TOOS, Trump: “Haddii heshiis la gaari waayo, waan burburin doonaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan”

Trump ayaa sheegay in haddii heshiis lala gaari waayo Iiraan, uu Maraykanku “burburin doono Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”

Kooban

Tebin toos ah

  1. Faransiiska oo dadaal ugu jira diyaarinta qaraar lagu furayo marinka Hormuz

    Faransiiska oo dadaal ugu jira diyaarinta qaraar lagu furayo marinka Hormuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wararka aan ka heleyno shirka golaha QM ayaa sheegaya in Faransiisku, isaga oo la kaashanaya Mareykanka, uu bilaabay diyaarinta qaraar loo gudbinayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Mas’uuliyiin diblomaasiyadeed ayaa Talaadadii sheegay in qaraarku ujeeddadiisu tahay in la sameeyo hawlgal caalami ah oo lagu soo celinayo isu-socodka maraakiibta ee marinka Hormuz.

    Inkasta oo isku dayo hore oo Faransiisku ku doonayay inuu qaraarka diyaariyo ay fashilmeen, tallaabadan cusub ayaa timid kaddib wadahadal dhexmaray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo ka dhacay Isniintii fiidkii, iyaga oo ka qaybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    “Waxaa laga wada hadlay dhowr ikhtiyaar. Saacadaha soo socda waxaan ka shaqeyn doonnaa xalal diblomaasiyadeed, kuwaas oo suuragelin kara in maraakiib badan oo xamuul iyo kuwa shidaal qaada ay maraan, xitaa haddii aan la gaarin heshiis dhammaystiran,” ayuu Macron yiri kaddib kulankii uu la yeeshay Trump.

    Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wafdiga Faransiiska ayaa sheegay in Macron uu rajeynayo inuu dhawaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u soo bandhigi karo qoraalka qaraarka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. War deg deg ah, Madaxweynaha Iiraan oo New York gaaray, iyada oo uu ka hor furmay shirka Golaha QM uu halkaas kaga qeyb gali doono

    Madaxweynaha Iiraan New York gaaray, iyada oo uu ka hor furmay shirka Golaha QM uu halkaas kaga qeyb gali doono

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Madaxweynaha Iraan, Masoud Pezeshkian, ayaa gaaray magaalada New York, halkaas oo uu khudbad ka jeedin doono Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Joogitaanka Mr. Pezeshkian iyo diblomaasiyiinta Iraan ee New York sanadkan ayaa xoojinaya muhiimadda kulanka, maadaama uu ku soo beegmayo xilli uu socdo dagaal.

    Maalintii Talaadada, hal saac ka hor inta uusan Mr. Pezeshkian gaarin New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumaddiisa, Abbas Araghchi, ayaa la kulmay Steve Witkoff, oo ah wakiilka gaarka ah ee Donald Trump u qaabilsan Bariga Dhexe.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Maxaa ka jira in Trump uu ka qeyb qaatay soo afjaridda 8 dagaal oo dunida ka socday?

    Maxaa ka jira in Trump uu nabad ka dhex dheliyey waddamo 10 kabadan?

    Xigashada Sawirka, RE

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in tan iyo markii uu markii labaad xilka madaxweynaha qabtay, uu soo afjaray illaa 8 dagaal, isaga oo yiri “sharaf weyn ii ahayd inaan soo afjaro siddeed dagaal”.

    Waxa uu xusay lix ka mid ah:

    • Cambodia iyo Thailand
    • Kosovo iyo Serbia
    • Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda
    • Pakistan iyo India
    • Armenia iyo Azerbaijan
    • Dagaalka Gaza

    BBC Verify ayaa horey u baartay sheegashadan, waxayna ogaatay in qaar ka mid ah colaadahaas ay socdeen oo keliya dhowr maalmood, inkastoo ay ka dhasheen xiisado muddo dheer soo jiray.

    In kasta oo xabbad-joojinno la gaaray, haddana colaadaha qaar ayaa weli socda sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Gaza.

