriga Buckingham.
Qoraalka sawirka, Amiirad Elizabeth, Boqoraddii, Winston Churchil, Boqor GeorgeVI iyo Amiirad Margaret oo dadka uga gacan haadinaya qasriga Buckingham.
Boqor George VI, Boqoradii iyo Amiirad Elizabeth oo dad xamaasadaysan u gacan haadinaya
Qoraalka sawirka, Boqor George VI, Boqoradii iyo Amiirad Elizabeth oo dad xamaasadaysan u gacan haadinaya

Kaniisadda weyn ee St Paul waxa laqu qabtay 10 jameeco oo waxa ka qayb galay kumanaan qof.

Khashaafado iftiiminya dhismeyaasha ku dhaw kaniisadda St Paul
Qoraalka sawirka, Khashaafado iftiiminya dhismeyaasha ku dhaw kaniisadda St Paul

Habeenimadiina dadku waxay oogeen dab, intii dagaalku socday mamnuuc ahaa.

Dad ku soo ururay oog laga shiday West Croydon, London
Qoraalka sawirka, Dad ku soo ururay oog laga shiday West Croydon, London

Laakiin maalinga Guusha Yurub, may ahayn dhamaadkii Dagaalkii Labaad ee Dunid maadama oo dagaalku weli ka socday goboka Asia-Pacific.

Fagaaraha Trafalgar ee London
Qoraalka sawirka, Fagaaraha Trafalgar ee London
Haweenka ciidanka ah oo gaardi ku maray dariiqyada
Qoraalka sawirka, Haweenka ciidanka ah oo gaardi ku maray dariiqyada

Churchill wuxu yidhi: "Muddo kooban aynu damaashaadno oo faraxno laakiin yeynaan iloobin marnaba dedaalka iyo hawsha ina hortaal culayskeeda."

Winston Churchil wuxu dunida khudbad uga jeediyey idaacadda 8 May 1945
Qoraalka sawirka, Winston Churchil wuxu dunida khudbad uga jeediyey idaacadda 8 May 1945

Maalintii Japan laga guulaystay waxay noqontay 15 Ogost 1945, markii Maraykanku ku riday Hiroshima iyo Nagasaki bamkii nukliyeerka ahaa.

Dad ku damaashaadaya London oo iftiinka Khashaafaduhu qabtay
Qoraalka sawirka, Dad ku damaashaadaya London oo iftiinka Khashaafaduhu qabtay

Maalinta Yurub iyo Maalinta Japan waxay u ahaayeen isbahaysigii guul weyn laakiin dadkii dagaalkaa ka soo doogay noloshooda isbedel abidkood ah ayaa ku dhacay, maamaada oo malaayiin qof ehelkoodii ku waayeen.

Shacabka Ingiriiskana waxa horyaallay in ay dalkooda dib u dhisaan, oo waxa dadka loo qaybin jiray cunto caawimo ah ilaa 1954 kii.

Kalkaalisooyin caafimaad oo jibbaysan oo ku damaashaadaya Liverpool
Qoraalka sawirka, Kalkaalisooyin caafimaad oo jibbaysan oo ku damaashaadaya Liverpool