Sababta laga yaabo inaadan u iibsan kaniiniga saxda ah ee xanuunka caadada

Dhiigga caadada

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Michelle Roberts
    • Role, Tifaftiraha caafimaadka dhijitaalka ah
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Daraasad weyn oo lagu sameeyay risiidhada iibka ee dukaamada ayaa muujisay in dumar badan laga yaabo inaysan isticmaalin daawada xanuunka ugu waxtarka badan ee xanuunka caadada.

Xog muddo 10 sano ah laga ururiyay kaararka macaamiisha ee dukaamo waaweyn oo ku yaalla Ingiriiska, taasoo ka koobnayd 211 milyan oo iib, ayaa muujisay in paracetamol uu yahay daawada xanuunka ee ugu badan ee la iibsado marka lala iibsanayo suufyada dhiigga caadada.

Laakiin khubarradu waxay sheegayaan in ibuprofen uu yahay kan dadka intooda badan u fiican yahay, maaddaama uu si waxtar leh uga shaqeeyo yareynta murqaha isqabsiga.

Cilmi‑baarayaashu waxay sheegeen in xogtan ay muujineyso "heerka iyo saameynta" xanuunka caadada iyo sida ay dadku u maareeyaan, waana arrin aan hore si weyn loo daraasadeyn.

Dhiigga caadada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Paracetamol waxaa laga yaabaa inuu yahay kan ay dadka ugu aoqon badan yihiin, taasoo sharxi karta sababta loo iibsan jiray si ka badan kuwa kale, ayay soo jeedinayaan cilmi-baarayaashu.

Inkastoo uu weli yahay daawo xanuun-joojiye wax ku ool ah, ibuprofen ayaa mararka qaarkood noqon kara doorasho ku wanaagsan xanuunka caadada, sababtoo ah wuxuu xannibaa soo saarista prostaglandins — kiimikooyinka mas'uulka ka ah isku ururka iyo muruq-qabashada xanuunka leh ee muruqyada ilmo-galeenka.

Dhanka kale, paracetamol wuxuu inta badan ka shaqeeyaa maskaxda isagoo xannibaya calaamadaha xanuunka, taasoo ka dhigaysa doorasho wanaagsan marka madax-xanuun jiro. Sidoo kale wuxuu ka caawiyaa dhimista qandhada sare, sidaas darteed wuxuu faa'iido leeyahay haddii aad qabto hargab, tusaale ahaan.

Cilmi-baarayaashu waxay daraasad ku sameeyeen wax-iibsiga 3.4 milyan oo macaamiil ah intii u dhaxaysay sannadihii 2006 ilaa 2015.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daraasadda lagu daabacay joornaalka PLoS Digital Health ayaa ogaatay in kala bar macaamiladii lagu iibsanayay agabka caadada ay sidoo kale ku jireen daawooyin xanuun-joojiye ah.

Kiniinnadaas, ku dhowaad laba meelood saddex meel waxay ahaayeen kuwo ku salaysan paracetamol, halka saddex meelood meelka kale ay ahaayeen ibuprofen.

Mid ka mid ah cilmi-baarayaasha, Dr Anya Skatova oo ka tirsan University of Bristol, ayaa carrabka ku adkaysay in xogtan ay tahay sawir guud oo keliya, ayna ka fog tahay inay si buuxda u metesho dalka oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, waxay bixisaa tilmaamo ku saabsan noocyada daawooyinka ay dumarku iibsanayaan si ay uga yareeyaan xanuunka caadada.

Badanaa, xanuunka caloosha ee caadada waa qayb caadi ah oo ka mid ah wareegga caadada, marka muruqa ilmo-galeenku isku ururo si uu uga caawiyo daadinta xuubka gudaha ee ilmo-galeenka inta lagu jiro caadada.

Inta lagu jiro waqtigan, jirku wuxuu soo saaraa walxo u ek hormoonno oo loo yaqaan prostaglandins. Heerarka sare ee prostaglandins-ka ayaa lala xiriiriyay xanuun caado oo aad u daran.

Professor James Goulding, oo ka tirsan University of Nottingham, ayaa sheegay in arrintani ay fursad weyn u tahay wacyigelinta caafimaadka bulshada, wuxuuna iftiimiyay yaraanta cilmi-baarista ku saabsan daaweynta xanuunka caadada.

Wuxuu u sheegay BBC News:

"Uma maleynayo inaan wax badan ka sheegayo markaan iraahdo haddii raggu la kulmi lahaayeen xanuunka caadada, maanta wax badan ayaan ka ogaan lahayn."

Ibuprofen waa daawo ka tirsan kooxda loo yaqaan non-steroidal anti-inflammatory drugs (NSAIDs), taas oo yaraysa bararka isla markaana dejisa xanuunka. Sidoo kale waxay hoos u dhigtaa heerarka prostaglandins-ka. Paracetamol, dhanka kale, ma laha sifooyinkan ka hortagga bararka.

Sida ay sheegtay Endometriosis UK, waxaa wanaagsan in la bilaabo qaadashada ibuprofen hal maalin ka hor caadada, ama dhowr maalmood ka hor inta aan la filayn xanuunka ama caadadu inay bilaabato, si loo yareeyo soo saarista prostaglandins-ka ka hor inta aysan jirku samayn.

Haddii aad la kulanto xanuun caado oo aad u daran oo kaa hor istaaga hawlahaaga maalinlaha ah, ama haddii uu ku walwalo si kasta ha ahaatee, waa inaad la hadashaa dhakhtarkaaga, sida ay tilmaamayso National Health Service.

Sababta ayaa ah in xanuunka daran uu mararka qaarkood calaamad u noqon karo dhibaato caafimaad oo hooseysa, sida Endometriosis ama Uterine Fibroids.

Sida daawo kasta oo kale, kiniinnada xanuun-joojiyeyaashu waxay keeni karaan waxyeellooyin. Ibuprofen kuma habboona qof walba, sidaa darteed waa muhiim inaad akhrido macluumaadka iyo tilmaamaha ku jira baakadka daawada ka hor intaadan qaadan.