Qaramada Midoobay: 139 qof oo ay carruur ku jiraan ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa ku dhintay kaddib markii doon ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka.

Tebin toos ah

  1. Arday ayaa la xiray kaddib markii labo macallin lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

    Iskuul ku yaal Faransiiska

    Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin lagu toogtay iskuul ku yaal koonfurta Faransiiska saakay.

    14 jir ayaa soo galay dugsiga dhexe ee Lakanal oo ku yaal magaalo yar oo 11 mayl bariga kaga beegan Marseille.

    Rasaas ayuu furay kaddibna waxaa qabtay mid ka mid ah shaqaalaha sida ay warbaahinta Faransiiska u sheegeen saraakiisha deegaanka.

    Ma jiro cunug ku dhaawacmay marka laga reebo macallimiinta oo dhaawacoodu uusan halis aheyn.

    Sida uu sheegay duqa magaalada Aubagne oo ah halka uu ku yaal iskuulka, eedeysanaha ayaa ah arday dhigta fasalka 11-aad.

    Xafiiska dacwad oogaha Marseille ayaa bilaabay baaritaan la xiriira toogashada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in aan loo malaynayn in dhacdadan ay xiriir la leedahay dibadbaxyada dugsiyada, iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedyo xog-ogaal u ah baaritaanka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Qaboojiyeyaasha dukaamada waaweyn ee Faransiiska ayaa weerar internetka ah lagu qaaday

    Weerar internetka ah

    Weerar dhanka internetka ah oo weyn oo ka dhacay Faransiiska ayaa sababay in qaboojiyeyaasha dukaamo waaweyn oo dalka ku yaal ay istaagaan, taasoo keentay in la burburiyo cuntooyin keydsanaa iyo kuwa ku jiray qaboojiyeyaasha.

    Sida la soo sheegay, kooxda soo qaaday weerarka Internetka waxay ku guuleysteen in ay meel fog ka hagaan qaboojiyeyaasha, iyagoo bartilmaameedsaday nidaamyada xakamaynta ee shirkadda maamusha barnaamijka kombiyuutarka ee hawshaas loo adeegsado.

    Ilaa 200 oo dukaan ayey dhibaato soo gaartay. Agaasimaha guud ee shirkadda Cooperative ayaa weerarka ku tilmaamay mid “aad u culus, oo aan horay loo arag, isla markaana aan la aqbali karin.”

    Xafiiska Xeer-ilaalinta Paris ayaa sheegay in uu bilaabay baaritaan. Gobolka Alsace, laba dukaan oo waaweyn oo kaliya ayaa sheegay in khasaaruhu ka badan yahay 300,000 oo doolar, iyadoo laga digay in khasaaraha guud ee dalka oo dhan uu gaari karo malaayiin doolar.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Garoonka diyaaradaha Riyadh ayaa hakiyay duulimaadyada

    Sacuudiga iyo Yemen

    Guud ahaan duulimaadyada dalka Sacuudiga ayaa si weyn loo carqaladeeyay iyadoo Xuutiyiintu ay sii wadaan weerarada gantaalada ay ku ridayaan dalkaas.

    Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh ayaa maalintii labaad hakiyay ku dhowaad dhammaan duulimaadyada, kaddib markii lagu soo qaaday saddex weerar oo dhimasho sababay maalmihii la soo dhaafay.

    Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallamaya Yemen ayaa sheegay in ay dabagalayaan khatarta ka imaneysa gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Mar sii horeysay, wuxuu sheegay in gantaal nooca ballistic-ga ah oo lala beegsaday magaalada Khamis Mushayt ee koonfur-galbeed la qabtay, lana burburiyay.

    Dhowr ka mid ah madaxda sare ee shirkadaha caalamiga ah ee tamarta ayaa laga saaray jadwalka shir weyn oo arrimaha tamarta ah ee ka dhacaya Riyadh.

    Dhanka kale, wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in uu sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Taciz, kaas oo go’doon geliyay ciidamada Xuutiyiinta. Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xaaladda dadka magaalada ku nool. Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) wuxuu ka digay masiibo bani'aadannimo.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Baghaei: Hadii Hormuz uu furan yahay, maxay Maraykanku ula xiriireen Ruushka?

