Koobka Adduunka: Masar oo u gudubtay wareegga labaad, halka Ciraaq iyo Sacuudigu ay ku hareen wareegga koowaad

Xigashada Sawirka, Reuters
Maalintii ugu dambeysay ee wareegga koowaad, kooxda qaranka Masar waxay xaqiijisay inay u soo baxdo wareegga 32da kooxood ee Koobka Adduunka ee 2026, iyagoo noqday kooxdii labaad ee dalalka Carabta ah ee ka gudubta wareegga koowaad ka dib Morocco.
Toban kooxood ayaa laga reebay tartanka, halka 28 kooxood ay xaqiijiyeen inay u soo baxeen wareega labaad, taasoo ka dhigaysa afarta koox ee harsan in si rasmi ah loo go'aamiyo dhammaadka Sabtida, maalinta ugu dambeysa ee wareegga koowaad ee Koobka Adduunka oo lagu qabanayo Mareykanka, Canada iyo Mexico.
Masar oo soo baxday ka dib markii ay barbaro gashay

Xigashada Sawirka, Reuters
Masar ayaa u soo baxday wareegga labaad ee Koobka Adduunka ee FIFA iyadoo ka soo baxaday kooxda G, Belgium ayaa sidoo kale kasoo baxay kooxdaas.
Kani waa wareegii isreebreebkii ugu horreeyay ee Masar, ka dib markii ay ka qaybgashay koobkii Adduunka 1934, 1990 iyo 2018, waxayna la ciyaari doonaan Australia wareega xiga.
Masar waxa ay barbarra 1-1 ah la gashay Iran ciyaartii ugu dambeysay ee Group G, halka Belgium ay 5-1 kaga badisay New Zealand si ay ugu sarreyso farqiga goolasha ee group.
Masar, oo markii afaraad ka qaybgashay tartanka isla markaana gaartay guusheedii ugu horreysay abid iyadoo ka adkaatay New Zealand wareeggii labaad ee heerka kooxaha, ayaa tirada dhibcaha ay haysato ka dhigtay shan dhibcood, halka Iran ay kaliya heshay saddex dhibcood oo saddex barbaro ah, halka New Zealand ay ku sii jirtay kaalinta afraad iyo tan ugu dambeysa iyadoo leh hal dhibic.
Mahmoud Saber, oo markii ugu horreysay ka qayb qaadanayay tartanka, ayaa hoggaanka u dhiibay Masar shan daqiiqo ka dib markii uu daba marsiiyay kubad uu uu soo tufay goolhayaha reer Iran Alireza Beiranvand, isagoo laaday kubad xoog leh oo lugta bidix ah taasoo dhex martay lugaha goolhayaha oo gashayna shabaqa.
.
Lix daqiiqo ka dib, daafaca Mohamed Abdel Moneim ayaa sababay rigoore khalad difaac oo uu ka galaya Mehdi Taremi, laakiin Mostafa Shobeir ayaa si cajiib ah u badbaadiyay rigooradii.
Ramin Rezaeian ayaa goolka barbardhaca u dhaliyay xulka Iran, oo markii toddobaad ka qayb qaadanayay Koobka Adduunka, daqiiqadii 14aad markii uu laad darba qabadsiiyay kubad xooggan oo Shobeir uu soo tufay .
Shoja Khalilzadeh ayaa dhaliyay gool dilaa ah waqtigii dhimashada, laakiin garsooruhu wuu diiday ka dib markii dib loo eegay muuqaalka sababtoo ah waxa uu ku jiray offside.
Cape Verde ayaa si lama filaan ah u celisay Sacuudiga oo ciyaaraha macasalaamesay

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cape Verde waxay sii waday inay qorto cutubyo ka mid ah taariikhdeeda markii ugu horreysay ee ay ka qaybgasho Koobka Adduunka ee FIFA, ka dib markii ay gaartay marxaladaha kala-baxa ka dib barbarra 0-0 ah oo ay la gashay Sacuudi Carabiya Jimcihii, iyagoo xaqiijiyay kulan ay la yeelan doonaan kooxda difaacaneysa koobka ee Argentina oo uu hoggaaminayo Lionel Messi.
Jasiiradda yar ee Atlantikada oo ay ku nool yihiin 500,000 oo qof oo ku nool Galbeedka Afrika ayaa ku qasabtay Sacuudi Carabiya inay barbarro goolal la'aan ah la galaan si ay u xaqiijiyaan kaalinta labaad ee kooxda H, una soo baxaan wareegga 32aadka, halkaas oo ay kula ciyaari doonaan Argentina garoonka Hard Rock Stadium ee Miami 3da Luulyo.
Kani wuxuu ahaa barbardhacii saddexaad oo xiriir ah oo ay Cape Verde sameyso, taasoo wadarta guud ka dhigaysa saddex dhibcood, iyadoo ka dambeysa kooxda heysata horyaalka Yurub ee Spain, kuwaas oo xaqiijistay kaalinta koowaad ee kooxda iyagoo 1-0 kaga badiyay Uruguay.
Sacuudi Carabiya ayaa ka baxday ciyaaraha iyadoo laba dhibcood ka heshay saddex kulan, tababaraha Giriigga, Giorgos Donis, ayaa yiri, "Ciyaartu ma fiicnayn, safarka laftiisa wuu adkaa laakiin wuu fiicnaa."
Wuxuu sii raaciyay: "Xaaladuhu waxay ahaayeen kuwo walaac leh, waana tan naga dhigtay inaan lumino xakamaynta inta lagu jiro ciyaaraha oo aynan helin kalsoonida aan rajeynaynay," isagoo carrabka ku adkeeyay in dhibaatada ciyaaraha "ay ahayd abuurista fursado," iyo in "khadadka weerarka aysan keenin (waxii laga filayay)."
Uruguay, oo ah horyaalkii laba jeer adduunka (1930 iyo 1950), oo la yaabay barbarihii Cape Verde ee 2-2 Axaddii hore ee ciyaartii labaad, ayaa macsalaameeyay tartanka ka dib markii ay heleenn laba dhibcood oo keliya.
Ciraaq ayaa ciyaaraha ka hartay ka dib olole niyad jab leh, halka Faransiisku uu soo bandhigay qaab ciyaareed weerar ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Xulka qaranka Faransiiska ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cusub oo cajiib ah, ka dib markii ay 4-1 kaga badiyeen Norway si ay u xaqiijiyaan kaalinta koowaad ee koxda sagaalaad.
Ousmane Dembele, oo ah ciyaaryahanka ku guuleystay Ballon d'Or, ayaa dhaliyay seddexleey qeybtii hore, iyadoo "Blues" ay sii wadeen bilowgoodii ugu fiicnaa iyagoo rikoor fiican leh.
Kahor ciyaarta, dareenku wax uu saarnaa bandhigga la filayey ee u dhexeeya weeraryahanka Faransiiska Kylian Mbappe iyo dhiggiisa reer Norway Erling Haaland.
Laakiin ciyaartaas weligeed ma dhicin ka dib markii tababaraha xulka qaranka Norway uu go'aansaday inuu xiddiga Manchester City kursiga keydka ku hayo.
Taa beddelkeeda, Dembele wuxuu iftiimiyay saaxiibkiis Mbappe, isagoo dhaliyay saddex gool 32-kii daqiiqo ee ugu horreeyay, taasoo wadada u xaareysa guusha isla markaana kor u qaaday tirada goolasha uu ka dhaliyay tartanka hadda socda, isagoo la mid ah Mbappe hal goolna ka dambeeya Messi.
Saaxiibkiisa Paris Saint-Germain, Desiree Douet, ayaa ku daray goolkii afraad waqtigii dhamaadka ciyaarta.
Faransiiska ayaa la ciyaari doona Sweden wareega 32-aad, halka Norway ay la ciyaari doonto Ivory Coast.
Senegal ayaa xaqiijisay booskeeda wareega 32-aad ee Koobka Adduunka, ka dib markii ay Jimcihii ka faa'iideysteen natiijooyinka wareega ugu dambeeya ee ciyaaraha Group G.
Ka dib guushii weyneyd ee ay ka gaareen Ciraaq Jimcihii, oo sidoo kale shan gool iyo eber ay ku dhaafeen, Senegal waxay ka faa'iideysatay farqiga goolasha +2 si ay u xaqiijiso booskeeda siddeedda kooxood ee ugu sarreeya kaalinta saddexaad.
Senegal waxay ku dhameysatay kaalinta saddexaad ee kooxda 9 iyadoo leh saddex dhibcood, ka dib bilow gaabis ah oo ay ku lumisay France 1-3 ka dibna Norway 2-3.
"Maanta aad bay u adkeyd ka dib markii lana siiyay kaarka casaanka waqt hore," ayuu yiri tababaraha reer Australia Graham Arnold, oo ah tababaraha Ciraaq, ka dib markii kooxdiisa si rasmi ah looga saaray saddex guuldarro markii ay kala kulmeen Koobka Adduunka markii labaad tan iyo 1986. "Markaad sameyso khaladaadka aan sameynay, waxaad heleysaa ciqaab Koobka Adduunka ah. Waxaan ku jirnay koox aad u adag halkan. Waxaan si fiican u ciyaarnay laba ka mid ah saddexdii kulan."
Wuxuu sii raaciyay, "Waxay ahayd safar xiiso leh, waxaana rajeynayaa in ciyaartoydu ay ku laabtaan dalalkooda iyagoo khibrad wanaagsan leh. Hadda waxay barteen waxa ay u baahan tahay inay la ciyaaraan ciyaaryahankan oo kale. Taageerayaashu aad bay u qaylinayeen waxayna siiyeen taageero aad u weyn. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan fursaddan siinay inay ku raaxaystaan Koobka Adduunka."













