'Baangado ayay la soo baxeen' - dad ay Soomaali ka mid tahay oo ka walwalsan waqtiga loo qabtay inay isaga baxaan Koonfur Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Koonfur Afrika ayaa noqotay meel colaadeed u noqtay dadka soo galootiga ah ee sharciyada haysan, iyadoo ay soo dhawaatay waqtigii ay mudaaharaadayaashu u qabteen inay dalkaas isaga baxaan soo galootiga.
Soomaali ayaa ka mid ah dadka soo galootiga ah ee wajahaya xaaladaan, kuwaa oo walwal badanka muujinaya waqtiga loo qabtay.
"Soomaalida cabsidu waa haysaa, dad badan oo sharciyo aan lahayn waa jiraan, dad sharciyo lehna waa jiraan," ayuu yiri Cabdullaahi Macalin Xoogsade oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Soomaalida Koonfur Afrika.
Waxa uu sheegay in dad 'badan' oo wadamadoodii ku laabtay ay jiraan, balse kuwa kale ay wali ku sugan yihiin gudaha dalka, walwalka ku aadan waqtiga la qabtayna uu sarreeyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ganacsiyi ay Soomaalida qaar ku laghaayeen gudaha dalka ay booqdeen xubno ka socda dowladda kuwaa oo wax ka su'aalay nidaamka ay u mareen furashada ganacsiyada.
"Aad ayuu u saameeyay Soomaalida, hadii ay deegaan tahay iyo hadii ay ganacsi tahayba," ayuu yiri Cabdullaahi oo u waramayay BBC-da.
Tan iyo markii ay kooxaha shisheeye nacaybka ah ay u qabteen soogalootiga waqtiga, ayay waxay cabashooyin u gudbiyeen dowladda, kuwaa oo sida uu sheegay Cabdullaahi ay dowladdu ka hadashay shalay iyada oo ay sheegtay in 'cidina aysan sharciga gacmaha ku qaadin karin', kadibna ay dowladda haatan bilowday howlgallo waawayn oo sida uu sheegay ay ku beegsanayaan dadka aan sharciga lahayn.
"Dowladdu sida ay sheegtayba, baaq ay shalay dadka u dirtay ayaa jiray oo ay tiri 'cabashadiinii waa na soo gaartay, waana ka jawaabaynaa'. Marka, waa jawaabtii", ayuu yiri Cabdullaahi.
Waqtiga doorashada Koonfur Afrika oo soo dhow ayuu aaminsa yahay Cabdulaahi in ay ku qasabayso dowladda in ay soo faragaliso arrinta.
"XIlliga hadda lagu jiro, soorashada dowladaha hoose ee Kunfur Afrika waa November-ta nagu soo aadan. Marka, ururadaan iyo waxaan waxaa ka dambeeya olole iyo culays dowladda algu saarayo xisbiga dowladda, xisbiga madaxweynaha, iyaguna culayska ayay iska dajinayaan", ayuu yiri Cabdullaahi oo u waramayay BBC-da.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Aad ayaan u cabsanayaa waanan argagaxsanahay," Esnat Joseph, oo ah haweeney 36 jir ah oo u dhalatay Malawi, ayaa u sheegtay BBC-da xilli ay isku dayday in ay u qalbi qaboojiso cunugeeda oo oynaya oo hal sano jir ah.
Waxay ka qaxday gurigeeda oo ahaa deegaan aan rasmi ahayn oo ku yaal magaalada dekedda leh ee Durban, ee gobolka KwaZulu-Natal, iyada oo magangalyo ka raadsatay meel bannaan ah halkaas oo ilaa 7,000 oo ajaanib ah - oo u badan Malawi - ay bilaabeen inay alaabtooda ku urursadaan laba toddobaad ka hor.
"Dad ayaa ii yimid gurigayga, waxayna igu yiraahdeen: 'Waa inaad ka baxdaa, ma rabno inaad halkan sii joogtaan, markaa waa inaad aadaa dalkiinna." Waxay ahaayeen 10, waxayna wateen hub," ayay tiri, iyadoo ka hadlaysa sida ay kooxdan nimanka Koonfur Afrikaanka ah u haysteen baangado iyo jeedal.
"Waxay ninkaygii ku dhufteen madaxa iyo qoorta, qoorta ayay u hayeen sidii in ay doonaan inay dilaan, Ilaah dartiis wuu badbaaday, laakiin wuxuu ku jiraa isbitaalka."
Qaar kale oo badan oo ku sugan goobta, oo ay kooxaha gargaarku siinayeen bustayaal iyo cunto, ayaa ka warbixiya cabsi-gelinta guri guriga ah ee lagu sameeyay.
Waxay daba socotaa mudaaharaadyo isdaba joog ah oo badi kuwa nabadeed ah oo sanadkan ay hogaaminayeen kooxda ka soo horjeeda soogalootiga March to March, xisbiga mucaaradka ah ee Action SA iyo kuwa kale kuwaas oo 30 June u qabtay soogalootiga in ay tahay waqtiga kama dambaysta ah ee muhaajiriinta aan sharciga haysan.
Iyaga oo gacmaha ulo Kuwata ayaa banaanbaxayaashu waxay ku dhawaaqayeen "Mabahambe" - weer Zulu ah oo macneheedu yahay "Waa inay tagaan".
Iyada oo ay socdo waqtiga la qabtayaa, ayaa madaxweyne Cyril Ramaphosa uga digay dadka Koonfur Afrika talaadadii in "bartilmaameedsiga dadka nugul" aysan ahayn xalka caqabadaha dhaqaale ee kakan ee Koonfur Afrika.














