TOOS, Trump oo sheegay in uu ku dhawaaqi doono in Hormuz ay tahay dhul uu Maraykanku leeyahay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono in Marinka Hormuz uu yahay "dhul uu leeyahay Mareykanka," taas oo ah hadal sii xoojinaya mowqifkiisa ku aaddan marinkan biyaha ee muhiimka ah.

Kooban

  • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono in Marinka Hormuz uu yahay "dhul ay leedahay dowladda Mareykanka,"
  • Iran oo sheegtay in Marinka Hormuz uu ahaa, yahay, ahaanna doono mid Iiran leedahay.
  • Dowladda Yemen oo sheegtay in weerar gantaal oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen dekedda Mocha uu dilay ugu yaraan afar qof oo rayid ah.

Tebin toos ah

  1. Iran oo sheegtay in Marinka Hormuz uu ahaa, yahay, ahaanna doono mid Iiran leedahay.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Isagoo ka jawaabaya hadallada Donald Trump ee ku saabsan in marin-biyoodka Hormuz ee ah in uu ku dhawaaqayo in uu yahay dhul Mareykan, ayaa ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Kazem Gharibabadi, wuxuu sheegay in marin-biyoodkaasi uu "ahaa, yahay, uuna ahaan doono mid Iiraan leedahay."

    Wuxuu bartiisa baraha bulshada ee X ku qoray in marin-biyoodka Hormuz "aan lagu qabsan karin qoraal Twitter-ka la soo dhigay ama markab diyaarado xambaara," isagoo intaas ku daray in Iiraan "aysan ka baqayn hanjabaadaha, isla markaana aysan cabsi gelinayn muujinta awoodda milateri."

    Gharibabadi ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka uu ilaa hadda la kulmay "guuldarrooyin istiraatiijiyadeed oo culus," wuxuuna caddeeyay in marin-biyoodka Hormuz "la xiri doono ama la furi doono oo kaliya marka ay Iiraan amarto."

    Wuxuu intaas ku daray in ilaa iyo inta Mareykanku uu aqbalayo—sida uu hadalka u dhigay—"xaqiiqda guuldarada," ay Iiraan sii wadi doonto "fulinta xayiraadda.".

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Trump oo sheegay in uu ku dhawaaqi doono in Hormuz ay tahay dhul uu Maraykanku leeyahay

    Trump

    Xigashada Sawirka, AP

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono in Marinka Hormuz uu yahay "dhul ay leedahay dowladda Mareykanka," taas oo sii xoojinaysa mowqifkiisa ku aaddan marinkan biyaha ee muhiimka ah.

    "Markaan dhammaystirno ka guuleysiga Iran... waxaan dhawaan ku dhawaaqi doonaa in Marinka Hormuz uu yahay dhul uu leeyahay Mareykanka," ayuu yiri Mr. Trump oo khudbad ka jeedinayay magaalada Garden City.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay inaan weli la hubin dhabnimada hadalka Trump, ama haddii ay tilmaamayaan isbeddel cusub oo ku yimid siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan Marinka Hormuz.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale ku boorriyay muwaadiniintiisa inay aqbalaan koror yar oo ku yimaada qiimaha shidaalka, taas oo loo arko kharashka ku baxaya ka hortagga inay Iran hesho hubka nukliyeerka.

    Wuxuu sheegay in dadka Mareykanka ah ee laga yaabo inay "wax yar in ka badan" ku iibsadaan shidaalka ay tahay inay xasuustaan ​​inay taasi tahay qiimaha lagu horjoogsanayo "waddan aad u shar badan" inuu helo hubka nukliyeerka.

    Qiyaastii 20 boqolkiiba shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee caalamka ayaa sida caadiga ah mara Marinka Hormuz.