Shil diyaaradeed oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Giriigga

Xigashada Sawirka, Reuters
Laba xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaaradaha gurmadka ayaa ku dhintay kaddib markii laba diyaaradood oo dab-demis ah ay isku dhaceen dalka Giriigga.
Duuliye u dhashay Ingiriiska iyo xubin ka tirsan shaqaalaha Giriigga ayaa ka badbaaday shilka, waxaana loo qaaday cisbitaal si loogu daweeyo dhaawacyadooda.
Raysalwasaaraha Giriigga, Kyriakos Mitsotakis, ayaa tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha, isaga oo sheegay in uu ka murugooday shilkaasi.
Labada qof ee geeriyooday ayaa kala ahaa duuliye u dhashay Denmark iyo sarkaal xiriiriye ka ahaa adeegga dab-damiska ee Giriigga.
Isku dhaca labada diyaaradood ayaa ka dhacay deegaanka xeebta ah ee Psatha oo galbeed ka xiga magaalada Athens, maalintii Axadda.
Giriigga ayaa ka mid ah dalal badan oo Yurub ku yaalla oo la tacaalaya dababka kaymaha, iyadoo dabaylo xooggan la rumaysan yahay in ay sabab u yihiin faafitaanka degdegga ah ee dababka.
Warar dheeraad ah:













