Trump oo yiri 'Waan jeclahay sicir-bararka' iyadoo qiimaha badecadaha Maraykanku uu aad sare ugu kacay saddex sano gudahood

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Archie Mitchell
- Role, Weriyaha ganacsiga
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay, "Waxaan jeclahay sicir-bararka", kaddib markii tirokoob rasmi ah uu muujiyay in qiimaha badeecadaha iyo adeegyada ee Maraykanka uu bishii hore kor u kacay heerkii ugu sarreeyay ee saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Tirooyinka ay soo saartay hay'adda tirokoobka shaqada ee bisha May ayaa muujiyay in qiimaha badeecadaha ay kordheen 4.2% marka loo eego 12-kii bilood ee ka horreeyay. Heerka kororka, oo ahaa 3.8% bishii Abriil, waxaa horseeday kororka kharashaadka tamarta ka dib dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran.
"Waan jeclahay. Tirooyinku aad bay u fiicnaayeen. Ma ogtahay waxa aan runtii jeclahay? Waxaan jeclahay sicir-bararka," ayuu Trump ku sheegay Aqalka Cad.
Hase yeeshee, wuxuu ballan qaaday in qiimaha kor u kacay uu "u soo degi doono si degdeg ah" marka dagaalka lala jiro Iran uu dhammaado.
Maraykanka iyo Iran ayaa maalmahan dambe mar kale isweydaarsaday weerarro.
Trump ayaa markii dambe u sheegay wargeyska New York Post in hadalladiisii si khaldan loo fasiray, isaga oo sheegay inuu ula jeeday inuu ku faraxsan yahay in sicir-bararku aanu ka sarreyn intii la filayay.
"Waxaan jeclahay tirooyinka sicir-bararka sababtoo ah waxa aan ka hadlayo," ayuu Trump u sheegay New York Post. "Tirooyinku waxay noqon doonaan kuwo aad u wanaagsan, sababtoo ah waxa muuqda ayaa ah in inkastoo aan ku jirno dagaal, haddana tirooyinku aad uga hooseeyaan sidii la filayay. Marka aan ka baxnona dagaalkaas, tirooyinku waxay gaari doonaan heer ka hooseeya xitaa kuwii ay ahaayeen ka hor intaanu dagaalku bilaaban."
Faallooyinkiisii hore ee uu kaga jawaabayay xogtii ugu dambeysay ee sicir-bararka, madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay habeenkii fuliyeen hawlgallo ay ku qabsadeen "malaayiin foosto" oo saliid ah oo laga leeyahay Iran, taas oo uu sheegay inay gacan ka geysatay hoos-u-dhac yar oo ku yimid qiimaha saliidda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Marka uu khilaafkan dhammaado… waxaad arki doontaan qiimaha saliidda oo ku noqda halkii uu joogay ka hor," ayuu u sheegay saxafiyiinta gudaha Aqalka Cad.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay safar uu ku tagay Iowa horraantii 2026, isaga oo sheegay inuu arkay shidaalka baabuurta oo lagu iibinayo $1.85 halkii gallon, wuxuuna intaas ku daray in "aan si dhakhso ah ugu laaban doonno heerarkaas."
Si kastaba ha ahaatee, qiimaha tixraaca caalamiga ah ee saliidda, Brent crude, ayaa weli lagu kala iibsanayaa heer aad uga sarreeya kii uu joogay ka hor dagaalka.
Arbacadii waxay ahayd bishii saddexaad oo xiriir ah ee qiimaha badeecadaha ee Maraykanku kor u kacaan, iyadoo qoysaska ay kusii kordhayaan culayska dhaqaale ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya United States iyo Israel ee ka socda Iran.
Trump ayaa hore u sheegay in sicir-bararku uu si ku-meel-gaar ah u kordhayo oo keliya, isla markaana uu filayo inuu si degdeg ah hoos ugu dhaco marka dagaalku dhammaado.
Sicir-bararku weli aad ayuu uga hooseeyaa heerkii ugu sarreeyay ee 9.1% ee la diiwaangeliyay xilligii madaxweynihii ka horreeyay, Joe Biden, bartamihii sannadkii 2022.
Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay Trump u abuureysaa caqabad siyaasadeed, maadaama codbixiyayaashu ay dhaqaalaha u arkaan mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ka hor doorashooyinka dhexe ee la filayo bisha Noofambar.
Kororka sicir-bararka wuxuu kordhiyaa suurtagalnimada in Federal Reserve ay sare u qaaddo dulsaarka si loo yareeyo kharashaadka iyo isticmaalka.
Guud ahaan, biilasha tamarta oo ay ku jiraan gaaska iyo korontadu waxay bishii May ahaayeen ku dhowaad rubuc (25%) ka sarreeya sidii ay ahaayeen sanad ka hor, iyadoo shidaalka baabuurta uu qayb weyn ka qaatay kororkaasi.
Habeenkii Arbacada, ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay weerarro ku qaadeen Iran markii labaad laba maalmood gudahood.
Labada dhinac ayaa toddobaadkan isweydaarsanayay weerarro, inkastoo xabbad-joojin ay dhaqan gashay bishii Abriil. Khilaafkan ayaa billowday in ka badan saddex bilood ka hor.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tirooyinka ay soo saartay hay'adda tirokoobka shaqada ee Mareykanka ayaa sidoo kale muujiyay kororka ku yimid kharashaadka tigidhada diyaaradaha, daryeelka shakhsiga ah iyo caafimaadka, madadaalada, iyo adeegyada isgaarsiinta.
Consumer Price Index (CPI) waa cabbir lagu oggaado inta ay qiimayaashu kor u kaceen bil gaar ah marka loo barbardhigo isla bishaas sanadkii ka horreeyay. Bartilmaameedka muddada dheer ee sicir-bararka ee Federal Reserve waa 2%.
Dhaqaalyahannadu waxay ka digeen in xitaa haddii dagaalka Iran si degdeg ah loo soo afjaro, ay suuragal tahay inay gaarto ilaa 2027 ka hor inta aan dib loo soo celin qulqulka caadiga ah ee badeecadaha mara Strait of Hormuz.
Trump, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ololihiisii doorashada 2024 ku ballanqaaday in dhimista sicir-bararku ay noqon doonto udub-dhexaadka ajandihiisa siyaasadeed.
Laakiin hadalkiisii Arbacadii oo u muuqday inuu taageerayo kororka qiimaha ayaa waxaa si weyn uga faa'iidaystay mucaaradkiisa.
Trump ayaa sidoo kale bishii hore la kulmay dhaleeceyn kaddib markii uu sheegay inuusan "xitaa wax yar" saameyn uga qaadanayn xaaladda dhaqaale ee dadka Maraykanka marka ay timaaddo xaqiijinta in Iran aysan horumarin hub nukliyeer ah.
Dhaqaalyahannadu waxay filayaan in dulsaarku uu sii joogi doono heerkiisa hadda oo u dhexeeya 3.5% iyo 3.75% bisha soo socota. Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digeen in haddii ay sii muuqato caddeyn muujinaysa in sicir-bararku weli sarreeyo, Fed lagu qasbi karo inay kor u qaaddo dulsaarka.
Stephen Brown, oo ah dhaqaaleyahanka sare ee Waqooyiga Ameerika ee Capital Economics, ayaa sheegay in kororka sicir-bararka ee bisha May kaligiis aanu "ku filnayn inuu siiyo caddeyn xooggan" xubnaha guddiga dejinta dulsaarka ee Fed ee doonaya in dulsaarka la kordhiyo.
Laakiin Isaac Stell, oo ah maamulaha maalgashiga ee Wealth Club, ayaa sheegay in kororka dulsaarku uu yahay "gabagabada ugu macquulsan marka la eego xogta maanta iyo tirooyinkii xooganaa ee shaqooyinka ee toddobaadkii hore."















