TOOS, Hadal Trump ka sheegay dagaalka Iiraan oo sababay hoos u dhac suuqyada ah iyo kor u kaca qiimaha saliida

Madaxweyne Trump ayaa khudbad uu shacabka Maraykanka u jeediyey ku sheegay inay si adag u garaaci doonnaan Iran

Kooban

Tebin toos ah

  1. Macron oo weerar culus oo afka ah ku qaaday Trump

    Macron, iyo xaaskiisa Brigitte, ayaa maanta ku sugan Kuuriyada Koonfureed halkaas oo ay ku booqdeen xuska dagaalka Seoul

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Macron, iyo xaaskiisa Brigitte, ayaa maanta ku sugan Kuuriyada Koonfureed halkaas oo ay ku booqdeen xuska dagaalka Seoul

    Madaxweynaha Donald Trump ayaa si adag u weeraray France, isagoo ku eedeeyay inaysan ka caawin dagaalka ka dhanka ah Iran, isla markaana si gaar ah u weeraray Madaxweynaha Emmanuel Macron.

    Trump ayaa Arbacadii sheegay in xaaska Macron, Brigitte Macron, “ay si aad u xun ula dhaqanto”.

    Macron ayaa sheegay in hadalladaas ay yihiin kuwo aan habboonayn oo aan istaahilin in laga jawaabo.

    Arrimaha istaraatiijiga ah, Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in maamulka Trump uu si joogto ah u bixiyo fariimo iska soo horjeeda.

    “Hadalku aad buu u badan yahay,” ayuu yiri, isagoo raaciyay: “wax walba waxay u socdaan jihooyin kala duwan. Laakiin dhammaanteen waxaan u baahan nahay xasillooni, deggenaansho, iyo ku laabashada nabadda. Tani ma aha riwaayad.”

    “Haddii aad rabto inaad dhab ka noqoto, ma sheegi kartid maalin kasta wax ka soo horjeeda wixii aad sheegtay maalintii ka horreysay.”

  2. Laftagareen ma wuxuu ku adkeysanayaa in uu yahay madaxweynaha KGS?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tan iyo markii dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Baydhabo kala wareegtay maamulka Koonfur Galbeed isla markaana uu bartiisa Facebook ku shaaciyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, in uu xilkii iska casilay, waxaa soo baxayay is waydiimo ku saabsan tallaabooyinka la filan karo iyo in xaaladdu sidaa ku soo afjarantay.

    Haddaba BBC-da ayaa su'aalahaasi iyo kuwa kale hor-dhigtay afhayeenka mamaulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo aan la yeelanay waraysi dheer oo ku saabsan xaaladda guud.

    Wuxuu sheegay in wixii ka dhacay Isniintii Baydhabo oo ahaa dagaalkii dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ay ahaayen nasiib darro lagan abaaqsan karay.

    Wuxuu sheegay in dhankooda ay go'aan ku gaareen in ay kala bad-baadiyaan ciidamada isla markaana ay keentay arrintaasi go'aankii madaxweynihii ku dhawaaqay inuu is casilay uu kaga baxay magaalada Baydhabo oo ugu duulay Nairobi, oo hadda uu ku suganyahay.

    Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo BBC-d waydiisay in ciidamo iyo gawaari dagaal oo maamulku lahaa ay hadda joogaan duuleedka Baydhabo, waxaa uu ku jawaabay: "Ciidamadu waxey sugayaan amniga maadama gudaha lagu dagaallamay amniga bannaanka ayaa meesha ka bixi kara oo halis gali kara marka sidaa ayay bannaanka u joogaan".

    Saacadihii la soo dhaafay waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in Cabdicasiis Xasan Laftagareen uu weli ku adkeysanayo inuu yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed isla markaana sida dowladda federaalku u wajahaday mamaulkiisa aaney sax ahayn arrintaas.

    Hase yeeshee Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka Koonfur Galbeed ayaa ka gaabsaday arrintaas, isagoo sheegay in go'aanadaasi ay Laftagareen gaar u yihiin, oo xilliga ku habboon uu sheegi doono qorshihiisa.

    Marka kale ayaa BBC-du waydiisay in go'aankii is casilaadda uu ka laabtay iyo in kale, balse mar kale ayaa Ugaas Xasan ka gaabsaday in si waafi ah uu arrintaa uga jawaabo. Wuxuuna carrabka ku adkeyay in aanu bixi karin xog ku saabsan go'aanka iyo qorshaha madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.

  3. Waxaan soo ridnay diyaarad aan duuliye lahayn - Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan, ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Hermes 900 ah oo lagu soo riday.

    Ciidanku waxay sheegeen inay soo rideen drone-ta xili ay mareysay magaalada Shiraz saaka.

    Dagaalka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka, iyo Israa'iil ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo labada dhinacba ay sii wadaan inay isku weeraraan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Mar sii horreysay oo maanta ah. Tehran ayaa uga digtay Mareykanka iyo Israa'iil weeraro "baabi'in ah," xilli duqeymuhu ay galene toddobaadkii shanaad oo xiriir ah.

    Digniintan ayaa timid saacado yar uun ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay in Mareykanku uu Iran uu “si adag u” garaaci doon labada ilaa saddexda toddobaad ee soo socda, waana is-dhaafsigii ugu dambeeyay ee hanjabaadaha labada dal dhexmaraya.

    21-kii Maarso: Trump wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay "tirtiri doonaan" warshadaha korontada ee Iran haddii Tehran ay furi weydo Marinka Hormuz muddo 48 saac gudahood ah. Iran waxay kaga jawaabtay weerar ay ku garaacday magaalada Dimona ee Israa'iil.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  4. Trump iyo Iran oo dib u cusboonaysiiyay hanjabaadaha ku saabsan inay xiisaddu sii kororto

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Mar sii horreysay oo maanta ah. Tehran ayaa uga digtay Mareykanka iyo Israa'iil weeraro "baabi'in ah," xilli duqeymuhu ay galene toddobaadkii shanaad oo xiriir ah.

    Digniintan ayaa timid saacado yar uun ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay in Mareykanku uu Iran uu “si adag u” garaaci doon labada ilaa saddexda toddobaad ee soo socda, waana is-dhaafsigii ugu dambeeyay ee hanjabaadaha labada dal dhexmaraya.

    21-kii Maarso: Trump wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay "tirtiri doonaan" warshadaha korontada ee Iran haddii Tehran ay furi weydo Marinka Hormuz muddo 48 saac gudahood ah. Iran waxay kaga jawaabtay weerar ay ku garaacday magaalada Dimona ee Israa'iil.

    23-kii Maarso: Trump ayaa sheegay inay Iiran yeesheen wada hadal "aad u wanaagsan oo miro-dhal ah," wuxuuna dib u dhigay duqeymihii lagu qaadi lahaa kaabayaasha tamarta muddo shan maalmood ah.

    26-kii Maarso: Hakadkaas ayaa lagu kordhiyay 10 maalmood, ka dib markii uu sheegay in dowladda Iran ay codsatay.

    31-kii Maarso: Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa dib u cusboonaysiiyay hanjabaadaha ka dhanka ah shirkadaha tiknoolajiyadda Mareykanka ee ka hawlgala Bariga Dhexe sida Microsoft, Apple, iyo IBM. Trump ayaa hanjabaaddaas iska indha-tiray, isagoo su'aal ka keenay waxa ay Iran samayn karto, wuxuuna yiri "ma qoryaha carruurta ayay isticmaali doonaan?"

  5. Iiraan oo war cusub ka sheegtay marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay inay oggolaanayaan in maraakiibtu ay maraan Marinka Hormuz oo ah marin muhiim u ah dhoofinta saliidda kuwa aan ahayn "aanay lahayn kuwa gardarrada wada, xiriirna la lahayn."

    Isaga oo wareysi siinayay kanaalka telefishanka ee Newzroom Afrika, Esmail Baghaei ayaa sheegay in maraakiibta loo oggolaan doono inay maraan marinkaas "ka dib marka ay isku dubarid lagama maarmaan ah la sameeyaan mas'uuliyiinteenna."

    Isaga ka hadlay colaadda baahsan, Baghaei wuxuu sheegay in Iiraan aysan aqbali doonin “wareeg gurracan oo dagaal, wadahadal, joojin dagaal ah.” Bishii Juun, dagaal 12-maalmood ah oo u dhexeeyay Iiraan iyo Israa’iil ayaa ku lug lahaa Maraykanka oo weeraray dhowr goobood oo nukliyeer iyo milateri oo Iiraan ah.

    “Waxay yiraahdeen aan joojino, markaas ayaan joojinnay, kaddib sagaal bilood, waxay mar kale bilaabeen,” ayuu yiri Baghaei.

  6. Taliyaha Ciidada Iiraan oo hanjabaad adag soo saaray, yeyse ku socotaa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan, Janaraal Amir Hatami, ayaa xaqiijiyay in weerar kasta oo dhulka ah oo ay soo qaadaan kuwa uu ku tilmaamay "cadowga" uu ka dhalan doono jawaab kama dambays ah oo xooggan.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in "aanu hal askari" ka badbaadin ciidamada soo weeraraya haddii ay dhacdo in la isku dayo fulinta qorshahaas oo kale.

    Janaraal Hatami ayaa hadalkiisa ku sharrahay in ujeeddada istiraatiijiyadeed ee Tehran ay tahay in dalka laga fogeeyo "Ruuxda dagaalka", laguna soo dabbaalo ammaan dhammaystiran oo qof walba taabanaya; isagoo sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin in gobollada kale ay ammaan ku raaxaystaan halka dadka Iiraaniyiinta ah ay wajahayaan khataro.

  7. War cusub oo hadda Sacuudigu soo saaray

    Saacaddii u dambaysay, afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in dalka uu ka hortagay weeraro mowjad cusub ah oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn

    Waxay sheegeen in afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn la qabtay lana burburiyay.

    Horey, wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay inay soo rideen gantaal ballistic ah oo ku wajahnaa gobolka bari ee dalka.

  8. Wiil uu dhalay Osama Bin Ladin oo bixiyay xog la yaab leh oo ku saabsan aabbihiis

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    “Inkasta oo dhaqashada eyda ay Muslimiinta dhexdooda xumaan u arkaan, ninkayga Osama Bin Laden waxa uu Yurub ka soo dhoofsaday labo eey oo lagu kala magacaabi jiray Safir iyo Zair.

    Waan la yaabay markii Cumar uu ii sheegay in Khartuum aabbihii uu eey ku dhaqan jiray. Waan la yaabay sababtoo ah Muslimiinta ayaa aad uga fogaada eyga iyaga oo u arka in uu nijaas yahay.

    Xaaska koowaad ee Usama Bin Laden, Najvi Ghanem (Najvi Bin Laden), ayaa sida u sheegtay Jean Sassoon, oo ay buuggeeda ku qortay. Najvi waxay intaa ku dartay in mid ka mid ah eygooda la xaday, halka midkii kalana uu xanuun la soo darsay, ka dibna si lama filaan ah uu u dhintay.

    Toddoba sano kadib markii buugga la daabacay, ayaa wiilka uu dhalay Osama Bin Laden, Cumar Bin Laadin oo wareysi siiyay wargeyska The Sun wuxuu ku sheegay in aabbihii Usama Bin Laden uu hub kiimiko ah ku tijaabiyay eeygiisa. Cusaama Bin Laden ayaa lagu dilay howlgal ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan.

    Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxayay warbixinno dhowr ah oo sheegaya in Usama Bin Laden oo ah ninka loogu doonista badnaa caalamka uu hub kiimiko ah ku tijaabiyay eey.

  9. Iiraan oo soo saartay digniin adag

    Af-hayeen u hadlay millatariga Iiraan ayaa sheegay in Maraykanka iyo Israa'iil ay garaacayeen bartilmaameedyo "aan muhiim ahayn," isagoo isla markaana ka digay weeraro soo socda oo ah kuwo "wax burburiya, ka ballaaran kuwii hore, isla markaana baabi'in hantiyeed geysta."

    Bayaan ay ciidmaadu la wadaageen wakaaladda wararka ee Tasnim oo xiriir la leh ilaalada kacaanka Iiraan iyo wakaaladda Fars, ayuu af-hayeenku ku sheegay in labada dal ay haystaan xog "aan dhammaystirnayn" oo ku saabsan awoodda millatari iyo qalabka ay leedahay Tehran.

    Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in wax soo saarka millatariga Iiraan uu ka dhaco "goobo aadan marnaba aqoon u lahayn" isagoo gaashaanka ku dhuftay sheegashadii Trump ee ahayd in kaydka hubka Iiraan uu aad u yaraaday.

    Wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Israa'iil ay "waajib tahay inay bixiyaan khasaaraha gardarradii aad bilowdeen."

  10. Sida ay tahay inaad uga digtoonaato hotelada la dego marka ay xaaskaga kula socoto

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Xilli Habeennimo ah sanadkii 2023, Eric wuxuu ku guda jiray bog uu si joogto ah ugu booqdo baraha bulshada si uu u daawado filimada galmada. Ilbiriqsi gudahood markii uu fiidiyowga bilaabay, wuu istaagay.

    Wuxuu ogaaday in lamaanaha uu daawanayay oo gudaha qolka galay, boorsooyinkooda dhigay, ka dibna galmo sameeyay ay yihiin isaga iyo saaxiibtiisa.

    Saddex toddobaad ka hor, waxay ku qaateen habeenka huteel ku yaal Shenzhen, koonfurta Shiinaha, iyaga oo aan ka warqabin inaysan kali ahayn oo la weheliyo.

    Waxaa kamarada ay qabatay iyaga oo sameynaya galmada waxaa-na qabtay kaamirad qarsoon oo ku jirtay qolkii huteelka, muuqaalkaasna waxaa loo soo bandhigay kumanaan qof oo kale oo galay bogga uu Ericadeegsaday si uu u daawado filimada galmada.

    Eric (magaciisu ma aha kan dhabta ah) ma ahayn oo kaliya ah isticmaale ka tirsan goobaha laga daawado filimada qaawan ee kaamiradaha qarsoon ee Shiinaha, balse wuxuu noqday dhibane.

  11. Dhaawac wasiir hore, mowjado duqaymo ah oo la is waydaarsaday iyo wararkii ugu dembeeyey ee dagaalka Bariga Dhexe

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Iiraan ayaa sii waday weerarradeeda ka dhanka ah Israa’iil iyo deriskeeda Khaliijka. Saddex mowjadood oo gantaallo ah ayaa lagu beegsaday Israa’iil Khamiistii, iyadoo weerarkii saddexaad uu dhacay daqiiqado kaddib markii Madaxweyne Trump uu soo gabagabeeyay khudbaddiisii telefishinka laga sii daayay.

    Dhaawacyo fudud ayaa laga soo sheegay Tel Aviv. Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in nidaamyadooda difaaca cirka ay ka hortageen weerar gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ah.

    Horey, warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Kamal Kharrazi, si xun loogu dhaawacay duqeyn cirka ah oo dishay xaaskiisa. (Mr Kharrazi waxaa loo arkaa inuu yahay siyaasi isbeddel-doon ah gudaha nidaamka siyaasadeed ee Iiraan, waxaana la isweydiin doonaa sababta loo bartilmaameedsaday.)

  12. Qodob la filayey inuu Trump kaga hadlo khudbadiisa xalay basle uusan soo qaadin

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Hal arrin oo uusan kusoo qaadin khudbaddii Madaxweyne Trump ayaa ahayd gaashaanbuurta NATO, taas oo sii muuqatay ka dib markii waraysi uu siiyey Telegraph ku sheegay inuu tixgelinayo inuu Maraykanka ka baxo isbahaysigas.

    Madaxweynaha ayaa u sheegay wargayska in isbahaysigu yahay "shabeel warqadah", markii la weydiiyay inuu dib u eegis ku samayn doono xubinimada Maraykanka ee isbahaysiga ka dib colaadda Bariga Dhexe, wuxuu yiri: "Haddaba, waxaan dhihi lahaa dib-u-eegis way ka sii gudubtay."

    Sida uu horay u tilmaamay weriyaha Aqalka Cad ee BBC-da, madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa caqabado sharci oo waaweyn haddii uu ku dhaqaaqo go'aanka ka bixitaankan.

    marka la eego in Trump uu khudbaddiisa xilliga muhiimka ah ku soo celceliyay qodobbo badan oo uu hore uga hadli jiray, waa wax xusid mudan in isbahaysigu uusan ka mid noqon qodobbadaas.

  13. Ra’iisul Wasaaraha Australia oo sheegtay inaan lagala tashan dagaalka Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sheegay in inkastoo Australia ay taageersan tahay ujeeddada ah "in laga hortago in Iran ay waligeed hesho hubka nukliyeerka," haddana uusan hadda caddayn "waxa kale oo loo baahan yahay in la gaaro ama sida uu noqon doono dhammaadka arrintan."

    Hadalkiisa ayuu ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay Naadiga Saxafiyiinta Qaranka (National Press Club), taas oo ku soo beegantay xilli uu Trump jeedinayay khudbad kale.

    Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah wax looga weydiiyay muddada uu Trump u qabtay soo afjaridda colaadda, isagoo ku jawaabay "in aan Australia lagala tashan ka hor inta uusan falkan billaaban."

    "Waxa aan si cad u sheegay ayaa ah in aan doonayno in aan aragno hoos u dhac ku yimaada colaadda, waxaana doonayaa in la aqoonsado oo si weyn loo caddeeyo sida ay tani ku dhammaanayso," ayuu yiri.

    "Australia qayb firfircoon ka ma aha dagaalkan. Laakiin dhammaan dadka reer Australia waxay la ildaran yihiin sicir-barar ay tani sababtay," ayuu yiri.

  14. Ciidanka Difaaca Israa’iil oo sheegay in gantaallo laga soo tuuray Iiraan lala beegsaday Israa’iil

    Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay aqoonsadeen gantaallo laga soo tuuray dhanka Iiraan oo ku soo weajahan Israa’iil "waxyar ka hor", sida lagu faahfaahinaduu ugu dambeeyay oo lagu baahiyay Telegram.

    Warbixintan ayaa soo baxday shan iyo toban daqiiqo oo kaliya ka dib markii uu Trump soo afjaray khudbad 19 daqiiqo socotay, halkaas oo uu ku sheegay in ujeeddooyinkii istaraatiijiyadeed ee dagaalka Maraykanka iyo Iiraan ay yihiin kuwo "u dhow dhammaad", uuna sheegay in awoodihii milatari ee Tehraan la burburiyay.

  15. Trump oo hadda Khudbad jeedinaya ayaa faahfaahiyay dagaalka Iiraan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxwayne Trump ayaa hadda jeedinaya khudbad uu kaga hadlayo dagaalka Iiraan.

    waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid in Iran ay qarka u saarneyd sameysashada hubka Niyukleerka.

    “Iiraan ma aysan joojin barnaamijkeeda nukliyeerka, waxayna si degdeg ah u horumarinaysay gantaallo masaafo dheer gaari kara,” ayuu yiri Donald Trump. Wuxuu sheegay inay “ku dhowaayeen oo qarka u saarnaayeen” samaynta hub nukliyeer ah.

    Donald Trump wuxuu u mahadceliyay xulafada Maraykanka ee gobolka, oo ay ku jiraan Israa’iil iyo dalalka Khaliijka.

    “Waxay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan, mana oggolaan doono in waxyeello loo geysto ama ay fashilmaan si kastaba ha ahaatee,” ayuu yiri.

    Trump wuxuu sidoo kale xusay in Iiraan ay weerartay qaar badan oo ka mid ah dalalkan, wuxuuna sheegay in tani ay muujinayso in aanay waligeed yeelan karin hub nukliyeer ah.

    Trump wuxuu markaas xusay in uu hal bil ka soo wareegay tan iyo bilowgii howlgalka “Operation Epic Fury” ee ka dhanka ah Iiraan uu bilaabmay.

    “Caawa, ciidankii badda ee Iiraan waa la burburiyay, ciidankooda cirka waa uu burburay, hoggaamiyayaashoodii badankoodna… hadda way dhinteen,” ayuu yiri.

    “Caawa waxaan ku faraxsanahay inaan iraahdo in yoolalkii istiraatiijiga ahaa ee aasaasiga ahaa ay ku dhow yihiin in la dhammeeyo,” ayuu yiri.

  16. Sidee Iiraaniyiintu u arkaan Khudbadaha Trump ee ku aadan dagaalka?

    Muuqaal laga soo duubay dhismayaal burburay oo ku yaalla Tehran, oo la sii daayay horraantii maanta

    Xigashada Sawirka, Iranian Red Crescent Society via Reuters

    Qoraalka sawirka, Muuqaal laga soo duubay dhismayaal burburay oo ku yaalla Tehran, oo la sii daayay horraantii maanta

    Weli aad ayey u adagtahay in lala xiriiro dadka gudaha Iran ku sugan xilli ay jirto go’aan dowladeed oo internet-ka la xiro. Laakiin qaar ayaa ku guuleystay inay xiriirsadaan internet-ka iyagoo adeegsanaya internet-ka dayax-gacmeedka ee Starlink iyo habab kale, inkastoo ay bixiyaan qiimo aad u sareeya.

    Waxaan weydiinay qaar ka mid ah dadka reer Iran sida ay u arkaan khudbadaha uu Donald Trump jeediyo oo ku saabsan “war muhiim ah” oo la xiriira dagaalka Iran.

    “Waxaan u maleynayaa inuu yahay qof aan la saadaalin karin. Ma garanayo waxa aan ka filan karo, waa sida Trump oo kale. Ma rabo inuu dhammaan kaararka uu gacanta ku hayo muujiyo,” ayuu nin 30-jir ah oo ku sugan Tehran ii sheegay.

    “Si daacad ah, waan ka daalay wax walba iyo siyaasiyiinta oo dhan. Waqtigaan, waxay u muuqataa in aan dhammaanteen ku jirno masraxa,” ayay haweeney 20-jir ah oo ku sugan Tehran tiri.

    Qaar ka mid ah dadka Tehran ayaa maqlay xalay duqeymo ka yar kuwii habeenkii ka horeeyay.

    Haweeney kale oo 20-jir ah oo ku sugan Tehran ayaa tiri: “markaan si daacad ah u hadlo, habeenkii xigay waxaan dareemay rajo yar oo ku saabsan in dagaalku dhammaado oo xaaladdu degganaato. Markaas ayaan arkay in Trump laga yaabo inuu bartilmaameedsado kaabayaasha.

    “Markaan daacad u hadlo, waxaan ka daalay hadal noocan oo kale ah oo is burinaya.”

