Tobannaan sano ayey saaxiibo ahaayeen balse markii dambe waxaa la ogaaday in ay walaalo yihiin

Xigashada Sawirka, Reuters
Sheekadoodu waxay u eg tahay sheeko si toos ah looga soo qaaday filim Bollywood ah.
Labo haween ah oo asal ahaan Hindiya ka soo jeeda oo da'ada afartan ku jira ayaa markii ay dhasheen waxaa kala qaatay labo qoys oo kala duwan, waxayna ku koreen meel isu dhow dalka Netherlands. Hadda waxaa la ogaaday in ay walaalo yihiin.
Meena Geltink iyo Minal Tijssen, oo dhashay horraantii 1980-meeyadii, waxaa kala korsaday laba xarumood oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Mumbai ee galbeedka Hindiya.
Kulankoodii ugu horeeyay iyagoo dhowr iyo toban jir ah ayey ka qeybgaleen munaasabad ay qabatay hay'adda soo korsatay. Meena oo hadda 43 jir ah si weyn ayey u xusuusataa maalintaas.
"Dhammaan carruurtii la korsaday ayaa la isu keenay si ay u wada sheekaystaan, isbarteen, isku soo dhawaadaan, dabadeedna casho u wada cunaan."
Meena iyo Minal waxay lahaayeen saaxibo ogaaday sida ay labadoodu isugu egyihiin.
"Waxay dhaheen, 'Bal muraayadda isku fiiriya'. "Aniguna waxaan iri, 'Alla, sankeena isku ekaa! iyo qosolkeena'
"Intii cashadu socotay, mar walba iyada ayaan eegayay," ayay Meena u sheegtay BBC-da iyadoo ku sugan gurigeedaku yaal Netherlands.
Maalintii xigtay, gabdhuhu waxay is dhaafsadeen lambarro telefoon iyo cinwaanno, waxayna ballanqaadeen in ay xiriirka sii wadi doonaan.
Inkasta oo aanay jirin wax tilmaamaya in ay dhiig ahaan ehel yihiin, haddana xiriirkoodu markiiba wuxuu noqday mid xooggan. Muddo sannado ah ayay waraaqo isu qori jireen, badanaa midba tan kale waxay ugu yeeri jirtay "walaashay", sababtoo ah "sidaas ayey dareemayeen".
Waxay labadoodu isu qori jireen waraaqo ku saabsan iskuulka, saaxiibadood, wiilasha iyo ciyaaraha. Waxay ka hadli jireen isboortiga ay ciyaaraan iyo muusigga.
15 sano ka hor ayuu xiriirkooda go'ay. Minal waxay u guurtay Faransiiska halka Meena ay dhashay cunug sidaasina ay ku mashquushay.

Xigashada Sawirka, Meena Geltink
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sannadkii 2017, Meena waxay ka qayb gashay kulan kale oo ay yeesheen carruur laga soo qaatay Hindiya oo la korsaday. Halkaas ayay ka maqashay baaritaanka DNA-ga, waxayna go'aansatay in ay iyaduna samaysa baaritaan.
Laakiin waligeed ma helin qof DNA ahaan ay isku mid yihiin. Horaantii sanadkan ayay app-kii tirtirtay kaddib markii uu taleefoonka ka buuxsamay. 20-kii bishii May ayey Meena fariin ka heshay Facebook. "'Ma i xasuusataa?' ayay igu tiri.
Minal waxay baaritaanka DNA-ga samaysatay bishii April xili ay booqaneysa waalidkeed oo ku nool Netherlands.
"App-kii ayaan dib ugu soo celiyay taleefoonka. 10 jeer ayaa fure qaldan geliyay ka hor inta uusan ii furmin" ayey tiri Meena. Natiijada way iska cadeed. Boqolkiiba boqol isku mid ayaan noqonay.
"Waxaan helay walaashay, taas oo macnaheedu yahay in aan wadaagno hooyo iyo aabbe isku mid ah oo na dhalay," ayay Meena sheegtay.
"Waxay ahayd sida in cirbad laygu duray. Waan ooyay. Minal waxay ahayd qayb iga maqneyd ee aan muddada dheer sugayay. Waxaan isku yeeri jirnay walaalo.
"Baaritaanka DNA-ga wuxuu xaqiijiyay in dhammaan dareenkii iyo shakigii aan qabnay uu sax ahaa."
"Waxay ahayd wax cajiib ah. Waxay ahayd sidii qof gurigiisii ku soo laabtay," ayay tiri Meena, oo hadda ah hooyo leh saddex carruur ah.
Reuters oo ka warbixisay "dib-u-midoobiddooda" ayaa sheegtay in kulankooda ay hareeyeen "ilmo iyo qosol", kaddibna waxay wadagaleen sawirkoodii ugu horreeyay ee ay iska qaadaan.
Minal, oo 44 jir ah, kuna nool Faransiiska iyada iyo lammaaneheeda iyo labadeeda wiil, ayaa wakaaladda u sheegtay in markii natiijada DNA-geedu soo baxday bishii April, markii hore aysan garan in qofka ay DNA ahaan isku ekaadeen uu ahaa isla gabadhii dhallinyarada ahayd ee ku dhegtay markii ay 30 sano ka hor kulmeen.

Xigashada Sawirka, Reuters
Meena iyo Minal waxaa kala korsaday laba xarumood oo agoomeed oo kala duwan, waxaana korsaday laba qoys oo Dutch ah oo kala duwan.
Meena waxay sheegtay in ay ku kortay tuulo yar oo ku taalla Netherlands, iyadoo waalidkeed ay wax ka dhigi jireen dugsi gaar loo leeyahay.
Aabbaheed wuxuu dhintay dhowr sano ka hor, laakiin hooyadeed weli waxay ku nooshahay isla tuulada.
Sannadkii 2003-dii, iyadoo 19 jir ah, Meena waxay waalidkeed iyo walaalkeed oo isna laga soo qaatay gobolka Goa Hindiya booqdeen xaruntii agoonta ee Mumbai.
Waxay halkaas ku qaateen laba toddobaad iyagoo baarayay keydka qoraal ee yaalay halkaas, waxayna isku dayayeen in ay wax ka ogaadaan waalidkiid dhalay.

Xigashada Sawirka, Meena Geltink
Laga soo bilaabo bishii May, Meena iyo Minal maalin kasta ayey wadahadlayeen. Waxay isbareen lammaanayaashooda, carruurtooda, walaalahooda iyo waalidkooda.
"Qof walba wuxuu dareemaa sida aan jumladaha midba midka kale u dhammaystiro, sida aan madaxa u dhaqaajino ama sida aan isku si ugu soconno," ayay Meena tiri.
Hal arrin oo ay iyada iyo walaasheed "aad u jeclaan lahaayeen in ay sameeyaan", ayaa aheyd in ay ku noqdaan meeshii ay wax walba ka soo bilowdeen.
"Waxaan jeclaan lahaa in aan mar uun Hindiya wada tagno, oo aan si wadajir ah ugu dhex lugeyno waddooyinka Mumbai".















