Sawirrada weerarka New York

Published

Nin waday gaari ayaa dilay dad ku socday dhabo loogu talagalay baaskiillada, waxaana weerarka lagu tilmaamay mid argagixiso.

Gaarigan cad ayaa dadka ku jiiray xaafadda Lower Manhattan oo ka tirsan New York, sida booliska ay sheegeen
Qoraalka sawirka, Gaarigan cad ayaa dadka ku jiiray xaafadda Lower Manhattan oo ka tirsan New York, sida booliska ay sheegeen
Ugu yaraan siddeed qof ayaa la og yahay in ay ku dhinteen weerarka, 11 kale ayaa si xun loo dhaawacay. Baaskiillo burburay ayaa meesha yaallay ka dib weerarka
Qoraalka sawirka, Ugu yaraan siddeed qof ayaa la og yahay in ay ku dhinteen weerarka, 11 kale ayaa si xun loo dhaawacay. Baaskiillo burburay ayaa meesha yaallay ka dib weerarka
Gaariga ayaa markii dambe ku dhacay bas iskuul, sida ciidamada ku warrameen
Qoraalka sawirka, Gaariga ayaa markii dambe ku dhacay bas iskuul, sida ciidamada ku warrameen
Nin ayaa markii dambe ka soo degay gaariga, booliska ayaana dhaawacay. Waxay sheegeen in uu 29 jir yahay, balse warbaahinta ayaa ku magacaabay Sayfullo Saipov, oo qaxooti ah, wuxuuna Mareykanka tagay 2010-kii.
Qoraalka sawirka, Nin ayaa markii dambe ka soo degay gaariga, booliska ayaana dhaawacay. Waxay sheegeen in uu 29 jir yahay, balse warbaahinta ayaa ku magacaabay Sayfullo Saipov, oo qaxooti ah, wuxuuna Mareykanka tagay 2010-kii.
Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay waxaa lagu daaweeyay isla goobta
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay waxaa lagu daaweeyay isla goobta
...Qaarna waxaa loo qaaday cisbitaal
Qoraalka sawirka, ...Qaarna waxaa loo qaaday cisbitaal
Dadka qaar ee goobta ku sugnaa ayaa argagaxay. Boolisku waxay u sheegeen shacabka in ay ka fogaadaan halkaas, maadaama weli howlgalka uu socdo
Qoraalka sawirka, Dadka qaar ee goobta ku sugnaa ayaa argagaxay. Boolisku waxay u sheegeen shacabka in ay ka fogaadaan halkaas, maadaama weli howlgalka uu socdo
Booliska waxay adeegsanayaan eeyo ay ku baarayaan gawaarida
Qoraalka sawirka, Booliska waxay adeegsanayaan eeyo ay ku baarayaan gawaarida
Caruurta dhigata iskuul meesha ku dhow, waxaa isla markiiba kaxeeyay waalidkooda. Booliska ayaana xiray nawaaxiga oo dhan
Qoraalka sawirka, Caruurta dhigata iskuul meesha ku dhow, waxaa isla markiiba kaxeeyay waalidkooda. Booliska ayaana xiray nawaaxiga oo dhan
Saraakiisha ugu sareysa maamulka magaalada ayaa kullan degdeg ah yeeshay. Maayarka New York, Bill de Blasio wuxuu sheegay "in weerarka uu ahaa mid arxan darro ah oo argagixiso, oo ka dhan ahaa dad aan waxba galabsan". Madaxweyne Trump wuxuu ninka weerarka qaaday ku tilmaamay "qof xanuunsan oo qalbi naxa aan lahayn".
Qoraalka sawirka, Saraakiisha ugu sareysa maamulka magaalada ayaa kullan degdeg ah yeeshay. Maayarka New York, Bill de Blasio wuxuu sheegay "in weerarka uu ahaa mid arxan darro ah oo argagixiso, oo ka dhan ahaa dad aan waxba galabsan". Madaxweyne Trump wuxuu ninka weerarka qaaday ku tilmaamay "qof xanuunsan oo qalbi naxa aan lahayn".