Maxaa Somaliland ka hor taagan in doorashooyinka lagu qabto wakhtigooda?

Cirro

Xigashada Sawirka, Youtube

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyay dib-u-dhigis lagu sameeyay doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo dhici lahaa bishan innagu soo aaddan ee May.

Muddada dib loo dhigay doorashooyinku waa laba sano.

Arrintani waxa ay ka dambaysay kaddib markii uu dhawaan dalbaday guddiga doorashooyinka ee Somaliland in la siiyo muddo 10 bilood ah oo ay uga gudbaan caqabado ay sheegeen in ay hor taagan yihiin in doorashooyinkaasi ay ku qabsoomaan muddadii loo asteeyay.

Falcellino kala duwan ayaa ka dhashay muddada la kordhiyay. Xisbiyada Mucaaradka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, falanqeeyayaasha iyo shacabka ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay arrintaasi.

Walaac laga muujiyay go'aanka guurtida

Guuleed Dafac

Xigashada Sawirka, Guuleed Dafac

Xamse Khayre Yuusuf, Agaasimaha Dalladda Rayidka ee Somaliland oo BBC-da la hadlayay ayaa si weyn uga hor yimid go'aanka Golaha Guurtida.

"Waxaan u aragnaa in ay ahayd muddo-kordhin laga baaqsan karay. Runtii aad baan uga xun nahay. Waa markii ugu horraysay ee Somaliland doorashooyinkeeda dib loo dhigo muddo intaas le'eg. Waxay u muuqataa in aanay jirin sabab dib loogu dhigi karay doorashada. Waxaanay na la tahay in hay'adaha dawladdu aanay gudan waajibkoodii. Waa muddo kor-dhin sharciga baalmarsan".

Guuleed Dafac oo ah sharciyaqaan ku sugan Hargaysa ayaa dhinciisa wax lala yaabo ku tilmaamay in aanay is waafaqsanayn caqbadaha ay sheegeen xukuumadda, komishanka doorashooyinka iyo go'aanka guurtidu.

"Dad badani way la yaabeen in ay aad u kala fog yihiin muddadii uu komishanku codsaday iyo midda la kordhiyay. Shacabkuna walaac ayay ka muujiyeen".

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay in aanay ka madhnayn siyaasad maaddaama mar kasta oo golayaasha la kordhiyo ay badan tahay suurtagalnimada lagu kordhin karo muddo-xileedka madaxweynaha.

Muxuu ka yidhi Xisbiga Kulmiye?

Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaan isagu dhinacaa war rasmi ah ka soo saarin sida ay ula muuqato arrintan. Waxaase ay BBC-da u xaqiijiyeen in ay jiraan shirar xisbiga u socda oo ay dhacdadan kaga arrinsanayaan.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii xisbigaasi uu soo saaray talo soo jeedin ka kooban afar qodob u dhignaa:

In loo daayo muddada sida ay ku soo taliyeen Komishanka Doorashooyinka iyo muddo kordhin ka baxsan xadka uu Komishanku ay halis gelin karto kalsoonida shacabka,

Waxa kale oo ay sheegeen in go'aan kasta oo aan ku salaysnayn talada farsamo ee Komishanku uu horseedi karo muran siyaasadeed iyo in golaha Guurtidu, oo ah gole waayeel waajibaad dastuuri ahna leh ay lagama maarmaan tahay in ay siiyaan arrintan miisaanka ay leedahay.

Mowqifka Xisbiga Kaah

Maxamuud Xaashi

Xigashada Sawirka, Xisbiga Kaah

Xisbiga Kaah ayaa isagu soo dhaweeyay go'aanka ka soo baxay Golaha Guurtida. War-qoraal ah oo ka soo baxay maanta ayaa lagu yidhi:

"Talaabadan oo aanu u arragno mid aan u wanaagsanayn geeddi-socodka doorashooyinka Qaranku, ma ahayn mid iskeed u timi. Dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhintuba waa maxsuul ka dhashay go'aammadii ku suntanaa is-bedbedelka ee ay muddo sannad ah qaadanayeen xukuumadda Xisbiga Waddani iyo Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, oo dhexdiisa uu ka jiro khilaaf siyaasaddeed".

"Ma qabo in ay jirto wax eed ah oo Golaha Guurtidu ku leeyihiin arrintan, maadaama Gole ahaan loo gudbiyey soo jeeddin aan markeedii horeba ku iman talo wadareed, iyo hannaan diiwaangelin oo heshiis lagu yahay. Mawqifka Xisbiga KAAH waa in dawga ugu habboon ee loo mari karo doorashooyin xor iyo xalaal ahi uu yahay hirgelinta diiwaangelin cusub oo dhammaystiran.

Maxaa sababay muddo kordhinta?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhawaan ayay ahayd markii war qoraal ah oo ka soo baxay komishanka Doorashooyinka Somaliland bishii February ee sannadkan lagu sheegay in sababaha dib loogu dhigay ay ka mid tahay abaaro baahsan oo ka jira gobollada dalka, kuwaas oo sababay barakac ballaadhan, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada miyiga, taas oo si toos ah u carqaladaysay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

Arrimo nabadgelyo oo ka taagan qaybo ka mid ah dalka, kuwaas oo u baahan tixgelin buuxda ka hor hirgelinta hawlaha doorashooyinka ayaa sidoo kale noqday qodob ay cuskadaan komishanku.

Tan saddexaad, waa kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo ku saabsan nooca iyo hannaanka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, taas oo qaadatay waqti dheer islamarkaana saamayn ku yeelatay jadwalkii hore loo qorsheeyey.

Isu gaynta arrintaasi ayaa gudiga doorashooyinku waxa ay dalbadeen in wakhtigii doorashada dib loo dhigo muddo 10 sano ah oo ka bilaabanaysa 31-ka bisha May ee sannadkan.

Maxaa hor taagan in doorashooyinka Somaliland ay wakhtigooda ku qabsoomaan?

Doorashooyinka Somalialnd

Xigashada Sawirka, Komishanka Doorashooyinka

Somaliland ayaa muddo dheer waxay martigelinaysay hannaanka doorashooyinka ee qof iyo cod oo ammaan badan kaga heshay dadyowga daneeya dimuqraadiyadda.

Balse arrimahaasi waxa mar kasta ku lammaanaa doorashooyinka oo aan ku qabsoomin muddadii loo asteeyay.

Tani ma aha markii ugu horraysay ee dib loo dhigayo doorashooyinka Somaliland oo ay ku jirto tan madaxweynaha oo marar badan muran dhalisay.

Guuleed Dafac ayaa qaba in dibu dhigista doorashooyinku ay dhibaato ku tahay hannaanka dimuqraadiyadda.

"Inta aan ogahay waa markii ugu horraysay ee dadka shacabka ah aqlabiyaddooda ay ka soo hor jeestaan go'aankan, taasina waxay muujinaysaa in ay ka daaleen arrimahan. Waxaana la gudboon in ay ku cadaadiyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso in doorashadu ay wakhtigeeda ku dhacdo" ayaa uu yidhi.