Nabarada wali damqanaya ee xiriirka Maraykanka iyo Cuba

Maraykanka ayaa dadka Cuba ka joojiyay fiisayaashii lagu tagi lahaa Maraykanka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Maraykanka ayaa dadka Cuba ka joojiyay fiisayaashii lagu tagi lahaa Maraykanka
Published

Markii dowladda Maraykanka ay ku dhawaaqday in ay dib u fureyso safaaradeeda caasimadda Cuba ee Havana ayaa waxa ay dad badan u ahayd riyo iyo rajo ay sugayeen muddo aad u dheer.

Isla saddexdii qof ee ka tirsanaa ciidamada Maraykanka ee dhismaha safaaradda ka dajiyay calanka markii la xirayay sanadkii 1961-dii ayaa calanka markale ka taagay safaaradda.

Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa wasiirkii arrimaha dibada Maraykanka John Kerry oo nasiib u yeeshay in uu marqaati ka noqdo xiligii xiriirka labada dal uu ugu wanaagsanaa.

Waxaa xigay booqasho degdeg ah oo madaxweynihii Maraykanka Barack Obama uu ku tagay Cuba, waxayna ahayd markii ugu horeysay oo madaxweyne Maraykan ah uu booqdo Cuba tan iyo sanadkii 1928-dii.

Obama ayaa yiri "Waxaan halkan u imid in aan aaso wixii ka haray dagaalkii qaboobaa".

Weeraro loo geystay shaqaalaha safaaradda

Safaaradda Maraykanka ee Havana ayaa dib loo furey kadib markii la xirey 1962-dii

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Safaaradda Maraykanka ee Havana ayaa dib loo furey kadib markii la xirey 1961-dii

Balse 18 bilood kadib xiligaas waxa muuqda saansaanta in raadadkii dagaalkii qaboobaa ay soo cusboonaanayaan.

Dowladda Maraykanka ayaa hoos u dhigtay boqolkiiba 60% shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Cuba.

Intaas waxaa dheer , wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka ayaa muwaadhiniinta dalkaas uga digtay in ay u safraan Cuba, sababtuna tahay in aysan damaanad qaadi karin bad qabkooda.

Dadka u ololeeya xiriirka wanaagsan ee labada dal ayaa dadka ugu baaqay in ay iska dhego tiraan digniinta wasaaradda arrimaha dibedda, islamarkaasna si xor ah ugu safraan Cuba.

Waxa dhacaya waa wax aad la yaab u leh oo biloowday bilihii ugu dambeeyay ee xukunkii Obama.

Bishii novembar 2016-kii, dublamaasiyiinta Maraykanka ee Cuba jooga ayaa bilaabay in ay ka cawdaan xanuuno la yaab leh, sida caajis badan, labbo-labbo iyo wali maqal xumo.

Illaa 20 qof oo ka mid ah shaqaalaha safaaradda ayay wasaaradda sheegtay in ay xanuunsadeen wax lagu tilmaamay "weeraro caafimaad".

Ma jirto tusmo cad oo ku saabsan dhacdooyinkan, dadka qaarkood ayaa waxaa lagu arkay san-goror , halka qaar kale ay dhegaha wax ka gaareen.

Dadka qaarkood ayay wax gaareen iyaga oo guryahooda jooga, qaar kale hoteelo, kuwa kalana iyaga oo shaqada jooga.

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dowladda Cuba, taas oo kaliftay in madaxweyne Raul Castro uu qaado talaabo qeyru caadi ah oo uu kula kulmay dublamaasiga ugu sareeya Maraykanka si uu ugu xaqiijiyo in Cuba aysan ku lug lahayn waxa dhacaya.

Labada dowladood ayaa bilaabay baaritaano kala duwan oo ku saabsan waxa dhacaya, waxaa sidoo kale baaritaan bilaabay dowladda Canada oo qeyb yar oo ka mid ah shaqaalahooda ay xanuuno aan la garanaynin haleeleen. Ma jiro wax natiijo cad ah oo soo baxday wali.

Dowladda Maraykanka waxa ay ka shakisantahay in weeraradan loo adeegsaday qalab maqalka wax u dhima oo casri ah, basle wali ma kala cadda cidda mas'uulka ka ah.

Iyada oo dhacdooyinka ay soo shaacbaxeen, wali weerarada waa kuwa sii socda, bishii Agoosto ayaana ugu dambaysay markii ay wax dhaceen.

Meel kasta oo ay weeraradan ka imanayaanba, waa kuwa qaarkood ay aad halis u yihiin, mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda ayaa waxaa uu ka qaaday dhego la'aan rasmi ah.

Dagaalka Qaboow

Ninka lagu magacaabo Herman Portocarero oo horey u ahaa safiir Midoowga Yurub u dirsatay Cuba ayaa sheegay in uu xiriir wanaagsan la lahaa Cuba, si wanaagsana loosoo dhaweyn jiray.

Balse dublamaasiyiin kale ayaa sheegay in ay la kulmi jireen arrimo kale oo dagaal qaboow ah, sida in shaagaga baabuurtooda laga banjariyo, iyo in xitaa eeyaha rabbaayadda u ah laga sumeeyo.

Herman oo buug ka qoray Cuba ayaa sheegay in mararka qaarkood ay dhici jirtay in dowladda Cuba ay ka carooto sida reer Yurub ula dhaqmaan dadka mucaaradka ku ah Cuba, balse waxa uu sheegay in marnaba aysan jirin dhacdooyin xun oo lagula kacay.

Xiriirka labada dal

Boqolkiiba 60% ayaa la dhimay shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Cuba

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Boqolkiiba 60% ayaa la dhimay shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Cuba

Waxyar kadib markii lagu dhawaaqay in shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Havana la dhimayo, wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriguez ayaa la kulmay dhiggiisa Rex Tillerson .

Waxaa laga yaabaa in uu yahay dadaal lagu doonayo in xiriirka labada dal uusan xumaanin, wasiirka ayaa caddeeyay moowqfika Cuba ee ku saabsan waxyaabaha dhacaya ee ah in aysan ku lug lahayn. Wuxuu ka digay talaabooyin degdeg ah oo xiriirka wax u dhimmi kara.

Balse kulankaas ma ahayn mid ku filan in uu Maraykanka ka hor istaago in shaqaalaha aanan muhiimka ah lagu amro in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

"Wax aad u xun ayay ka sameeyeen Cuba" ayuu yiri madaxweyne Donald Trump oo wariyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad. Hadalkaas ayaa waxaa la sheegay in uu muujinayay in Cuba aanan loo haysanin in ay mas'uul ka tahay waxyaabaha dhacay, balse ay ku guuldaraysatay in ay ka hor tagto.

Mid kasta oo ay tahayba, talaabooyinka Maraykanka waxa ay u muuqdaan kuwa lagu ciqaabayo kumanaanka qof ee qoysaska iyo qaraabada ku kala nool labada dal. Safaaradda waxa ay joojisay fiisooyinka dadka Cuba ay ku aadi lahaayeen Maraykanka.

Dadka caadiga ah ee magaalada Havana ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan waxa dhacaya, waxayna sheegeen in arrimaha la siyaasadaynayo.

Si kastaba ha ahaatee, xawaaraha ay wax ku socdaan ayaa dib u celinaya guulihii horey loo gaaray, waxayna dib u damqinayaan nabaradii dagaalkii qaboobaa.