Maxay yihiin qodobada 'qadka cas' ee Iran ay ku cadaysay heshiiska ay la galayso Maraykanka?

Xigashada Sawirka, WANA/REUTERS
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiis macquul ah uu la geli doono Iran maalinta Axadda ah, halka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baqaie uu sheegay in aan wali la cayimin waqtiga heshiiska lala galayo Mareykanka, balse suurtagalnimada heshiiskan aan meesha laga saari karin maalmaha soo socda.
Sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baghai, "Saxiixa ma dhici doono Axadda, laakiin suurtagalnimada in la saxiixo maalmaha soo socda lagama saari karo meesha."
Dhinaca kale, sida au sgeegtay warbaahinta dawladda, Iran ayaa shuruudo cad ku xirtay heshiis kasta oo is-faham ah oo lala galo Maraykanka, kaas oo lagu tilmaamay 'khadka cas' ee Iran.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee IRNA, qaab-dhismeedka la soo jeediyay ayaa mudnaanta siinaya joojinta dagaalka, furitaanka marin biyoodka Hormuz, iyo soo celinta hantida Iran ee la qaboojiyay.
Qaabka la soo jeediyay ayaa dib u dhigay wadahadalada nukliyeerka ilaa marxaladaha dambe.
Ma waxaa jira wadahadalo socds?
Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa si taxadar leh uga jawaabtay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan suurtagalnimada heshiis is afgarad ah oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran, iyadoo sheegtay 12-kii June in qoraalka ugu dambeeya aan la sii deyn doonin ka hor inta aan si rasmi ah loo ansixin labada dhinac.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay 12-kii June, iyadoo soo xiganeysa ilo reer galbeed ah, in heshiiska is-afgaradka lagu saxiixi karo Geneva maalinta Axadda ah, balse qoraalka heshiiska ayaa la soo gabagabeynayaa.
Ismaaciil Baqai oo Sabtidii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Tehran aysan wali gaarin "gabagabo kama dambeys ah" oo heshiis ah, go'aan kastana la gaari doono kaliya marka ay dib u eegis ku sameeyaan hay'adaha Iran ee ay khusayso.
Muxuu yahay mustaqbalka nuclear-ka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Faahfaahinta ay sii daysay IRNA waxay ku tilmaamaysaa is-afgaradka inuu yahay qorshe laba weji ah.
- Joojinta dagaalka dhinac walba.
- Wadahadalo socda 60 maalmood oo diiradda lagu saarayo barnaamijka Nukliyeerka, qaadista cunaqabateynta, iyo magdhowga waxyeelada dagaalka.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Tehran aysan sameyn doonin wax ballanqaad ah oo ku saabsan arrimaha Nukliyeerka heshiiska bilowga ah ee isfahamka iyo in haddii qoraalka la saxiixo, barnaamijka Nukliyeerka ee Iran uusan isbedeli doonin.
Sida laga soo xigtay IRNA, wadahadal kasta oo xiga waxaa lagu fulin doonaa "mabaadi'da aasaasiga ah" ee ay dejisay Iran, oo ay ku jiraan xaqa tayeynta iyo in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay sii haysato walxaha tayeysan.
Mawqifka Iran waxa uu u muuqdaa mid ka hor imanaya mawqifka Israel.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in Israa'iil aysan qayb ka ahayn heshiis kasta oo is-afgarad ah oo lala galo Iran, waxayna doonaysaa in heshiis kasta oo kama dambays ah uu ka mid yahay ka saarista yuraaniyoomta tayaysan, burburinta xarumaha tayeynta, xayiraadda soo saarista gantaallada, iyo joojinta taageerada Iran ee kooxaha hubaysan ee gobolka.

Xigashada Sawirka, Hwawon Ceci Lee/Anadolu via Getty Images
Maxay muhiim u yihiin marinka Hormuz iyo Lubnaan?
Marinka Hormuz waa qodob kale oo muhiim u ah mowqifka Iran.
IRNA ayaa diiday sheegashada ah in Tehran ay wareejin doonto maamulka marin biyoodka ama ay ku soo celin doonto qabanqaabada xaaladdoodii dagaalka ka hor.
Waxa ay sheegtay in qabyo-qoraalka oo kaliya uu xusayo ku soo celinta caadiga ah ee dagaalka ka dib isu socodka badda, damaanad qaadka amniga ee xeebaha ah iyo dhamaadka waxa Tehran ay ugu yeertay xannibaadda sharci darrada ah ee Mareykanka iyo khatarta maraakiibta ganacsiga.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, Trump ayaa ku tilmaamay dib u furista marin biyoodka Hormuz natiijo muhiim ah oo ka soo bixi karta heshiis suurtagal ah.
Waxa ay soo xigatay ilo sare oo Iran ah oo sheegay in dukumentigan, cunaqabataynta saliida laga qaadi doono, balaayiin doolar oo dhaqaalaha oo Iran leedahay oo la xayiray la sii deyn doono, iyo dagaalka dhinac walba ah oo ay ku jirto Lubnaan, in la joojin doono.
Iyadoo tixraacaysa arrintan, IRNA waxay qortay in qabyo-qoraalka la soo sheegay uu si cad u xusayo Lubnaan, taas oo ku baaqaysa kaliya maaha in la kordhiyo xabbad joojinta laakiin sidoo kale in la joojiyo dagaalka.