    Waxaa sidoo kale xusid mudan in Trump uusan soo hadal qaadin dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Israel iyo Iraan bishii Juun 2025, iyo “dagaalkii” u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya. Labadan dhacdo ayaa horey Aqalka Cad ugu daray siddeedda dagaal ee uu sheegay in Trump soo afjaray.

    Marka laga hadlayo Masar iyo Itoobiya, dhab ahaantii ma jirin dagaal ay tahay in la soo afjaro, bale Waxaa jiray xiisado u dhexeeyay labada dal oo la xiriiray dhismaha biyo-xireen ku yaalla webiga Niil.

  4. Qaar kamid ah Madaxda caalamka ee uu saameynta weyn ku yeeshay, dagaalka Trump iyo Iran

    Qaar kamid ah Madaxda caalamka ee uu saameynta weyn ku yeeshay, dagaalka Trump iyo Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mid kamid ah wariyeyaasha BBC-da ee jooga shirka golaha QM ayaa ka warramaya shir docoyeedyada uu Trump la leeyahay madaxda caalamka.

    Trump waxaa labada dhinac ka fadhiyay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, iyo Boqorka Urdun, Cabdullaahi. Madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, oo hore uga tirsanaa kooxaha jihaad-doonka ah balse hadda xulafo la ah Trump, ayaa hal kursi u jiray, sidoo kale waxaa halkaas fadhiyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

    Xog badan lagama soo sheegin kulankaan, balse dad badan ayaa kulankaas u arki lahaa mid ka mid ah kulamadii ugu muhiimsanaa ee Madaxweyne Trump uu maanta yeeshay.

    Qaar ka mid ah dalalka halkan ku sugan, sida Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxrayn iyo Sacuudiga, ayaa si toos ah ugu jiray bartilmaameedka weerarrada tan iyo markii uu dagaalka Iran bilaabmay. Sidaas darteed, waxay dan weyn ka leeyihiin in dagaalku soo dhammaado, isla markaana dib loo furo marinka Hormuz.

    Weli waxaa jira faahfaahin aad u yar oo laga hayo kulankii hore ee dhexmaray mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Iraan, iyo waxa xiga ee ku saabsan wadaxaajoodyada ama weerarro kale oo suuragal ah. Laakiin ragga ku jira qolkan, su’aashaas waxay u tahay arrin aad muhiim u ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. War deg deg ah, Immisa markab ayaa ka gudbaya marinka Hormuz?

    Immisa markab ayaa ka gudbaya marinka Hormuz?

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay uga sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in marka laga hadlayo marinka muranka ka taagan yahay ee Hormuz, “shidaal ka badan ayaa hadda maraya marka loo eego waqti kasta tan iyo markii uu dagaalka Iraan bilowday”.

    “Waxaan maalin kasta iyo habeen kasta ka soo saareynaa 22, 25, 30, 32 iyo 37 markab, siday u kala horreeyaan,” ayuu intaas ku daray.

    Hadalkan Trump ayaa ka rajo wanaagsan xogta ay hayso shirkadda xogta sirdoonka badda ee Kpler.

    Shirkaddu waxay qiyaastay in tirada guud ee maraakiibta noocyadooda kala duwan ee ka gudbay marinka ay toddobaadkii hore u dhexeysay 9 ilaa 24 markab maalintii, taas oo aad uga hooseysa celceliskii ka hor dagaalka oo ahaa qiyaastii 140 markab maalintii.

    Xogta Kpler ayaa sidoo kale muujineysa in celcelis ahaan 8.1 milyan oo foosto oo saliid cayriin ah maalintii ay toddobaadkii hore mareen marinka Hormuz, marka loo eego celceliskii ka hor dagaalka oo ahaa 13.5 milyan oo foosto maalintii.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Warbaahinta dowladda Iraan oo xaqiijisay kulanka Mareykanka iyo Iiraan

    Wakaaladda wararka ee dowladda Iraan ayaa xaqiijisay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan, Cabbaas Araghchi, iyo ergayga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff, ay kulan ku yeesheen magaalada New York, intii uu socday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Hase yeeshee, warbaahinta dowladda Iraan ayaa kulanka ku tilmaantay mid lagu qabtay “dalabka” Mareykanka.

    Sida lagu sheegay war lagu daabacay kanaalka Telegram-ka ee warbaahinta dowladda Iraan, sababta kulanka loo qabtay waxay ahayd in Iraan ay soo bandhigi karto “shuruudaheeda ku aaddan dib u furista” marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Baab al-Mandab.

    “Si degdeg ah loo qaado go’doominta badda ee Mareykanka, in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan hantida Iran ee la xanibay, iyo in la soo afjaro dagaalka dhammaan jihooyinka ay ku lug leeyihiin kooxaha ay Iiraan taageerto ayaa ka mid ah shuruudaha Iraan ee dib u furista marin-biyoodka,” ayaa lagu yiri warbixinta.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Maxaa ka jira in ay kulmeyn Madaxda Iiraan iyo Trump?

    Waxaa faahfaahin dheeraad ah kasoo baxayaa kulankii laba geesoodka ahaa ee Trump iyo Zelensky, halkaas oo Trump wax laga weydiiyay kulan dhexmaray hoggaamiyeyaasha Iiraan iyo Mareykanka.

    Trump oo la hadlayay wariye ayaa sheegay in maanta ay hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Iran yeesheen wada-hadal socday saddex saacadood, kaas oo ay ka qayb galeen ergayada gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff iyo Jared Kushner.

    “Waxay ahayd kulan aad u wanaagsan, oo aad wax ku ool u ahaa,” ayuu yiri Trump, isaga oo aan sheegin hoggaamiyeyaashii Iran ee kulanka ka qayb galay.

    Witkoff oo isna kulanka ka qayb galay ayaa sheegay inuu hadda “aad u wanaagsan yahay”, balse faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin. “Waxaan arki doonnaa sida ay wax ku dambayn doonaan,” ayuu yiri Trump.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Wasiirrada arrimaha dibadda ee afar dal oo daris la ah Iiraan oo baaq diray

    Dhinacyada kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo haatan ka socda magaalada New York, ayaa wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga waxay yeesheen kulan wadatashi ah, iyagoo soo saaray bayaan.

    Bayaanka ayaa lagu muujiyay walaac laga qabo xiisadaha sii socda ee gobolka, waxaana lagu sheegay in diblomaasiyaddu tahay waddada lagu gaari karo "xalal waara."

    Wasiirrada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo is-afgaradkii Islamabad, si loo gaaro "nabad iyo xasillooni waarta."

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay weerarrada lagu bartilmaameedsanayo Sacuudiga, oo ay ku jiraan weerarradii ugu dambeeyay ee Xuutiyiintu ku qaadeen dalka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Trump oo ugu baaqay dalalka caalamka inay Iiraan dhaqaale ahaan go’doomiyaan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu baaqay dhammaan dalalka inay ku biiraan Maraykanka, si “Iiraan gebi ahaanba dhaqaale ahaan loo go’doomiyo”.

    Trump ayaa sheegay in tallaabadan la sii wadi doono ilaa, sida uu sheegay, Tehran ay joojiso weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga, ay ka tanaasusho “hamigeeda nukliyeerka”, isla markaana ay joojiso taageerada ay siiso kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada.

    Wuxuu dowladda Iiraan ku tilmaamay “mid daciif ah oo quus ah”, wuxuuna sheegay in haddii dalalku midoobaan, ay soo afjarmi doonto waxa uu ugu yeeray “51 sano oo khatar argagixiso oo Iiraan ah”, isla markaana qiimaha shidaalkuna hoos u dhici doono.

  10. Trump: “Waxaan soo afjarnay dagaalkii Gaza, dhammaan la haystayaashiina waa la soo celiyay”

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo khudbaddiisa ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in sanad ka hor uu dagaalku weli ka socday Gaza, halka la haystayaashuna ay ku jireen godadka dhulka hoostiisa ee Xamaas.

