Shan arrimood oo ay ku talineyso haweeney aasaastay ganacsiyo waaweyn oo guuleystay
- Author, Yasmin Rufo
- Role, Weriyaha ganacsiga
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Magaca Marcia Kilgore waxaa laga yaabaa inuusan isla markiiba dadka badankood u muuqan mid la garan karo, balse summaddeeda Beauty Pie ayaa dunida oo dhan caan ku ah inay tahay mid wax weyn ka beddeshay waaxda is-qurxinta, iyadoo adeegsanaysa hannaan rukumasho ah oo keliya oo online-ka ku shaqeeya.
Ka hor intii aysan aasaasin Beauty Pie sannadkii 2016, Kilgore waxay hore u dhistay summado kale oo ay ka mid yihiin xarunta raaxada ee maalinlaha ah ee Bliss, khadka waxyaabaha la isku qurxiyo iyo daryeelka maqaarka ee Soap & Glory, iyo summadda kabaha ee FitFlop.
Halkan, haweeneydan ganacsatada ah ee 57-jirka ah waxay kugula wadaagaysaa sheekadeeda iyo shanta sir ee guusha ee ay baratay intii ay safarkan ku jirtay.
1. Uma baahnid qorshe qumman
Kilgore mar walba ma aysan ogeyn inay rabto inay noqoto ganacsato, balse intii ay soo koraysay waxay si toos ah u aragtay culayska ay keeni karto amni-darrada dhaqaale.
Waxay tiri: "Waxaan xasuustaa anigoo siddeed jir ah inaan go'aansaday in marka aan gaaro da'da waalidkay, aanan waligay rabin inaan ka walwalo bixinta biilka korontada."
Rabitaankaas ayaa qaabeeyey sida ay ugu wajahday shaqada iyo khatarta. Waxay tiri: "Waxaan ogaa in u shaqaynta dad kale aysan qasab ahayn inay i siiso xorriyadda aan doonayay, ugu yaraan marka aad tahay ganacsade, khatartu adiga ayay kuu gaar tahay."
Ma aysan ku bilaaban qorshe ganacsi oo weyn; waxay Canada uga guurtay New York si ay wax uga barato Jaamacadda Columbia, balse qorshihii ay ku bixin lahayd kharashaadka waxbarashada ayaa fashilmay, sidaas darteed waxay ku qasbanaatay inay shaqo hesho si ay nafteeda u dabbarto.
Waxay tiri: "Ma fadhiisan kartid adigoo is leh: 'Maxaan samaynayaa?' Waa inaad noolaataa. Waxaan ogaa iny tahay inaan isticmaalo xirfadaha aan haysto si aan naftayda u masruufo, ka dibna aan ogaado tallaabada xigta."
Waxay billowday inay ka shaqeyso tababare shaqsiyeed (personal trainer) isla markaana fiidkii qaadato casharro ku saabsan quruxda.
Waxay tiri: "Waxa ugu dambayntii dhacay waxay ahayd inaan aad ugu fiicnaaday shaqada waaxda quruxda," ugu dambayntiina waxay ka tagtay jaamacadda si ay u hiigsatp xirfad ku saabsan arrimahaas.
2. Si fiican u baro shaqada dhinac kasta

Xigashada Sawirka, Marcia Kilgore
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii ay ka shaqaynaysay saloonkeeda, Kilgore waxay sheegtay inay ku lug lahayd dhammaan dhinacyada ganacsiga, laga bilaabo dhaqidda dharka, samaynta adeegyada is-qurxinta, ilaa tababarka shaqaalaha.
Waxay sheegtay in waayo-aragnimadaas tooska ah ay aad muhiim ugu ahayd markii ay markii dambe furtay Bliss Spa ee London sannadihii 1990-meeyadii.
Waxay tiri: "Waxaan tababaray dad badan ka hor furitaanka goobta, laakiin markii aan markii ugu horreysay furnay aad ayay u mashquul u noqotay, qaar badan oo iyaga ka mid ahna way baqeen oo way iska tageen.
"Waxa wanaagsan ayaa ah inaan aqaan sida loo sameeyo xiiridda timaha hoose iyo daryeelka wejiga, sidaas darteed anigu waxaan qaban karay dhammaan ballamaha la ii qoondeeyey."
Taladeedu waa in qofku ganacsi ka bilaabo meel uu aqoon dhab ah u leeyahay.
Waxay tiri: "Waxaad rabtaa inaad yeelato khibrad iyo aqoon qoto dheer, si aadan ugu jahawareerin haddii dadku ku niyad jebiyaan ama ay dhacaan arrimo lama filaan ah oo dhinac kale kaa yimaada."
3. Su'aal geli oo tijaabi fikradahaaga

Xigashada Sawirka, Marcia Kilgore
Kilgore waxay ku talinaysaa in qofku is weydiiyo sababta ay dadku u danaynayaan fikraddiisa, isla markaana uu awood u yeesho inuu qiimaha fikradda ku sharraxo hal jumlad oo cad.
Waxay tiri: "Haddii aadan hal jumlad ku jawaabi karin su'aasha ah 'markaa maxaa faa'iido ah?', fikraddaadu weli ma ahan mid kugu filan."
Taasi macnaheedu ma aha in fikradda gebi ahaanba la iska daayo, balse waxay u baahan tahay in wax badan laga hagaajiyo si ujeeddadeedu si degdeg ah loo fahmi karo, ayay tiri.
Kilgore waxay sidoo kale ka digaysaa in la yeesho "eexda lahaanshaha", taas oo ah in qofku rumaysto fikraddu inay aad u fiican tahay kaliya sababtoo ah isaga ayay ka timid.
Waxay tiri: "Waxaa laga yaabaa inaad u malaynayso in wax aad samaysay ay aad u wanaagsan yihiin, laakiin waxaad ku dhex noolaan kartaa xumbo kuu gaar ah."
Taladeedu waa in qofku "fikraddiisa ku tijaabiyo suuqa uu bartilmaameedsanayo ka hor inta uusan aad ugu fogaan maalgelinta wax aan cid kale dan ka lahayn marka laga reebo isaga."
Waxay intaas ku dartay in sirdoonka macmalka ah (AI) uu hadda siinayo fursado waaweyn dadka bilaabaya ganacsigooda, maaddaama "aadan u baahnayn miisaaniyad weyn oo aad ugu kireysato la-taliyayaal."
Waxay tiri: "AI waxay kaa caawin kartaa inaad fikraddaada dib u eegto, kula dooddo, oo kugula taliso waxyaabaha ay tahay inaad tixgeliso kuwaas oo laga yaabo inaadan si cad u arkin."
4. Filo naf-hurnimo isla markaana naxariis yeelo
Markii ay billowday xirfaddeeda, Kilgore waxay ogaatay inay u baahan tahay inay noqoto "qof ay dadku jeclaanayaan inay la joogaan."
Waxay sheegtay inay muhiim tahay in qofku noqdo qof edeb leh, waqtiga ilaaliya, oo wanaagsan, maaddaama sifooyinkaas ay ka caawiyaan dhisidda kalsoonida iyo daacadnimada macaamiisha.
Waxay tiri: "Waxaan hubiyey inaan noqdo qofka ugu farxadda badan, ugu dadaalka badan, uguna hawlkarka badan ee qabta adeeggaas."
Waxay tiri: "Haddii aad shaqo aad u wanaagsan qabato, dadku way kuu soo jeedin doonaan kuwa kale," isla markiiba waxay furtay saloon is-qurxineed oo yar oo ballamihiisu buuxsameen bilo ka hor.
Waxay sidoo kale sharraxday in qofku u baahan yahay inuu "diyaar u ahaado inuu aad u duceysto" si uu ganacsigiisa u guuleysto.
Waxay tiri: "Ma heli doontid waqti badan oo firaaqo ah," maaddaama maamulidda ganacsi ay u baahan tahay inaad la socoto isbeddellada hab-dhaqanka macaamiisha, tartamayaasha cusub, iyo isbeddellada guud ee suuqa.
Taasi badanaa waxay ka dhigan tahay akhris, cilmi-baaris, iyo isku xirka fikrado cusub xitaa saacadaha ka baxsan shaqada.
Kilgore waxay sheegtay in culayska shaqadu uu fududaan karo haddii qofku leeyahay xiise iyo rabitaan wax-barasho, sababtoo ah "taasi ayaa ku dhiirrigelisa."
Si kastaba ha ahaatee, waxay leedahay waxyaabo aysan ka tanaasuli karin, waxayna dadaal gelisay inaysan seegin munaasabadaha muhiimka ah intii ay korinaysay carruurteeda, oo ay ku jiraan bandhigyada dugsiga iyo fasaxyada qoyska.
5. Samee tijaabada sariirta dhimashada
Tijaabo ay Kilgore adeegsatay intii ay ku jirtay xirfadeeda waa "tijaabada sariirta dhimashada", taas oo ah inay is weydiiso in mashruuc uu weli u muuqan doono mid qiimo leh marka ay nolosheeda dhammaadkeeda gaarto.
Waxay tiri: "Bal qiyaas inaad ku jirto sariirta dhimashada, ka fikir waxa aad jeclaan lahayd inaad si ka duwan u samayso, ka dibna samee taas."
Waxay sii tiri: "Haddii aysan wax macno ah kuu samaynayn, ama aadan wax wanaagsan u qaban dadka kale, ma dareemi doontaa in noloshaadu si dhab ah u ahayd mid waddada wanaagsan ku socotay?"
Waxay intaas ku dartay in guushu aysan iyada ula jeedin oo keliya dhisidda shirkad kale, balse ay tahay go'aaminta fikradaha mudan in la geliyo waqtiga iyo dadaalka ay qaadanayaan si loo hirgeliyo.