    Iran iyo Mareykanka

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa ku jeesjeesay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo yiri, "Haddii marinka Hormuz uu furan yahay, maxaa keenay in Mareykanku naafto u doonto Ruushka?

    Baghaei ayaa ula jeeday hadalkiisa heshiiska uu Ruushku naafta uga iibinayo Mareykanka kaas oo dhawaan uu ku dhawaaqay madaxewyne Donald Trump.

    Baghaei, oo la hadlayay weriyeyaasha intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ayaa sheegay in sheegashada Mareykanka iyo xaqiiqda jirta ay kala duwan yihiin. Wuxuu intaas ku daray, way sheegan karaan in marinkani uu waayay muhiimaddiisii ​​ama in Iran ay weyday awooddii ay ku saameyn jirtay xaaladda, balse annagu waxaan sameyn doonnaa wixii noo gaar ah."

    “Sheegashooyinkaas ma quseeyaan suuqyada, xaqiiqda ah in Mareykanku uu u weecday dalal kale si ay shidaal u helaan ayaa wax kasta sheegeysa” ayuu yiri Baghaei

    Sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, "Inta ay Maraykanku sii wadaan xayiraadda dhanka badda iyo tan dhaqaalaha ee ay saareen Iran, amni kuma soo laaban doono marinka Hormuz."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in uu jawaab adag ka bixinayo weerarada Xuutiyiintu ku qaadeen garoomada diyaaradaha

    Dagaalka Sacuudiga iyo Xuutiyiintu

    Wasiirka tamarta Sacuudi Carabiya ayaa ballanqaaday in jawaab “adag” laga bixin doono weerarrada dhimashada badan sababay ee Xuutiyiintu Yemen ee Iran taageerto ku qaadeen garoomada diyaaradaha iyo xarumaha shidaalka boqortooyada.

    “Dhacdooyinkii toddobaadyadii la soo dhaafay waa kuwo culus. Jawaabteeduna waa in ay noqotaa mid culus oo u dhiganta,” ayuu Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan ka sheegay shirweynaha WPC ee ka dhacay magaalada Riyaad.

    Axaddii, nin u dhashay Pakistan ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday garoonka Caalamiga ah ee King Khalid ee caasimadda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga.

    Weerarkaas ayaa dhacay maalin kaddib markii gantaal ay Xuutiyiintu rideen uu ku dhacay qeyb kale oo garoonka ah halkaas oo ay ku dhinteen 13 qof, taas oo keentay in qeybtaas la xiro.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarradaas ay u qaadeen aargoosi ay kaga jawaabayeen “gardarrada arxan-darrada ah ee Sacuudigu” kula kacayo deegaannada ay ka taliyaan ee galbeedka Yemen.

    Wasaaradda caafimaadka ee ay maamulaan Xuutiyiintu ayaa sheegtay in ilmo uu ku dhintay, lix qof oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo Sacuudigu Axaddii ku qaaday guri ku yaalla caasimadda Sanca.

    Isbahaysi uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa taageero dhinaca cirka ah siinayay ciidamada dowladda Yemen, kuwaas oo Xuutiyiinta kula dagaallamaya xeebaha Badda Cas iyo deegaanno kale.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Zelensky ayaa aqbalay dhawaaqistii lama filaanka ahayd ee Trump

    Madaxweynaha Ukraine

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa si cad u sheegay in hadalkii madaxweyne Donland Trump uu lama filaan ku noqday, isla markaana Ukraine aysan ku heshiin arrintaas, inkasta oo madaxweynaha Maraykanku uu sidaas ku dhawaaqay.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu mar kale xaqiijiyay in Ukraine ay diyaar u tahay in ay joojiso weerarrada ay ku hayso warshadaha sifeynta saliidda ee Ruushka. Wuxuu kaloo sheegay in uu rajeynayo in Ruushku joojinayo weerarrada kale oo lagu qaado shabakadda tamarta ee Ukraine.

    Zelensky wuxuu ka hadlay dhibaatada dadkiisu soo gaartay xilliyada qaboobaha ee la soo dhaafay iyo waxa ay la kulmi doonaan bilaha soo socda.

