Shir afar geesood ah oo maanta dhexmari doona Iran, US, Qatar iyo Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in maanta lagu wado in shir afar geesood ah oo u dhaxeeya Iran, Mareykanka, Qatar iyo Pakistan uu ka dhaco buurta loo dalxiis tago ee Bürgenstock ee dalka Switzerland.
Esmail Baghaei ayaa u sheegay warbaahinta dalkaasi in Iran ay marka hore kulamo la qaadan doonto dhexdhexaadiyayaasha, Qatar iyo Pakistan, ka hor kulankaan.
Waxa uu sheegay in kulankan uu yahay mid lagu sii amba qaadayo dhaqan gelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay todobaadkan la saxiixdeen dowladda Mareykanka.