  17. Xoghayaha guud ee Nato oo booqan doona Trump toddobaadka soo socda

    Mark Rutte

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mark Rutte

    Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa toddobaadka soo socda booqan doona Washington, DC.

    Rutte wuxuu inta uu joogo kula kulmi doonaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Aqalka Cad, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo la hadlay BBC iyo warbaahineed aab bah-wadaagta nahay ee CBS.

    Afhayeen u hadlay isbahaysiga militariga reer Galbeedka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in tani ay tahay “booqasho hore loo qorsheeyay muddo dheer.”

    Si kastaba ha ahaatee, booqashadani waxay imanaysaa kaddib markii Trump si kulul u dhaleeceeyay xulafada Yurub arrinta dagaalka Iran, isla markaana uu ku hanjabay inuu ka bixi karo isbahaysiga militariga ee Mareykanku ka mid yahay aasaasayaashiisa sanadkii 1949.

  18. Mareykanka oo muddo 50 sano ka dib u diray cirbixiyeen hawada sare

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Hawlgalka hawada sare ee Artemis II ayaa ka duulay mar dhaw gobolka Florida ee dalka Maraykanka, isagoo afar cirbixiyeen u diray safar taariikhi ah oo ku wareegaya dayaxa, waana markii ugu horeysay oo bini’aadanku ay ka gudbaan wareega hoose ee dhulka muddo ka badan 50 sano.

    Hawlgalkan oo la bilaabay Arbacadii, ayaa ah tallaabo weyn oo ka mid ah qorshaha hay’adda hawada sare ee Maraykanka ee NASA ay ku doonayso inay bini’aadamka ku celiso dayaxa, ugu dambayntiina cirbixiyeennada loogu diro Mars.

  19. Trump dib u qiimeyn ku sameyn doona taageerada Mareykanka ee Nato

    Matthew Whitaker, safiirka Mareykanka ee Nato

    Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Matthew Whitaker, safiirka Mareykanka ee Nato

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa “dib u qiimeynaya oo dib u eegaya” ka qaybgalka Mareykanka ee NATO, sida uu sheegay Matthew Whitaker, safiirka Mareykanka ee isbahaysiga amniga.

    Dib u eegistan ayaa saameyn ku yeelan karta taageerada Mareykanka ee Ukraine, ayuu Whitaker sheegay, ka dib markii xulafada NATO — oo u badan dalalka Yurub — ay diideen codsiga madaxweynaha ee ahaa in la diro qalab milatari oo lagu taageero marinka Strait of Hormuz.

    “Waxaan u maleynayaa in hadda ay si cad u muuqato in Madaxweynaha Trump uu dib u eegayo oo dib u qiimeynayo wax walba, ha ahaato ka qaybgalkeena NATO, ama taageerada aan siinayno dadaallada Yurub ee Ukraine,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay NewsNation.

  20. Suuqa Saamiyada Mareykanka oo sare u soo kacay ka dib hadal uu trump jeediyay

    Ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Mareykanku “si dhakhso ah uga bixi doono Iran,” suuqa saamiyada Mareykanka ayaa kor u kacay Arbacadii, halka qiimaha shidaalkuna hoos u dhacay.

    Trump ayaa hadalladan jeediyay ka hor khudbaddiisa uu qorsheeyay inuu qaranka u jeediyo isla maalintaas, balse wuxuu u sheegay Reuters in Mareykanku uu dib ugu laaban karo gobolka si uu u fuliyo “weerarro kooban” haddii loo baahdo.

    Suuqa Wall Street ayaa laba maalmood oo xiriir ah kor u kacayay, iyadoo maalgashadayaashu ay saadaalinayaan in dagaalku dhammaan karo, balse qiimaha tamarta ayaa sare u kacayay bishii la soo dhaafay, taasoo keentay walaac ku saabsan sicir-barar caalami ah.