    Trump ayaa sheegay in wada-hadalladii ka bilowday dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ay xaaladda wax ka beddeleen.

    Wuxuu sheegay in dhowr toddobaad kadib “dagaalkii Gaza la soo afjaray”, isla markaana dhammaan la haystayaashii haray, kuwa nool iyo kuwa dhintay, dib loo soo celiyay.

    Trump ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taageerada uu siiyay qorshaha Maraykanka ee ka kooban 20-ka qodob ee Gaza iyo ansixinta “Hawlgalka Nabadda” (Peace Mission).

    Wuxuu sheegay in ku dhawaad 30 dal ay ku biireen hawlgalkan.

    Trump ayaa intaas ku daray in dhowr dal ay balaayiin doollar u qoondeeyeen gargaarka iyo dib-u-dhiska Gaza, halka dalal kalena ay bixiyeen ciidamo, booliis ama tababar loogu talagalay in lagu caawiyo xasilinta Gaza.

  11. Erdoğan: “Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Xuutiyiinta iyo Sacuudiga”

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

    Qayb kale oo ka mid ah khudbaddiisa, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay dagaallada ka socda Bariga Dhexe, isagoo yiri: “Sii socoshada colaadahaasi dan uma aha cidna.”

    Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Sacuudiga.

    Qayb kale oo khudbaddiisa ka mid ah ayuu Erdoğan ku yiri: “Qof damiir leh ma indhaha ka qarsan karo waxa Gaza ka dhacaya.”

    Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay ku guuldarreysatay waajibaadkeedii ahaa inay nabad abuurto, wuxuuna ku baaqay in dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac cusub oo uu u bixiyay garaadka macmalka (AI), isaga oo ugu yeeray “Super Intelligence” (SI).

    Trump ayaa yiri: “Isticmaalka erayga ‘artificial’ wuxuu ka dhigayaa inuu u ekaado wax aan dhab ahayn. Ma aha wax aan dhab ahayn, dhab ahaantii waa wax cajiib ah. Laakiin waa inaan taxaddarnaa.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Ku soo dhowaada dunida cusub ee sirdoonka sare — SI.”

    Trump ayaa hore u sheegay in cidda ku guuleysata tartanka AI ay guuleysanayso, wuxuuna si weyn uga soo horjeedaa in tiknoolajiyaddan lagu soo rogo xeerar adag. Arrintan ayaa ka duwan aragtida qaar badan oo ka mid ah madaxda iyo wakiillada ku sugan shirka.

    Su’aashu waxay tahay in diblomaasiyadda oo si tartiib ah u socota ay la jaanqaadi karto horumarka xawliga badan ee AI.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Trump oo Qaramada Midoobay ku weeraray madasha ugu weyn ee ay ku kulmaan madaxda caalamka

    Trump

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale fursad uga faa’iidaystay khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay inuu ku dhaleeceeyo hay’addaha, isagoo ku eedeeyay inay “soo rogayso ajande xagjirnimo oo garabka bidix ah.”

    Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa sannadkii ugu horreeyay ee xilli-xileedka labaad ee Trump ku tilmaamay mid qalalaase badan ku keenay hay’adda, balse waxay aaminsan yihiin in xaaladda Qaramada Midoobay ay hadda wax yar ka soo roonaatay.

    Maraykanku weli wuxuu Qaramada Midoobay ka hayaa oo ka xannibay balaayiin doollar, inkastoo uu dhowaan bixiyay 827 milyan oo doollar oo ah qayb ka mid ah waajibaadkiisa maaliyadeed ee miisaaniyadda joogtada ah iyo hawlgallada nabad-ilaalinta.

    Maraykanku sidoo kale wuxuu sii wadaa dhaleeceynta hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC). Hase yeeshee, maamulka Trump ayaa dhinaca kale si istiraatiiji ah uga faa’iidaysanaya Qaramada Midoobay.

