TOOS, Trump oo ku wajahan Shiinaha ku dhowaad muddo toban sano ah kadib

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku wajahan magaalada Beijing, booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Maraykan ah uu ku tago dalkaas muddo sagaal sano ah

Tebin toos ah

  1. Sirdoonka Mareykanka oo beeniyay warar uu Trump ka sheegay Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in warbaahinta qaar ee Mareykanka ay Iran ka sheegayaan waxyaabo aan run ahayn, kuwaas oo Iran siinaya rajo. Wuxuu sheegay in arrintaas ay la mid tahay “khiyaano.”

    Hadalkan ayuu sheegay kadib markii wargeyska New York Times uu qoray in dowladda Trump ay sheegtay in ciidamada Iran si weyn loo wiiqay, laakiin warbixinada sirdoonka Mareykanka ay muujinayeen in xaaladdu aaney sida Trump u sheegyo ahayn.

    Qoraalkiisa baraha bulshada ayuu ku sheegay arrintan kadib markii wargeyska uu soo wariyay in Iiraan ay weli haysato laba meelood saddex meel kaydkeedii gantaallada, isla markaana ay dib u heshay marin ay ku gaarto inta badan xarumaheeda dhulka hoostiisa ku yaalla.

    Wargeysku wuxuu sheegay in sida maamulka Trump u sawiray ciidamada Iiraan oo burburay aysan waafaqsanayn waxa hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay si hoose uga sheegayaan xaaladda dhabta ah.

    Sidoo kale akhri

  2. Colaadda Bariga Dhexe: Lix cashar oo ciidanka Iiraan dunida bareen

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Khilaafka u dhexeeya Iran iyo reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, wuxuu socday tobannaan sano.Si kastaba ha ahaatee, muddo dheer si toos ah uma aysan gelin dagaal rasmi ah.

    Maraykanku waligiis ciidamo kuma gelin Iran, xitaa markii uu dagaallo ka fulinayay dalalka sida Ciraaq, Afgaanistaan, Yemen iyo Liibiya.

    Inkasta oo Maraykanku marar badan milatari uga hawlgalay Bariga Dhexe iyo Gacanka, Iran waxaa inta badan lagu arki jiray oo keliya hanjabaado, gaar ahaan kuwa la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka, balse ma jirin weerar toos ah oo lagu qaaday.

    Sidaas darteed, dunidu waxay mar walba ka walaacsanayd waxa dhici kara haddii Maraykanka iyo Iran si toos ah u dagaallamaan.

    Bishii Oktoobar 2025, markii Israel ay weerar ku qaaday Iran, kadibna Maraykanku ku biiray weerarradaas, indhaha caalamka ayaa si weyn ugu jeestay dagaalka Iran.

    Inkasta oo dagaalku socday 12 maalmood oo keliya, Maraykanka iyo Israel ayaa si wadajir ah mar kale weerar ugu qaaday Iran wax ka yar hal sano gudaheed.

    Tan iyo markaas wax badan ayaa dhacay, dagaalkuna wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dunida. Waxa kale oo uu dunida baray waxyaabo cusub oo ku saabsan Iran, kuwaas oo ka duwan wixii hore loo ogaa ama la filayay.

  3. War deg deg ah, Shiinaha oo farriin u diray Pakistan iyo Trump oo sii wada hanjabaadihiisa

    Dalka Shiinaha ayaa ugu baaqay Pakistan inay “xoojiso” dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay ka dhex waddo Iiraan iyo Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

    Baaqaan ayaa ku soo aadaya xilli Trump uu sii wado hanjabaadaha ku aaddan in uu burburin doono Iiraan haddii ay heshiis ay la geli waayaan. Shiinuhu waa mid ka mid ah saaxiibbada Iiraan ay ku leedahay dunida.

  4. Kharashka Mareykanka uga baxay dagaalka Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Pentagon-ka Mareykanka ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in Mareykanka uu ku kharash gareeyay ku dhawaad ​​$29 bilyan dagaalka Iiraan, sida lagu sheegay qiyaaso cusub oo la sii daayay intii lagu jiray dhageysiga miisaaniyadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka.

    Tirada cusub ayaa afar bilyan oo doolar ka badan tii uu sheegay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, qiyaastii laba toddobaad ka hor.

    Pete Hegseth iyo Jeneraal Dan Kaine, ayaa hadalkan jeediyay iyagoo difaacaya codsiga miisaaniyadda difaaca ee 2027 oo ah $1.5 tiriliyan, markii wax laga weydiiyay lacagta lagu bixiyay dagaalkii Iiraan.

    Jules Hurst, oo ah madaxa maaliyadda ee Pentagon-ka oo isna ka qayb galay kulanka, ayaa sheegay Abriil 29 in kharashka dagaalka lagu qiyaasay $25 bilyan.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in koox saraakiil militari ah iyo falanqeeyayaal maaliyadeed ay sii wadaan la socodka qiyaasta kharashka cusub.

    Sidoo kale akhri

  5. Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo war cusub soo saartay iyo culeysyo ay wajahayso

    Dagaalka Iiraan saameyntiisa ayaa gaartay meelo badan oo dunida ka mid ah

    Xigashada Sawirka, ethiopian airlines

    Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inaysan wax qorshe ah ka laheyn inay beddesho tirada duullimaadyada gudaha dalka, inkastoo sahayda shidaalka uu saameyay dagaalka Iran isla markaana qiimaha shidaalku sare u kacay.

    Shirkaddu waxay sheegtay in saameynta dagaalku ay tahay “ku-meel-gaar” hase-yeeshee aan ilaa hadda la hirgelin wax “qorsheyaal lagu yareynayo saameyntaas.”

    “Duullimaadyadu waxay u socdaan sidii caadiga ahayd,” ayuu u sheegay BBC-da Lamma Yaddecha, oo ah madaxa ganacsiga ee shirkadda diyaaradaha, inkastoo qiimaha shidaalku kordhay sababo la xiriira dagaalka Iran.

    Qiimaha shidaalka ee Itoobiya ayaa saddex jibbaarmay tan iyo markii uu billowday dagaalka Iran.Qiimaha shidaalka diyaaradaha ayaa in ka badan laba jibbaarmay marka loo eego qiimihii shidaalka ee lagu dhawaaqay toddobaad ka hor 4-tii bishaan May.

    Qiimaha baatroolka ayaa kordhay 169 birr, isagoo gaaray 319 birr iyo 67 senti halkii litir.Tan iyo markii uu billowday dagaalka Iran, qiimaha shidaalka diyaaradaha ee Itoobiya ayaa kordhay 183 birr.

    Kadib kororka qiimaha shidaalka, waxaa soo baxay warar sheegaya in Ethiopian Airlines ay qorsheyneyso inay yareyso duullimaadyada gaagaaban iyo kuwa gudaha si loo dhimo kharashaadka.

    Sarkaal ka tirsan shirkadda diyaaradaha ayaa BBC-da u sheegay in warkaas uu yahay mid aan sax ahayn.

  6. Iran oo sameysay dhoolatus militari oo qarsoodi ah

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa fuliyay dhoolatus militari oo aan hore loo shaacin oo loogu magac daray “Shuhadada abaanduulayaasha ”.

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in dhoolatuskan loogu talagalay tijaabinta hababka loola dagaallamo cadowga iyo qiimeynta xeeladaha dagaalka.

    Hassan Hassanzadeh ayaa sheegay in intii uu socday dhoolatuska si guul leh loo tijaabiyay dhammaan xeeladaha iyo hababka hawlgal ee cutubyada iyo saraakiisha gaarka ah, si loo kordhiyo awoodda dagaal loogana hortago dhaqaaq kasta oo cadowgu sameeyo.

    Ilaalada Kacaanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ilaalada Kacaanka
  7. “Pentagon: Kharashka dagaalka Mareykanka iyo Iran ayaa gaaray ku dhowaad $29 bilyan.”

    Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in qiyaastii ugu dambeysay ee kharashka dagaal lala galo Iran uu gaaray ku dhowaad $29 bilyan.

    Tiradan cusub, oo lagu shaaciyay intii lagu jiray dhageysi miisaaniyadeed oo ka dhacay Kongareeska Mareykanka, ayaa qiyaastii $4 bilyan ka badan qiyaastii uu bixiyay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth laba toddobaad ka hor.

    Pete Hegseth iyo General Dan Caine ayaa ka faahfaahin ka bixinayay codsi miisaaniyadeed oo dhan $1.5 tiriliyan oo loogu talagalay sanadka 2027, markaas oo la weydiiyay inay sharxaan kharashka dagaal lala galo Iran.

    “Waqtigii markhaatiga la bixinayay wuxuu ahaa $25 bilyan,” ayuu yiri Jules Hurst, madaxa maaliyadda Pentagon-ka, oo sidoo kale goobta joogay, isagoo tixraacayay qiyaastii uu wasiirka difaacu ka bixiyay Kongareeska 29-kii April.

  8. Reuters: Sacuudi Carabiya ayaa fulisay weerarro ka dhan ah Iran

    Sacuudiga

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Sacuudiga

    Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Sacuudiga Carabiya ay fulisay weerarro “aan si rasmi ah loo shaacin” oo lagu qaaday gudaha Iran, sida ay sheegeen laba sarkaal oo reer Galbeed ah iyo laba sarkaal oo Iran ah oo xog-ogaal u ah arrinta.

    Warbixinta ayaa tilmaantay in weerarradan—oo aan hore loo soo tabin—ay noqon karaan markii ugu horreysay ee Sacuudiga si toos ah uga fuliso hawlgal militari gudaha dhulka Iran, taasoo muujinaysa in Riyadh ay si isa soo taraysa u adkaynayso difaaceeda ka dhanka ah tartameheeda gobolka.

    Sida ay sheegeen laba sarkaal oo reer Galbeed ah, weerarrada waxaa fuliyay ciidamada cirka ee Sacuudiga, waxaana la rumeysan yahay inay dhaceen dabayaaqadii bisha Maarso.

    Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in “weerarradu ay ahaayeen kuwo aargoosi ah oo looga jawaabay markii Saudi Arabia la beegsaday.”

    Reuters waxay sheegtay in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin bartilmaameedyada saxda ah ee weerarradan.

    Markii la weydiiyay, sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga si toos ah ugama hadlin eedeymahan.

    Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran kama aysan jawaabin codsiga warbaahinta ee ku saabsan warbixintan.

    Sidoo kale akhri

  9. Trump Iran: Ama waa in aan heshiis la galno ama gabi ahaanba waa la burburin doonaa

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay isagoo usii dhoofaya safar uu ku aadayay Shiinaha in uusan u baahnayn kaalmo ka timaadda dalkaas si loo soo afjaro dagaalka Iran.

    Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu wadahadal faahfaahsan la yeelan doono madaxweynaha Xi Jinping kulankooda toddobaadkan.

    Shiinaha ayaa ka mid ah saaxiibbada dhaqaale ee ugu muhiimsan Iran, waxayna iibsataa qayb weyn oo ka mid ah Shidaalka dalkaas, sidoo kale Beijing ayaa loo arkaa inay taageero muhiim ah siiso Iran.

    Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay inuusan u baahnayn Xi Jinping si uu xal ugu helo khilaafka ka billowday laba bilood iyo bar kahor kadib weerar ballaaran oo Mareykanka iyo Israa’iil ay fuliyeen, kaasoo markii dambe gaaray xaalad hakad ah oo la xiriirta xakamaynta marinka maraakiibta ee Hormuz.

    Wuxuu yiri: “Wax badan ayaan ka hadlaynaa. Run ahaantii, ma dhihi doono Iran waa mid ka mid ah, sababtoo ah Iran si buuxda ayaan u xakameynay.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Ama waan heshiinnaa ama si buuxda ayaa loo burburin doonaa.”

    Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in China ay sii waddo inay ka caawiso Iran hub iyo iibinta Shidaalka cunaqabataynta saaran, Trump wuxuu sheegay in Xi Jinping uu “si wanaagsan u dhaqmay.”