SPAIN AYAA QAADDAY KOOBKII ADDUUNKA

Xigashada Sawirka, Getty Images
Halkan si toos ah uga la soco ciyaarta caawa dhex maraysa xulalka Spain iyo Argentina

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaybta hore ee wakhtiga dheeriga ah ayaa soo dhammaatay, iyada oo Spain ay soo bandhigtay ciyaar heer sare ah.
Ciyaarta u dhaxaysa Argentina iyo Spain ayaa ku soo dhammaatay gool la'aan 90-kii daqiiqo. Waxa hadda la aaday 30 daqiiqo oo dheeraad ah. Qaybtan dambe waxa ciyaarta si weyn ugu gacan sarraysay Spain oo weerarro halis badan ku qaadayay dhinaca Argentina. Waxa kale oo xusid mudan in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina, Enzo Fernandez loo taagay kaarka casaanka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Argentina oo difaacanaysa koobka Ameerika iyo Spain oo soo qaaadday koobkii Qaaradda Yurub ayaa caawa mar kale ku loolamaya ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka. Ilaa hadda labada dhinac midna uma suurtogalin in ay shabaqa soo taabtaan.
Waxa soo dhammaatay qaybtii hore ee ciyaarat iyada oo labada xul ay ku kala baxeen goolal la'aan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaarta ayaa maraysa qaybtii hore iyada oo hadda loo baxay nasashada gaaban ee waraabka. weli wax goolal ah la iskama dhalin.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taariikhda kulamadii ay wada ciyaareen labada dal ee Spain iyo Argentina ayaa muujinaya in ay yihiin labo dal oo isu dhigma.
Waxay iska horyimaadeen 14 kulan, iyadoo Spain ay badisay 6 kulan, Argentina-na ay badisay 6 kulan, halka 2 kulan ay barbaro ku dhammaadeen.
Marka la eego Koobka Adduunka, labada xul waxay is arkeen hal mar oo kaliya. Waxay isku arkeen kulan ka dhacay wareegga guruubyada ee Koobkii Adduunka 1966-dii ee lagu qabtay Ingiriiska. Magaalada Birmingham ayey ku dheeleen taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Luulyo 1966-dii. Kulankaas waxaa Argentina ku badisay 2–1.
Sii akhri

Xigashada Sawirka, Getty Images
Koobka adduunka waxaa sanadkan markii ugu horeysay ka qeybgalay 48 dal, wuxuuna socday shan toddobaad. Waxaa la ciyaaray sanadkan 105 kulan oo lagu kala qabtay saddex dal oo kala ah Mexico, Mareykanka iyo Canada. Ugu dambeyn FIFA ayaa caawa siin doonta koobka xulka guuleysta
Garoonka caawa waxaa joogaya 8-kun oo daawadayaal ah iyadoo caalamka oo dhan ay kala socon doonaan bilaayiin. Waxaa la qaban doonaa xafladda xiritaanka. Sidoo kale waxaa ka qeybgalaya ciyaarta caawa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Sidoo kale waxaa ka qayb geli doona tartanka fanaaniinta kala ah Robbie Williams, Laura Pausini iyo Nicole Scherzinger oo qaadaysa heesta rasmiga ah ee tartanka ee "Desire."
Sii akhri

Xigashada Sawirka, EPA
Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104 kulan oo lagu qabtay saddex waddan (Mexico, Mareykanka iyo Kanada), isla markaana markii ugu horreysay kulmisay 48 kooxood, Koobka Adduunka ee FIFA ayaa ugu dambeyn shaacin doona kooxda ku guuleysata.
Kooxda Argentina ee uu hoggaamiyo Lionel Messi ayaa hiigsanaysa inay noqoto kooxdii ugu horreysay ee ku guuleysata laba koob oo isku xiga tan iyo markii Brazil ay sidaas samaysay sannadkii 1962-kii, taas oo tirada guulahooda ka dhigi doonta afar; halka Spain, oo ay ku jiraan xiddigooda da'da yar ee Lamine Yamal, ay doonayaan inay qaadaan koobkoodii labaad ka dib guushoodii ugu horreysay ee Koobkii Adduunka ee 2010-kii lagu qabtay Koonfur Afrika.
Kani wuxuu noqon doonaa kulanka kaliya ee tartanka oo uu ka soo qayb-geli doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Barnaamijka madadaalada ee la shaaciyay ayaa u qalma Koob Adduun oo heer sare ah: laga soo bilaabo Tom Cruise ilaa Madonna, iyadoo ay ka mid yihiin Justin Bieber, Shakira iyo BTS, garoonka MetLife Stadium ee u dhow New York — kaas oo qaada 80,000 oo daawade — ayaa isu beddeli doona goob heer sare ah ka hor iyo inta lagu guda jiro ciyaarta, taas oo bilaaban doonta saacadda 3-da galabnimo ee waqtiga maxalliga ah (7-da fiidnimo ee waqtiga GMT).

Xigashada Sawirka, aa
Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay inay arkeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda dhanka dekedda Aqaba ee dalka Urdun.
Horay, afhayeen u hadlay dowladda Urdun ayaa beeniyay warka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee sheegayay in dadka laga daad-gureynayay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Aqaba sababo la xiriira khatar soo wajahday.
Ciidamada Israa'iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay "dhawaan ogaadeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda magaalada Aqaba ee dalka Urdun, taas oo ku taal meel u dhow xuduudda Israa'iil."
Ciidamada Israa'iil ayaa sidoo kale uga digay arrintan iyagoo leh: "Waxaa jirta suurtagalnimo ah in rasaastaas awgeed, (colaaddu) ay ku faafto dhulka Israa'iil."
Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran ayaa cambaaraysay weerar ay Maraykanku ku qaadeen xarunta tamarta nukliyeerka ee laga dhisayo Darkhovin.
Bayaanka hay'adda ayaa lagu sheegay in Maraykanku, isagoo ku kacaya fal "ka hor imanaya sharciga caalamiga ah," uu weerar ku qaaday goobta laga dhisayo xarunta tamarta ee Darkhovin, isagoo adeegsanaya dhowr gantaal, maalintii Axadda, abaaro 3:39-kii subaxnimo (waqtiga maxalliga ah).
Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran ayaa ku dhawaaqday bilowga mashruuca dhismaha xarunta tamarta nukliyeerka ee Karun ee ku taal Darkhovin bishii Disembar ee sannadkii 2022-kii.
Waqtigaas, Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran waxay sheegtay: "Xarunta tamarta nukliyeerka ee Karun, oo ah nooca biyaha fudud ee cadaadiska sare leh (pressurized light water type) isla markaana leh awood ay ku soo saarto 300 oo megawatt oo koronto ah, ayaa laga dhisi doonaa dhul baaxaddiisu dhan tahay qiyaastii 50 hektar oo ku teedsan Webiga Karun, una dhow magaalada Darkhovin—oo ka tirsan Degmada Shadegan ee Gobolka Khuzestan."
Ciidamada Baxreyn ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay ka hortageen gantaalada iyo weerarada Drones-ka Iran.
Bayaanka ayaa lagu yiri: "Nidaamyada difaaca cirka ee ciidamada Difaaca Bahrain, oo leh go'aan adag iyo diyaargarowga dagaalka sare, waxay qabteen oo burburiyeen dhowr weerar oo khiyaano ah oo Iran kaga yimid Axaddii."
"In si ula kac ah loo isticmaalo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah iyo hantida gaarka ah waa xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada."
Milateriga Baxrayn ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay taxaddar muujiyaan, kana fogaadaan in ay u dhawaadaan shay kasta oo aan la garanayn ama laga shakisan yahay oo ah haraadiga gardarada arxan darada ah ee Iran, ayna si degdeg ah u soo sheegaan.
Dhulgariir cabbirkiisu yahay 4 ayaa saaka ruxay Salend oo ka tirsan Gobolka Khuzestan.
Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in dhulgariirku uu dhacay saacadda marka ay ahayd 7:56-kii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah, isagoo ka dhacay qoto dhan 8 kiiloomitir.
Laba saacadood ka hor, dhulgariir kale oo cabbirkiisu ahaa 5.0 ayaa isna ruxay Saland.
Ciidanka Israa’iil ayaa aagga Marinka Qaza ku dhawaaqay in uu yahay “aag ciidan oo xiran oo xaddidan” laga bilaabo 8-da subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah ee maanta ilaa 8-da subaxnimo ee berri oo Isniin ah.
Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in go’aankan la qaatay ka hor isu soo bax ay sameeyeen kooxda garabka midig ee deegmaystay aagga ee Nahala.
Kooxdan xagjirka ah ee Israa’iil ayaa taageersan dib u soo noolaynta deegaamaynta Israa’iil ee gudaha marinka Qaza.
Sida laga soo xigtay The Times of Israel, aagga xiran "wuxuu ka kooban yahay dhammaan aagagga marinnada Gaza, laga bilaabo Yad Mordechai ee waqooyiga Marinka ilaa Waddada 232 ee bariga iyo Kerem Shalom ee dhinaca koonfureed."
Warbixintu waxay sidoo kale ka soo xigatay ilo milateri oo sheegaya in amarka lagu xiray aagga ee la soo saaray ay sabab u tahay "dadka la dejinayo oo doonaya inay si sharci darro ah ku galaan marinka Gaza."

Milateriga Kuwait ayaa sheegay in ay ka hortagayaan mowjado duqeymo ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Iran.
Militariga Iran ayaa horay u sheegay in weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay la beegsadeen saldhigyada Mareykanka ee Kuwait.
Ciidamada Kuwait ayaa bayaankooda ku sheegay inay wajahayaan "gardarrada Iran" iyo in "nidaamyada difaaca cirka ay hadda ka hortagayaan gantaalada cadowga iyo weerarada Drones ka."
Wakaalada wararka ee AFP ayaa sidoo kale sheegtay in seeriga digniinta ah laga maqlayo Kuwait.
Weerarkii lagu qaaday xarumaha la xiriira biyo nadiifinta, Korontada, iyo xarumaha saliida ee Kuwait ayaa la kulmay jawaab ka timid wadamada Carabta ee Gacanka Faaris.
Tusaale ahaan golaha iskaashiga khaliijka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in “Weerarada Iran ay ku qaadayso bartilmaameedyada rayidka ee wadamada dariska ah ay ka dhigan yihiin dambi dagaal”.
Cali Cabdullaahi, oo ah taliyaha xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa fariin uu diray ku sheegay in weerar kasta ama waxa uu ku tilmaamay "falal gardarro ah" ay ciidamada qalabka sida ee Iiraan uga jawaabi doonaan si adag oo go'aan leh. Wuxuu Maraykanka ugu hanjabay “jawaab burburin doonta”
Wuxuu sheegay in jawaabta Iiraan ay Maraykanka ku soo rogi doonto khasaare ka culus kuwii ka dhashay waxa uu ku tilmaamay "dagaalladii labaad iyo saddexaad ee lagu soo qaaday."
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada ciidamada qalabka sida, shacabka, iyo mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, isagoo tixraacaya farriin qoraal ah oo loo nisbeeyay Mojtaba Khamenei.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mas'uuliyiinta maxalliga ah iyo warbaahinta Iiraan ayaa sheegay in Maraykanku uu qaaday weerarro cusub oo lagu beegsaday goobo ku yaalla gobollada Khuzestan iyo Hormozgan.
Ku-xigeenka mas'uulka amniga ee xafiiska guddoomiyaha gobolka Khuzestan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay saacaddu markay ahayd 5:55 subaxnimo gantaallo ku garaaceen goob ku dhow magaalada Shadegan. Wuxuu sheegay in ciidamada hawlgalka ay ku sugan yihiin goobta, isla markaana faahfaahinta khasaaraha la shaacin doono mar dambe.
Sidoo kale, Wakaaladda Wararka Tasnim ayaa sheegtay in qiyaastii 6:10 subaxnimo, diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay mar kale duqeeyeen goobo ku yaalla Jasiiradda Qeshm, halkaas oo laga maqlay ugu yaraan laba qarax.
Sida ay wakaaladdu sheegtay, baaritaan ayaa weli socda si loo ogaado meelaha saxda ah ee la beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay weerarrada. Tasnim waxay intaas ku dartay in saacadihii ka horreeyay weerarkan sidoo kale gantaallo dhowr ah lagu garaacay goobo kale oo ku yaalla Jasiiradda Qeshm.
Saraakiisha Maraykanka ayaan weli wax faallo ah ka bixin wararkan, waxaana faahfaahinta weerarrada aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu saacaddu markay ahayd 1:30 habeenimo Axadda, waqtiga Tehran, bilaabay wareeg cusub oo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Iiraan, isagoo fulinaya amar uu bixiyay Donald Trump.
Wuxuu intaa raaciyey Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka in weerarradan militari ay leeyihiin laba ujeeddo oo waaweyn, kuwaas oo ujeeddada koowaad ay tahay:
"In la sugo amniga isu-socodka maraakiibta caalamiga ah iyadoo sii wiiqaysa awoodda Iiraan ee ay ku hanjabi karto maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz."
Wuxuu intaa ku daray in "Ujeeddada labaad ee jawaabta degdegga ah ee militariga waa in lagu ciqaabo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), taasoo jawaab u ah weerarradii ay xalay ku qaadeen xubno ka tirsan ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jordan."
Ciidanka Iiraan ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ku beegsadeen laba saldhig oo militari oo Maraykanku ku leeyahay Kuwait, iyagoo sheegay in hawlgalkan uu yahay jawaab ka dhan ah weerarradii Maraykanku ku qaaday dhulka Iiraan.
Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto: