Laba qarax oo dilay todoba qof oo shacab ah

Xigashada Sawirka, Al-Alam
Labo qarax oo ka dhacay wadada dhinaceeda waqooyi galbeed ee Pakistan ayaa waxaa ku dhintay 7 qof oo rayid ah.
Booliska gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa sheegay in qaraxa koowaad lala beegsaday gaari, waxaana qaraxa labaad uu burburiyay gaari kale iyada oo dhaawacyada loo qaaday isbitaalka.
Kooxda xagjirka ah ee Tehreek-e-Taliban Pakistan ayaa dhaqdhaqaaq ka wada gobolka, balse ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarradan.
Pakistan ayaa marar badan ku eedaysay Afgaanistaan in ay gabaad siiso dagaalyahanada ka faa’iidaysta xuduudka labada dal si ay weeraro uga geystaan.


