Bahrain ayaa cambaareysay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay ku qaadeen dalkeeda

Wakaaladda wararka ee Baxrayn ayaa sheegtay in dalkaasi uu cambaareeyay weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay ku qaadeen dhulkooda Sabtidii, waxayna sheegeen in dalku uu xaq buuxa u leeyahay inuu difaaco sharafta iyo ammaanka dhulkiisa.
Iran ayaa horay u sheegtay in ay weeraro ku qaaday saldhigyo lala xiriirinayo ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka, balse ma aysan sheegin halka ay duqeynta ka geysatay, mana aysan tilmaamin goobta la bartilmaameedsaday.


