Mareykanka oo baasaboorka kala laabanaya waaliddiinta aan bixin deymaha taageerada carruurta

Haweeney heysata baasaboor

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Sareen Habeshian
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay bilaabi doonto inay la noqoto baasaboorrada muwaadiniinta Maraykanka ee lagu leeyahay deymaha waaweyn ee masruufka carruurta.

Wasaaraddu waxay ku dhawaaqday in waaliddiinta lagu leeyahay deyn ka badan $2,500 (€1,844) oo ah lacagaha masruufka carruurta ay saameyn ku yeelan karto tallaabadan, balse diiradda la saarayo kuwa lagu leeyahay deymo aad u badan oo weli aan la bixin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sheegtay inay adeegsanayso "qalab macquul ah oo taageeraya qoysaska Maraykanka isla markaana xoojinaya u hoggaansanaanta" sharciyada Maraykanka, iyadoo sheegtay in habkani ku qasbi doono waaliddiinta inay fuliyaan "waajibaadkooda sharci iyo anshax ee carruurtooda."

Dadka lagu leeyahay deymaha noocaas ah ayaa lagula taliyay inay la xiriiraan hay'adaha gobolka ee ay khusayso si ay u diyaariyaan bixinta lacagaha, si looga hortago in lagala laabto baasaboorradooda.

Marka baasaboor lagaala laabto, looma isticmaali karo safar. Dadka lagala laabto baasaboorkooda ma heli karaan mid cusub ilaa ay ka bixiyaan deynta masruufka carruurta ee lagu leeyahay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

"Tallabadan waxay taageeraysaa daryeelka carruurta Maraykanka iyadoo la saaray cawaaqib dhab ah oo ka dhalanaya bixin la'aanta masruufka carruurta sida uu dhigayo sharciga federaalka ee jira," ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan.

Kala noqoshada baasaboorka dadka aan bixin wax ka badan $2,500 oo masruuf carruureed ah waxaa oggolaanaya sharci federaal ah oo la dejiyay 1996, inkastoo si dhif ah loo fulin jiray.

Horey, tallaabadan waxaa la adeegsan jiray kaliya marka dadka lagu leeyahay deynta noocaas ah ay isku dayaan inay cusbooneysiiyaan baasaboorkooda.

Siyaasadda cusub awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sheegtay inay la shaqeyn doonto Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Maraykanka si loo aqoonsado dadka aan bixin deymaha loogalana laabto baasaboorkooda.

Wasaaraddu ma aysan sheegin goorta si rasmi ah loo dhaqan gelinayo siyaasaddan, balse wakaaladda wararka Associated Press ayaa sheegtay inay bilaaban doonto Jimcaha maanta ah. BBC-na waxay kala xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda arrintan.

Dadka ku sugan meel ka baxsan Maraykanka marka baasaboorkooda lagala laabto waxay u baahan doonaan inay booqdaan safaarad ama qunsuliyad Maraykan ah si ay u helaan dukumeenti safar degdeg ah oo u suuragelinaya inay dalka dib ugu soo laabtaan, sida ay sheegtay AP.