TOOS, Iran iyo Mareykanka ayaa sii ballaarinaya weerarrada ay is-weydaarsanayaan

Wakaalado warar oo ku dhow ilo militari oo Iiraan ah ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay deegaannada ku dhow Sirik, Bandar Abbas iyo Jask.

Tebin toos ah

  1. Dab ka kacay baar ku yaalla Bangkok ayaa dilay ugu yaraan 27 qof

    Dab ka kacay Thailand

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dab ka kacay Thailand

    Ra’iisul wasaaraha Thailand ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen dab xooggan oo ka kacay baar ku yaalla Bangkok.

    Dab-damiyeyaasha ayaa goobta loo yeeray wax yar kaddib saqdii dhexe ee Axaddii. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in macaamiishu ay isku dayayeen inay ka baxsadaan albaabka hore, kaas oo dabku qabsaday, markii shaqaalaha gurmadku ay yimaadeen.

    Muuqaallo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa muujinaya holac ka baxaya gudaha dhismaha iyo haweeney ku dhacaysa dhulka iyadoo ay jirto jahwareer ka dhex dhacay dadkii isku dayayay inay baxsadaan, kaddibna kacaysa si ay uga cararto goobta.

    Ra’iisul Wasaaraha Thailand Anutin Charnvirakul ayaa wariyeyaasha kula hadlay goobta, wuxuuna sheegay in 27 qof ay dhinteen, halka dhowr kalena loo qaaday isbitaallo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in sababta dabka ay weli baaritaan ku socoto.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu la hadlay mid ka mid ah fannaaniintii ka tumaysay goobta markii uu dabku kacay. Sida uu sheegay, fanaanku wuxuu u sheegay in dabku markii hore ka billowday korontada, kaddibna xaaladdu si degdeg ah isu beddeshay.

    Baar-kan, oo Thailand looga yaqaan "Rong Bir Na Lat Phrao", wuxuu ku yaalla deegaanka Chatuchak ee Bangkok.

    Sida uu sheegay wargeyska Daily News of Thailand, waa mid ka mid ah xarumaha madadaalada iyo maqaayadaha caanka ah ee ku yaalla aaggaas ee caasimadda.

  2. Iran oo u digtay dalalka dariska la ah

    wasiirka arrimaha dibada iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, wasiirka arrimaha dibada iran

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa bayaan cusub kaga falcelisay weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka, waxayna uga digtay dalalka ku yaalla Gacanka Faaris in haddii ay la shaqeeyaan waxa ay ku tilmaantay "duullaanka militari ee ka dhanka ah Iiraan," ay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah oo ay beegsan karaan ciidamada qalabka sida ee Iiraan.

    Bayaanka ayaa waxaa daabacay wakaaladaha wararka ee rasmiga ah ee Iiraan subaxnimadii Isniinta, 12-ka Luulyo,

    "Iyadoo ay 25 maalmood oo keliya ka soo wareegtay saxiixii heshiiska lagu soo afjarayay dagaalka, nidaamka Maraykanku wuxuu si cad ugu tuntay ku dhowaad dhammaan qodobbadii heshiiskaas, wuxuuna galay dambiyo dagaal oo aad u culus isagoo weeraray kaabayaasha gaadiidka ee Iiraan, doomaha kalluumeysiga, maraakiibta xamuulka, xarumaha saadaasha hawada iyo dhismayaal kale."ayaa lagu yiri bayaanka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay i dalalka dariska ay waajib ku tahay in ay ka hortagaan duulaan laga soo qaado dhulkooda

    "Dalalka deriska ah waxaa waajib ku ah sharciga caalamiga ah inay ka hortagaan in dhulkooda ama xarumahooda loo adeegsado duullaan militari oo ka dhan ah Iiraan. Goob kasta oo laga soo abaabulo ama laga fuliyo weerarro ka dhan ah Iiraan waxay noqon doontaa bartilmaameed sharci ah oo ay beegsan doonaan weerarrada difaaca ee ciidamada geesiyaasha ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan."

    Dhanka kale, hay’adda cusub ee loo xilsaaray maamulka isu-socodka Marinka Hormuz ayaa sheegtay in weerarrada militari iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada Maraykanka ee biyaha Gacanka Faaris ay yihiin sababta loo hakiyay isu-socodka maraakiibta, waxayna ku dhawaaqday in Marinka Hormuz uu xirnaan doono ilaa amar dambe.