    Zelensky wuxuu ka faa’iidaystay fursaddan si uu u yareeyo cadaadiska saaran shacabka Ukraine si ay suuragal u noqoto in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo lagu qaboojinayo dagaalka.

    Wuxuu kaloo doonayaa in uu muujiiyo in uu yahay hoggaamiye daacad ah oo xal doon ah. Wuxuu rajaynayaa in tani ay gacan ka geysato hagaajinta xiriirka kala dhexeeya Donald Trump, isla markaana aan lagu eedeyn Ukraine hadii xabadjoojintu socon weyso.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Dadka Ukraine oo mar kale wajahaya koronto la’aan, ka dib weerar uu Ruushak fuliyay

    Dadka Ukraine ayaa mar kale wajahaya koronto la’aan, kaddib markii Ruushku uu weeraray xarumaha korontada, inkasta oo madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay waxa uu ku tilmaamay xabbad-joojin la xiriirta weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta.

    Moscow weli kama hadlin arrintan, halka Ukraine ay markii hore muujisay layaab ku aaddan ku dhawaaqista Trump.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu u baahan yahay faahfaahin dheeraad ah, balse uu taageeri doono xabbad-joojinta haddii Ruushku isaguna oggolaado.

    Xiriirka u dhexeeya Zelensky iyo Trump ayaa sii xumaanayay, iyadoo madaxweynaha Mareykanku uu isku dayayo inuu hoos u dhigo qiimaha shidaalka iyo naaftada ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka.

    Trump ayaa Kyiv ku boorriyay inay joojiso bartilmaameedsiga kaabayaasha tamarta ee Ruushka. Sida ay wararku sheegayaan, wuxuu sidoo kale ku hanjabay inuu joojin doono la wadaagista Ukraine xogaha sirdoonka, iyo sidoo kale taageerada la xiriirta soo iibinta hubka.

    Dadka Ukraine ayaa mar kale wajahaya koronto la’aan,

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. La-taliyaha madaxweynaha Imaaraadka oo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga amniga iyo difaaca ee Khaliijka

    Iyadoo ay sii socdaan weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga, la-taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga amniga iyo difaaca ee dalalka Carabta ee gobolka Khaliijka.

    Anwar Gargash ayaa farriin uu ku baahiyay barta X ku sheegay in bartilmaameedsiga Sacuudigu uu halis gelinayo amniga Imaaraadka iyo dhammaan dalalka kale ee gobolka Khaliijka.

    Wuxuu intaas ku daray in dayacaadda laga muujiyay sameynta hannaan amni oo ay wadaagaan dalalka gobolka Khaliijku ay dhiirrigelisay dhinacyo kale inay tallaabooyin ka qaadaan dalalka gobolka.

    Gargash ayaa ka digay in sugidda amniga gobolka Khaliijku ay tahay mas’uuliyad wadajir ah oo aan la fududeysan karin ama dib loo dhigi karin.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Getachew Radda: Tigray waxaa sii maamuli doona dowladda federaalka

    Getachew Radda
    Qoraalka sawirka, Getachew Radda

    Gobolka Tigray ayaa sii ahaan doona mid hoos yimaada taliska dowladda federaalka, doorashooyinna waa laga qaban doonaa kaddib markii hoggaamiyeyaasha Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ay ka baxeen magaalooyin dhowr ah oo gobolka ka tirsan, oo ay ku jirto caasimadda Mekelle, sida uu sheegay Getachew Radda.

    Getachew, oo hore u soo noqday madaxweynaha maamulka gobolka Tigray, haddana ah la-taliyaha ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika, ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu afka Tigrinya ku siiyay telefishinka TBS.

    Getachew Radda ayaa gobolka ku laabtay sannad iyo bar kaddib markii lagu qasbay inuu ka baxo Mekelle, sababo la xiriiray loollan awoodeed oo dhexmaray saraakiisha TPLF.

    Ciidamada TPLF ayaa horay ula wareegay garoonka diyaaradaha Alula Abba Nega ee Mekelle iyo laba garoon diyaaradeed oo kale oo ku yaalla gobolka.

    Getachew ayaa diyaarad ku tagay Mekelle maalintii ugu horreysay ee ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Tigray Peace Forces (TPF) ay la wareegeen magaalooyin dhowr ah oo gobolka ku yaalla, oo ay ku jirto Mekelle.

    Gobolka Tigray waxaa maamul ku-meel-gaar ah lagu maamulayay kaddib heshiiskii Tigray. Hase yeeshee, bishii April ee sannadkii hore, saraakiisha TPLF ayaa meesha ka saaray maamulkii ku-meel-gaarka ahaa, waxayna dib xukunka ugu soo celiyeen maamulkii jiray dagaalka ka hor.

    Arrintaasi waxay sababtay in xiisad muddo lix bilood ah u dhexeysay dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ay isu beddesho dagaal. Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya iyo kuwa ay xulafada yihiin ee TPF ayaa hadda gacanta ku haya inta badan gobolka Tigray.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. Shiinaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarrada garoonka diyaaradaha ee Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Mao Ning
    Qoraalka sawirka, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Mao Ning

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Isniintii cambaaraysay weerarrada lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh.

    Mao Ning, oo ah afhayeenka wasaaradda, ayaa Isniintii wariyeyaasha kula hadashay magaalada Beijing, iyadoo sheegtay in dowladda Shiinuhu ay “walaac xooggan” ka muujinayso sii kordhaya colaadda.

    Weerarrada lagu qaaday garoonka diyaaradaha Riyadh ayaa Axaddii sii socday.

    Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in hal qof uu dhintay, halka 11 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Xuutiyiintu Axaddii ku qaadeen garoonka weyn ee caalamiga ah ee caasimadda Riyadh.

    Wuxuu ahaa weerarkii saddexaad ee dhimashada sababa ee garoonka lagu qaado muddo afar maalmood gudahood ah. Weerarkii Sabtidii ayaa waxaa ku dhintay 13 qof.

    Ku dhowaad dhammaan duulimaadyadii garoonka ayaa la baajiyay. Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iiraan ayaa uga digay shirkadaha diyaaradaha iyo dadka safarka ah inay isticmaalaan hawada Sacuudiga.

    Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay bartilmaameedsadeen garoonka diyaaradaha Dammam ee bariga Sacuudiga iyo xarumaha shidaalka ee dalkaas.

    Afhayeen u hadlay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in ciidamada isbahaysigu ay qabteen oo burburiyeen dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo gantaallo ay Xuutiyiintu soo rideen, kuwaas oo laga adeegsaday meelo kala duwan oo dalka ah.

    Dhanka kale, Hay’adda Duulista Hawada ee Mareykanka (FAA) ayaa shirkadaha diyaaradaha ee Mareykanka kula talisay inay taxaddar muujiyaan marka ay u duulayaan Sacuudiga ama ay dul marayaan hawadiisa.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. 5 talo oo ay dhallinyaradu ku daryeeli karaan maqaarkooda - khuburo ayaa soo jeedisay

    Dheeha Jirka
    Qoraalka sawirka, Dheeha Jirka

    Baraha bulshada waxay sii xoojiyeen dadaalka dhallinayarada ku doonayaan in ay yeeshaan "maqaar si buuxda nadiif u ah" iyagoo isticmaalaya habab kala duwan.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  12. Shil ka dhacay galbeedka Turkiga oo ay dad ku dhinteen

    Sawirro laga qaaday hawada oo ku saabsan goobta shilka
    Qoraalka sawirka, Sawirro laga qaaday hawada oo ku saabsan goobta shilka

    Ugu yaraan 11 qof ayaa dhintay, halka 27 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii bas iyo gaari xamuul ah ay isku dhaceen galbeedka dalka Turkiga.

    Xafiiska guddoomiyaha gobolka Manisa ayaa sheegay in shilku ka dhacay meel u dhow halka laga galo waddo weyn oo isku xirta magaalada dalxiiska ee Bursa iyo magaalada dekedda leh ee Izmir.

    Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, Mustafa Çiftçi, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in shaqaalaha gurmadka si degdeg ah loogu diray goobta shilka, isaga oo intaas ku daray inuu si dhow ula socdo xaaladda.

    Wakaaladda wararka ee Turkiga ee DHA ayaa baahisay sawir laga qaaday goobta shilka, kaas oo muujinayay baska oo ku rogmaday xayndaabka waddada dhinaceeda, muraayadda horena ay burburtay.

    Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in labada darawal ee baska iyo gaariga xamuulka ah la xiray, iyadoo baaritaan lagu hayo shilka. Weli lama shaacin xaaladdooda caafimaad.

    Wargeyska Hürriyet ee Turkiga ayaa sheegay in baaritaannadii horudhaca ahaa ay muujinayaan in gaariga xamuulka ah, oo u muuqday gaari jiida baabuurta kale, uu u badan yahay inuu ku socday jihada ka soo horjeedda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Mareykanka oo shirkadaha diyaaradaha uga digay khataraha duulimaadyada hawada Sacuudiga

    Diyaarad
    Qoraalka sawirka, Diyaarad

    Hay’adda Duulista Hawada ee Mareykanka (FAA) ayaa shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas uga digtay inay taxaddar muujiyaan marka ay u duulayaan Sacuudiga ama ay dul marayaan hawadiisa.

    Hay’addu waxay sheegtay in digniinta ay sabab u yihiin khataraha amni ee ka dhashay hawlgallada milatari ee socda iyo carqaladaha ku yimid nidaamyada hagista diyaaradaha, iyadoo xaaladda hadda jirta ku tilmaantay mid “khatar keeni karta”.

    Digniintan oo dhaqan gal ah ilaa 10-ka December ayaa timid kaddib weerarro Sabtidii iyo Axaddii lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh. Weerarkii Sabtidii ayaa waxaa ku dhintay 13 qof, halka in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

    FAA ayaa sheegtay in khataruhu ay halis gelin karaan diyaaradaha joog kasta oo ay kuu duulayaan, oo ay ku jiraan marka ay dul marayaan hawada dalka, u soo dhawaanayaan garoomada si ay u degaan ama ay duulayaan. Digniintu waxay sidoo kale khusaysaa diyaaradaha ka diiwaangashan Mareykanka.

    Garoonka diyaaradaha Riyadh ayaa la filayaa inuu xirnaado ugu yaraan ilaa fiidnimada Isniinta, waqtiga bariga Mareykanka.

    Dhanka kale, shirkadda diyaaradaha ee Delta Air Lines ayaa qorshaynaysa inay 23-ka October bilowdo duulimaadyo toos ah oo isku xiri doona magaalada Atlanta ee Mareykanka iyo Riyadh.

    Ed Bastian, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda, ayaa horay u sheegay in go’aanka kama dambaysta ah ee bilaabista duulimaadyada lagu salayn doono arrimaha amniga.

    Delta ayaan weli ka jawaabin codsi faallo oo ay wakaaladda wararka ee Reuters ka gudbisay digniinta FA.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Shirkadda BP oo ka baaqatay shirweynaha caalamiga ah ee tamarta ee Riyadh

    Shirkadda shidaalka ee British Petroleum (BP)
    Qoraalka sawirka, Shirkadda shidaalka ee British Petroleum (BP)

    Weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga ayaa la filayaa inay saameyn dhaqaale oo weyn ku yeeshaan dalkaas. Shirkadda shidaalka ee British Petroleum (BP) ee laga leeyahay Britain ayaa ku dhawaaqday inay ka baaqatay ka qaybgalka shirweynaha tamarta ee Golaha Shidaalka Adduunka, kaas oo ka dhacaya Sacuudiga, kaddib weerar gantaal oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh.

    Inkasta oo weerarradu socdaan, haddana Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sheegtay in shirweynaha caalamiga ah ee tamarta ee Golaha Shidaalka Adduunka uu sidii loo qorsheeyay uga furmay Riyadh.

    Shirka ayaa soconaya 11-ka ilaa 15-ka Oktoobar, waxaana lagu qabanayaa xarun shirar oo qiyaastii 10 kiiloomitir u jirta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada.

    Meg O’Neill, oo ah madaxa fulinta ee BP, ayaa horay loogu daray liiska dadka khudbadaha ka jeedin lahaa shirka. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in BP ay dadaal kasta samaysay si ay uga qayb gasho munaasabadda, balse aysan awoodin inay shaqsi ahaan uga soo qaybgasho sababo la xiriira carqaladaha safarka.

    Wargeyska Financial Times ayaa sidoo kale, isaga oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah, sheegay in madaxda shirkadaha ExxonMobil, TotalEnergies iyo Shell, oo la filayay inay shirka ka qaybgalaan, ay iyaguna ka baaqdeen.

    Shirkadda Shell way ka gaabsatay inay faallo ka bixiso arrintan, halka TotalEnergies iyo ExxonMobil aysan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo faallo oo ay u dirtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Weerarkii Sabtidii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Riyadh ayaa waxaa ku dhintay 13 qof, halka in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Garoonka ayaa xirnaa tan iyo weerarkaas, waxaana saraakiisha Sacuudigu sheegeen in weerarka lagu dhaawacay dad kale.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Xiriirka la yaabka leh ee u dhaxeeya timaha cirroobay iyo Kansarka

    Cinrada
    Qoraalka sawirka, Cinrada

    Timaha cirroobay ayaa badanaa loo arkaa calaamad gabow. Waxa ay si muuqata noo xasuusisaa sannadaha socda iyo dhammaan isbeddelada jirka ee la socda. Balse cilmi-baaris dhowaan la sameeyay ayaa muujisay caqabad aragti fudud, iyada oo muujinaysa in timahaas qallinka u eg ay noqon karaan muuqaalo muuqda oo ka turjumaya hababka difaaca jirku leeyahay si uu uga hortago kansarka.

    faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  16. Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay dhexdhexaadinta wada-hadalka Sacuudiga iyo Yemen

    Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Ciraaqji, ayaa khadka taleefanka ugu sheegay dhiggiisa Sacuudiga, Faysal bin Farxaan, in Tehran ay diyaar u tahay inay fududeyso wada-hadal dhex mara Sacuudiga iyo Yemen.

    Tani waa xiriirkii ugu horreeyay ee la soo tebiyo ee dhex mara wasiirrada arrimaha dibadda labada dal, tan iyo markii ay sii kordheen weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadaan Sacuudiga.

    Xuutiyiinta ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dhowr weerar ku qaaday Sacuudiga.

    Weerar Sabtidii lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh ayaa waxaa ku dhintay 13 qof, halka in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

    Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Sacuudiga ka dhaca muddo ka badan toban sano.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo ay carruur ku jiraan ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

    Shaqaalaha IOM oo qaabilaya muhaajiriin meel u dhow Guhere, oo waqooyi ka xigta magaalada dekedda leh ee Obock.
    Qoraalka sawirka, Shaqaalaha IOM oo qaabilaya muhaajiriin meel u dhow Guhere, oo waqooyi ka xigta magaalada dekedda leh ee Obock.

    Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa ku dhintay kaddib markii doon ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Jabuuti, halka tobannaan qof oo kale weli la la’yahay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka.

    Doonta ayaa ka soo ambabaxday Jabuuti, iyadoo ku sii jeedday Yemen, waxaana saarnaa 305 qof markii ay rogmatay habeenimadii Khamiista, meel u dhow magaalada dekedda leh ee Obock.

    Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in ku dhowaad 82 qof la soo badbaadiyay.

    Alexandre Coissac, oo ah madaxa xafiiska IOM ee Jabuuti, ayaa musiibadan ku tilmaamay “xusuusin cad” oo muujinaysa khatarta ay muhaajiriintu wajahayaan marka ay raadinayaan nolol cusub meel kale.

    Hay’addu waxay sheegtay in sannad kasta tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika ay galaan safarkan khatarta badan, iyagoo rajaynaya inay gaaraan dalalka Khaliijka si ay uga helaan ammaan iyo shaqo.

    IOM ayaa Axaddii tirada dadka dhintay ka kordhisay 109 qof ilaa 139, kaddib markii la helay meydadka 30 qof oo kale.

    “Waa khasaare nafeed oo aad u murugo badan,” ayuu yiri Coissac.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  18. Digniin ka timid IRGC: Maraakiibta maraya Marinka Hormuz waxaa loo arki doonaa kuwo cadow ah haddii ay damiyaan nidaamyada lagu ogaado dhaqdhaqaaqa

    Taliyaha ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, Alireza Ozamai, ayaa ka digay in dhammaan maraakiibta damiya qalabkooda hagista iyo kuwa lagu ogaado maraakiibta kale ee maraya marin-biyoodka Hormuz loo aqoonsan doono kuwo “cadow ah”, isla markaana tallaabo adag oo go'aan leh laga qaadi doono.

    Dhanka kale, ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa marin-biyoodka Hormuz ku tilmaamay “khad cas oo la xiriira amniga qaranka iyo aalad ay Iiraan isku difaacdo”.

    Wuxuu sheegay in xayiraadaha lagu soo rogay marinkan ay jawaab u yihiin weerarrada milatari ee Mareykanka iyo Israa'iil.

    Wuxuu intaas ku daray in ka hor inta uusan dagaalku bilaaban aysan wax dhibaato ahi ka jirin isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, isagoo dalalka kale ugu baaqay inay baaraan sababaha keenay in Iiraan, sida uu sheegay, ay xayiraado ku soo rogto marinkan.

    Hossein Mohebi, oo ah afhayeenka xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka, ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalladii dhowaan dhacay, isagoo sheegay in ciidamadu ay sugayaan dagaalka kama dambaysta ah.

    Afhayeenku wuxuu farta ku fiiqay hawlgalkii fashilmay ee Bay of Pigs ee Cuba, kaas oo dhacay bishii APril 1961. Hawlgalkaas waxaa fuliyay xoogag mucaarad ahaa oo reer Cuba ah, kuwaas oo taageero ka helayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, iyagoo isku dayay inay xukunka ka tuuraan Fidel Castro.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Qiimaha shidaalka oo hoos u dhacay kaddib markii la shaaciyay heshiis suuragal ah oo Ruushka iyo Ukraine ay ku joojinayaan weerarrada xarumaha tamarta

    Qiimaha shidaalka ayaa Isniintii hoos u dhacay, iyadoo la filayo in sahayda Shidaalka iyo waxyaabaha laga sameeyo ee Ruushku suuqyada u dhoofiyo ay kororto, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaciyay in Ruushka iyo Ukraine ay ku heshiiyeen inay joojiyaan weerarrada ay isku hayaan xarumaha tamarta.

    Qiimaha Shidaalka cayriin ee Brent ayaa hoos u dhacay 1.54 doollar, oo u dhiganta 1.47%, isagoo gaaray 103.18 doollar halkii foosto.

    Sidoo kale, shidaalka cayriin ee West Texas Intermediate (WTI) ee Mareykanka ayaa hoos u dhacay 1.54 doollar, oo u dhiganta 1.68%, iyadoo gaartay 90.31 doollar halkii foosto.

    Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in Ruushku uu si degdeg ah suuqyada Mareykanka iyo kuwa caalamka u gaarsiin doono in ka badan 300,000 oo tan oo naafto ah, taas oo u dhiganta 2.25 milyan oo foosto.

    Sida uu sheegay Trump, Ruushku wuxuu bisha Nofeembar soo diri doonaa 500,000 oo tan oo kale, kaddibna hal milyan oo tan oo dheeraad ah.

    Trump ayaa sidoo kale Axaddii si lama filaan ah u shaaciyay in Ruushka iyo Ukraine ay ku heshiiyeen inay joojiyaan weerarrada ay ku qaadaan xarumaha tamarta ee dhinaca kale.

    Hase yeeshee, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu weli sugayo faahfaahinta heshiiska, halka Ruushku uusan weli ka hadlin arrintan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Tirada dhimashada ee ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyadh oo koradhay

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in muwaadin u dhashay Pakistan oo ku noolaa Sacuudiga uu ku dhintay, halka 11 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerar Axaddii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyadh.

    Marka lagu daro 13-kii qof ee lagu dilay weerarkii Sabtidii lagu qaaday garoonka, tirada guud ee dadka ku dhintay labada weerar ayaa gaartay 14 qof. In ka badan 300 oo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarkii Sabtidii.

    Hay’addu waxay intaas ku dartay in weerarkii Axaddii uu sidoo kale sababay burbur hantiyeed oo ka dhacay garoonka, iyadoo weli la qiimeynayo khasaaraha ka dhashay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: