TOOS, Trump oo ku dhawaaqay wadahadallo cusub oo uu Maraykanku la galayo Iiraan

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Wadahadallada dhinaca taleefanka ee u dhexeeya Tehraan, Riyadh iyo Islamabad ayaa sii socda

    Wakaaladda wararka dawladda Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in ay sii socdaan wada-hadallada dhanka taleefanka ee u dhexeeya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi iyo dhiggiisa Sacuudiga iyo sidoo kale Taliyaha Ciidanka Pakistan, Field Marshal Asim Muniir.

    IRNA ayaa qortay subaxnimadii Isniinta in Cabbaas Araqchi uu habeenkii Axadda markii labaad taleefan kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan Al Saud.

    Araqchi ayaa sidoo kale Axaddii wada-tashi dhinaca taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan. Hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu sidoo kale xidhiidh la sameeyay Field Marshal Asim Munir, oo ah Taliyaha Ciidanka Pakistan isla markaana loo arko in uu door muhiim ah ku leeyahay wada-hadallada iyo go'aannada istaraatiijiga ah ee Islamabad.

  2. Trump oo ku dhawaaqay wadahadallo cusub oo uu Maraykanku la galayo Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in wada-hadallo cusub oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay bilaaban doonaan Isniinta.

    Trump ayaa hadalkan sheegay fiidnimadii Axadda, saacado kaddib markii uu ku dhawaaqay in uu baajiyay weerarro waaweyn oo la qorsheeyay in lagu qaado Iiraan.

    Wuxuu sheegay in heshiis laga gaadhay arrinta Marinka Hormuz, isla markaana uu rajo ka qabo in heshiis laga gaaro “ka saarista hubka nukliyeerka ee Iiraan.”

    “Way iska caddahay in aanay doonayn in la weeraro. Waxay ogaayeen baaxadda weerarka sababtoo ah way sii arkeen in uu soo socdo. Hadda waan la hadlaynaa, wada-hadalladuna waxay bilaabanayaan berri galab,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaal isagoo saarnaa diyaaradda Air Force One maalintii Axadda.