    Maamulka Trump ayaa si firfircoon ula shaqeeyay Qaramada Midoobay si loo taageero ammaanka Haiti, oo ay dhibaato xooggan ka haystaan kooxaha burcadda ah.

    Maraykanku wuxuu sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u adeegsaday inuu taageero qorshihiisa nabadeed ee Gaza iyo dhismaha waxa loogu yeeray Guddiga Nabadda.

    Markii Maraykanka iyo Israa’iil ay qaateen go'aankii ahaa inay weeraraan Iiraan, Maraykanku wuxuu la shaqeeyay hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka si Golaha Ammaanku u ansixiyo qaraar cambaareynaya Iiraan, kaas oo ay taageereen dalal tiro badan, iyadoo qaraarku aanu xusin duqeymaha ay Maraykanka iyo Israa’iil fuliyeen.

    Xitaa maamulka Trump, sida qoraalkani tilmaamayo, ma dafiri karo awoodda Qaramada Midoobay ee ah inay dalal badan hal meel isugu keento, taas oo u saamaxaysa Maraykanka inuu hay’adda u adeegsado horumarinta mudnaantiisa.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Trump: “Haddii heshiis la gaari waayo, waan burburin doonaa Iiraan”

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay dagaalka iyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Reuters waxay sheegtay in Trump uu khudbadda ku difaacay tallaabooyinka milatari ee Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan.

    Trump ayaa sheegay in haddii heshiis lala gaari waayo Iiraan, uu Maraykanku “burburin doono Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay ugu dambayn heshiis la geli doonto Maraykanka kadib doorashooyinka dhexe ee Maraykanka.

    Trump ayaa mar kale Iiraan ku tilmaamay dalka uu sheegay inuu yahay maalgeliyaha ugu weyn ee argagixisada caalamka, isagoo intaas ku daray in Iiraan aysan hadda khatar ahayn, sida uu sheegay, maadaama Maraykanku uu burburiyay barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale ku celiyay sheegashada ah in tobannaan kun oo dibadbaxayaal ah lagu dilay Iiraan xilliyadii u dambeeyay.

    Wuxuu dhaleeceeyay dalalka Yurub, isagoo sheegay inaysan si ku filan uga fiirsan khatarta gantaallada Iiraan.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka iyo dhaqaalaha Iiraan si weyn loo burburiyay.

    Khudbadda Trump waxay timid kadib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, uu furay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud. Kalfadhiga doodda guud wuxuu socdaa 22 ilaa 28 Sebtembar 2026.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Guterres oo ugu baaqay Maraykanka iyo Shiinaha inay ka wada hadlaan sirdoonka macmalka ah

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres,

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres,

    Waxaan hore u soo sheegnay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, uu khudbad ku furay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Guterres ayaa sheegay in “shirkadaha waaweyn ee shidaalka” ay hawada dhulka ula dhaqmayaan sida “bullaacad furan.”

    Qayb kale oo ka mid ah khudbaddiisa ayuu kaga hadlay sirdoonka macmalka ah (AI).

    Guterres ayaa ugu baaqay labada quwadood ee hormuudka ka ah AI, Maraykanka iyo Shiinaha, inay wada hadal ka yeeshaan mustaqbalka tiknoolajiyaddan, isaga oo tusaale u soo qaatay wada-hadalladii u dhexeeyay Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti xilligii dagaalkii qaboobaa.

    Wuxuu yiri: “Dowladaha awoodda ugu badan ku leh dhinaca sirdoonka macmalka ah waxay leeyihiin mas’uuliyadda ugu weyn ee ay u hayaan aadanaha.”

    Isagoo tixraacaya xiriirkii labada dhinac xilligii dagaalkii qaboobaa, ka hor burburkii Midowgii Soofiyeeti, ayuu intaas ku daray:

    “Xilli muhiim ah oo dagaalkii qaboobaa ah, dhinacyadii iska soo horjeeday waxay garwaaqsadeen inay tahay inay si wadajir ah u maareeyaan khataraha iyo halisaha jiritaanka ee ay wadaagaan.”

    Tani waxay ahayd khudbaddii ugu dambeysay ee Guterres uu ka jeediyo furitaanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Mudda-xileedkiisa Xoghayaha Guud ayaa dhowaan dhammaanaya, kadib markii uu xilka hayay laba xilli oo min shan sano ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Ammaanka oo si weyn loo adkeeyay agagaarka xarunta Qaramada Midoobay ee New York

    Xarunta Qaramada Midoobey

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xarunta Qaramada Midoobey

    Iyadoo uu New York ka bilaabanayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayna magaalada ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa la adkeeyay ammaanka agagaarka xarunta Qaramada Midoobay.

    Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ayaa bilaabmay, waxaana hoggaamiyeyaasha dalalku ay u socdaan xarunta si ay khudbado uga jeediyaan shirka.

    Qaramada Midoobay waxaa la aasaasay 1945-kii, xilligaas oo ay xubno ka ahaayeen 51 dal. Maanta waxaa xubno ka ah 193 dal.

    Labada dhinac ee aan xubnaha buuxa ka ahayn balse leh xaaladda goobjoogaha, Vatican-ka iyo Maamulka Falastiin, ayaa sidoo kale khudbado ka jeedin kara shirka. Midowga Yurub oo isna ah goobjooge ayaa sidoo kale hadli kara.

    Koonfurta Suudaan ayaa ahayd dalkii ugu dambeeyay ee ku biira Qaramada Midoobay, iyadoo xubinimada la siiyay 2011-kii.

    Brazil ayaa dhaqan ahaan ah dalka ugu horreeya ee xubnaha Qaramada Midoobay ka tirsan ee khudbadda jeediya. Arrintan ayaa ka soo bilaabatay sanadihii hore ee Qaramada Midoobay, xilligaas oo dalal badan ay ka gaabsanayeen inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee hadla.

    Madaxweynaha Maraykanka, oo dalkiisu martigeliyo xarunta Qaramada Midoobay, ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu horreeya ee khudbadaha ka jeediya Golaha Guud.

    Xarunta Qaramada Midoobay waxay ku taallaa mid ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada New York ee Maraykanka.

    Laakiin dhulka iyo dhismayaasha xarunta Qaramada Midoobay ma laha Maraykanka.

    Xarunta Qaramada Midoobay waxaa loo aqoonsan yahay dhul caalami ah, taas oo ka dhigan in ay leedahay xaalad gaar ah oo sharci ah oo la xiriirta Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Iiraan: Duulimaadyada caalamiga ah ee shirkadaha diyaaradaha badankood way sii socdaan

    Diyaaradaha Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaaradaha Iran

    Afhayeenka Hay’adda Duulista Rayidka Iiraan, Majid Akhavan, ayaa sheegay in marka laga reebo shirkadda Mahan Air, oo xayiraado kala kulmaysa duulimaadyada ay ku tagto dalal shisheeye, shirkadaha kale ee diyaaradaha Iiraan ay sida caadiga ah u sii wadaan duulimaadyadooda caalamiga ah.

    Wuxuu u sheegay wakaaladda wararka shaqaalaha Iiraan ee ILNA in xilligan xayiraaddu ay khusayso oo keliya Mahan Air, taas oo wax ka beddeshay jadwalka duulimaadyada ee meelo gaar ah, oo ay ka mid yihiin Muscat, Istanbul iyo Ankara.

    Akhavan ayaa sheegay in go’aankaasi uusan saamayn doonin shirkadaha kale ee diyaaradaha Iiraan.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in cunaqabateyntii cusub ee Maraykanku saaray qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Iiraan ay liiska cunaqabateynta ku dartay 27 shirkadood oo diyaaradeed, balse taasi aysan micnaheedu ahayn in dhammaan duulimaadyada caalamiga ah ee Iiraan la joojinayo.

    Xayiraadaha cusub ee Maraykanka ee ka dhanka ah shirkadaha diyaaradaha Iiraan ayaa la filayaa inay Arbacada 23-ka September galaan marxalad cusub oo dhaqan-gelin ah.

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa shalay sheegay in cid kasta oo la shaqaysa shirkadaha diyaaradaha Iiraan ee cunaqabateyntu saaran tahay ay la kulmi doonto cunaqabateyn.

    Xogta laga helayo FlightRadar24 ayaa muujinaysa in shirkadaha diyaaradaha Iiraan ay maanta weli duulimaadyo ka sameynayaan qaar ka mid ah meelaha gobolka, oo ay ka mid yihiin Istanbul iyo Baqdaad.

  18. Xuutiyiinta: In ka badan 20 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen iyo warbaahinta taageerta ayaa sheegay in in ka badan 20 qof oo rayid ah la dilay ama lagu dhaawacay duqeymo ay Sacuudigu ka geysteen qaybo ka mid ah Yemen 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

    Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta ayaa sheegay in Sacuudigu uu qaaday in ka badan 900 weerar oo cirka iyo gantaallo ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimahooda tan iyo markii uu bilowday wejigan cusub ee colaadda.

    Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa iyaduna Xuutiyiinta ku eedeysay inay rayid ku dhaawaceen weerar lagu qaaday suuq ku yaalla gobolka Lahj, kaas oo ay sheegtay inuu ahaa jawaab laga bixiyay weerarrada lagu qaaday Xuutiyiinta.

    Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarrada Sacuudigu ay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee Yemen, ayna yihiin “xaalad colaadeed oo si weyn u sii kordhaysa.”

    Iiraan, oo taageerta Xuutiyiinta, ayaa ugu baaqday Sacuudiga inuu joojiyo weerarrada ka dhanka ah fariisimaha Xuutiyiinta.

  19. Marco Rubio oo sheegay inuu diyaar u yahay kulan uu la yeesho mas’uuliyiinta Iiraan

    Marco Rubio

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Marco Rubio

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo mas’uuliyiin Iiraaniyiin ah, inta lagu guda jiro shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York.

    Rubio ayaa yiri: “Ma filayo in hadda wax kulan ah la qorsheeyay, laakiin waxaan diyaar u nahay kulan noocaas ah, gaar ahaan haddii ay jirto fursad uu kulan wanaagsan ku dhammaan karo, isla markaana ugu dambayn lagu gaari karo ujeeddada ugu weyn.”

    Wuxuu sheegay in ujeeddada uu ka hadlayo ay tahay in Iiraan aysan waligeed yeelan hub nukliyeer ah.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araqchi, ayaa tan iyo Isniintii ku sugnaa magaalada New York, halka Mas’uul kale oo Iiraani ah, Massoud Mekhsani, uu isna u safray magaalada si uu uga qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Laba maalmood ka hor, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Fox News u sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha Iiraan Mas’uud Pezeshkian.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Reuters: Sacuudiga oo dib u bilaabay shaqada dhuumaha shidaalka ee “East-West”

    Shidaal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Shidaal

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah, ayaa sheegtay in Sacuudiga uu dib u bilaabay shaqada dhuumaha shidaalka ee “East-West”, isla markaana laga yaabo in maanta oo Talaado ah dib loo bilaabo dhoofinta shidaalka ee dekedda Yanbu ee ku taalla Badda Cas.

    Weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa 13-kii September sababay in Sacuudiga uu joojiyo gudbinta shidaalka ee dhuumaha “East-West”. Waxaa sidoo kale la sheegay in markii dambe la hakiyay dhoofinta shidaalka ceyriin ee dekedda Yanbu.

    Sacuudiga ayaa shidaalka dhuumahaas ku gaarsiin kara dekedda Yanbu, taas oo u saamaxaysa inuu dhoofiyo shidaalka isaga oo aan marin Marinka Hormuz.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: