14 qof oo ku dhintay, 30 kalena ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay Imaaraadka Carabta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Imaaraadka Carabta ayaa Khamiistii sheegtay in 14 qof ay ku dhinteen, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ay ku lug lahaayeen gaari xamuul ah iyo dhowr gaari oo kale, kaas oo ka dhacay afaafka laga galo imaaradda Fujairah saqdii dhexe ee habeenkii Arbacada.
Booliska Fujairah ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in darawalka gaariga xamuulka ah uu lumiyay xakamaynta gaariga, kadibna uu ku dhacay gaari kale, ka hor inta uusan rogman oo uu ku dhicin gawaari kale oo goobta taagnaa.
Shilka ayaa sababay in gaariga xamuulka ahi dab qabsado, kaas oo ku fiday dhowr gaari oo kale.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in 14 qof ay dhinteen, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen heerar kala duwan.
Waxaa intaas lagu daray in 15 ka mid ah dadka dhaawacmay ay weli ku jiraan isbitaallada, halkaas oo ay ku helayaan daryeel caafimaad.
Booliska ayaa sheegay in goobta ay gaareen kooxaha gurmadka degdegga ah, ambalaasyada, dab-damiska iyo difaaca madaniga ah, kuwaas oo damiyay dabka, dhaawacyadana siiyay gargaarka degdegga ah, kadibna geeyay isbitaallada.
Waxa kale oo ay sheegeen in la sugay goobta shilka, lana maareeyay isu-socodka gaadiidka, si loo xaqiijiyo badqabka dadka waddada isticmaalaya.
Bayaanka ayaa sidoo kale caddeeyay in dadka shilka ku dhintay ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Imaaraadka Carabta, halka aqoonsiga qaar kalena weli lagu xaqiijinayo baaritaanno DNA ah.
Sheekoyinka kale ee aad sii akhrisan karto:














