Tartanka hubka: 10-ka dal ee hubka ugu badan soo dejista Afrika ee ka hooseysa Saxaraha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.
Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.
10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.
Nigeria
Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.
Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.
Senegal
Senegal waxay sameysay horumar muuqda oo dhinaca awoodda militariga ah, iyadoo maalgelisay 298.46 milyan. Dalabkeeda hubka waxaa lagu qiyaasay 8.8% hubka ay soo iibsatay.
Waxay noqotay waddanka labaad ee ugu weyn gobolka dhinaca soo dejinta hubka, iyadoo iibsatay maraakiib ciidan iyo kuwa gantaallada. Waxaa loogu talagalay ilaalinta xeebaha iyo kormeerka shidaalka iyo gaaska badda hoosteeda, iyo sidoo kale diyaarado loogu talagalay ilaalinta hawada dalka.
Senegal waxay sidoo kale soo iibsatay gantaallo lidka maraakiibta, gawaarida gaashaaman iyo madaafiic. Dalalka ay Senegal hubka ka soo iibsatay waxaa ka mid ah France, Bulgaria, Shiinaha, Koonfur Afrika, Indonesia, Denmark, Italy, Germany, Mareykanka, Turkey, Spain iyo Canada.
Mali
Ciidamada qalabka sida ee Mali ayaa si degdeg ah u kordhay laga soo bilaabo sanadkii 2020-kii. Dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan ayaa keenay in awoodda militeri ee Mali ay kororto.
Mali waxay noqotay waddanka saddexaad ee soo dajistay hubka ugu badan qaaradda Afrika gaar ahaan dalalka ka hooseeya Saxaraha. Waxay hubka ku maalgelisay 272.17 milyan taas oo u dhigan 8% hubka laga soo dajiyay Afrika.
Waxaa xusid mudan in Mali ay beddeshay xulafadeeda militari, iyadoo xiriir dhow la yeelatay Ruushka kaddib khilaafkii soo kala dhexeeyay iyaga iyo France. Mali waxay soo dejisay gawaarida gaashaaman, gaadiid qaada ciidamada, diyaarado, drones, madaafiic culus, gantaallo iyo qalab kale.
Itoobiya
Sababo la xiriira xiisadaha gudaha ee ka dhashay colaadda Tigray, Itoobiya waxay si sii kordhisay iibsashada drones-ka iyadoo si weyn ugu tiirsan.
Waxay soo iibsatay diyaarado dagaal, drones, madaafiic, gawaarida gaashaaman, gaadiidka ciidamada qaada, iyo diyaaradaha tababarka iyo dagaalka.
Dalalka ay Itoobiya hubka ka soo iibsatay waxaa ku jira Ruushka, Turkiga, Iran, Mareykanka, Imaaraatka Carabta iyo Bosnia. Qiimaha guud ee ay ku soo iibsatay hubka ayaa gaaraya 172.85 milyan
Angola

Xigashada Sawirka, Getty Images
Angola, oo muddo dheer dagaallo ka jireen, ayaa si joogto ah ilaa shan sano ah u soo iibsaneysay hub. Qiyaas ahaan 4.7% ayey ku soo iibsatay hubka. Angola waxay mudnaan siisaa ilaalinta xeebaha iyo maamulka hawada dalka.
Waxyaabaha ay soo iibsatay waxaa ka mid ah matoorro diyaaradeed iyo doomaha ciidamada. Lacag gaareysa 160.3 milyan ayey ku bixsay hubkaas. Dalalka ay ka soo iibsaty huba waa Spain, Belarus, France iyo Canada.
Kenya
Kenya waxay wajahaysaa xaalad amni oo adag, gaar ahaan xuduudaheeda, iyadoo ay dib u soo laba kacleeyeen dambiyada iyo weerarada kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan waqooyi-bari, xeebaha iyo Nairobi.
Si arrintaas ay wax uga qabato waxay Kenya soo iibsatay hub lagu qiyaasay qiimahiisu 140.62 milyan.
Waxay soo iibsatay gaadiidka ciidamada qaada, diyaarado, gantaallada meelaha fog gaara, drones-ka Bayraktar TB-2 iyo noocyo kala duwan oo helikobtaro ah, oo ay ku jiraan nooca loo yaqaan Hughes-500D. Wadamada ay hubkan ka soo iibsatay ayaa kala ah Imraatka Carabta, Germany, Israel, Turkey, Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Mauritania
Inkasta oo Mauritania ay ka mid tahay dalalka xasilloon ee Saaxil, haddana waxaa dalka soo wajahay khataro argagixiso oo ka jira xuduudaheeda waqooyi iyo bari, gaar ahaan dhulka u dhexeeya Algeria iyo Mali. Mauritania waxay soo iibsatay hub qiimihiisu gaarayo 134.36 milyan.
Waxay soo iibsatay gantaallada lidka taangiyada, gaadiidka ciidamada qaada, gaadiid kale, gantaallada difaaca iyo kuwa wax lagu weeraro, drones-ka wax basaasa iyo gawaarida gaashaaman.
Burkina Faso
Burkina Faso waxay muddo sanado ah ku jirtay dagaal iyadoo weeraro ay kaga imaanayeen kooxaha jihaad-doonka taas oo sababtay dhimasho badan iyo barakac shacab.
Burkina Faso waxay soo iibsatay bambooyin, gantaallo, gawaarida gaashaaman, hubka culus, diyaarado, helikobtaro dagaal, madaafiic, drones-ka Bayraktar TB-2 iyo gantaallo kale oo badan. Guud ahaan waxay hubka ku soo iibsatay 127.64 milyan.
Ivory Coast
Inkasta oo koonfurta dalka ay amni ahaan xasilloon tahay, Cote d'Ivoire waxay si dhow ula socotaa gobolladeeda waqooyi ee xuduudka la leh Burkina Faso iyo Mali, halkaas oo ay ka jirto khatar joogto ah oo kaga imaaneysa kooxaha jihaad- doonka. Dowladda waay ku bixisay hubka lacag gaareysa 120.33
Ivory Coast waxay soo iibsatay helikobtarada fudud ee AS-350 iyo H-125 ah, helikobtarada dagaal, gawaarida gaashaaman, iyo doomaha ilaalada xeebaha.
Rwanda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Rwanda waxay kordhisay awooddeeda difaaca hawada, iyadoo soo iibsatay hub lagu qiyaasay 3.5% wadarta guud. Lacag gaareysa 118.73 milyan ayey ku bixsay hubkaas.
Noocyda hubka ay soo iibsatay Rwanda waxaa ka mid ah helikobtarada dagaalka, gawaarida gaashaaman, gantaalada lidka diyaaradaha iyo qalab kale.












