Ciidamada weeraray Baydhabo oo ka hadlay waxa ay ka ogaayeen weerarkii al-Shabaab ee xerada milatariga Soomaaliya

Hassan Abdi Mohamed

Xigashada Sawirka, Hassan Abdi Mohamed

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo saaka ka qarxay hareerraha iyo gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo ku sugan gobolka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay, in dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab iyo mileeshiyo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ay weerarreen, xeryo ciidan oo ku yaala magaalada Baydhabo, balse weerarradaasi lagu jabiyay.

Dhanka dowlad goboleedka KGS, waxay xaqiijiyeen in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka dhanka ciidamadii soo weeraray magaalada ay sheegeen in wali aysan xog rasmi ah ka helin khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse filashadoodu ay tahay in dhaawac iyo dhimasho labaduba suuragal yihiin.

Saraakiil ka tirsan maamulkii hore ee Laftagareen, ayaa sheegay in ay saaka duulaan ballaaran ku qaadeen magaalada Baydhabo, isla markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada dawladda.

Baydhabo

Xigashada Sawirka, Social Media

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar oo BBC-da la hadlay ayaa isna ku eedeeyay ciidamadii soo weeraray magaalada in ay garab siiyeen al Shabab' : "Waxaa na soo weeraray Shabab iyo qoladii Shabaabka kalkaalka," ayuu yiri mar uu ka hadlay weeraradii saaka ka dhacay Baydhabo.

Balse afhayeen u hadlay ciidamada la sheegay in ay daacadda u yihiin madaxweyanhii hore ee Koonfur-galbeed iyaguse sheegta in ay yihiin ciidamada Daraawiishta Koonfur-galbeed, ayaa diiday eedaha loo jeediyay ciidankooda.

"Annaga Shabab nalama dhaho. Dwoladdu shababaka iyada ayaa taqaana ee haraadsato. Annaga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa nala dhahaa," ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo u wararmayay BBC-da. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "waxay Shabaab gaystaan masuuliyadooda nalama waydiinayo, Shabaabna ma nihin."

Ugaas Xasan waxa kale ee uu soo hadal qaaday in markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay duulaanka ku qaadayeen magaalada Baydhabo ay soo dhexmareen dhul ay joogaan Shabaabku, isaga oo iska difaacayay eedda ay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya u jeedisay ciidamadooda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa xusid mudan in ciidamadii galay magaalada Baydhabo ka hor inta uusan ka bixin madaxweynihii hore ee KGS, Cabdicasiis Laftagareen, in ay warbaahinta la wadaageen in ururka al-Shabab ay ku qaaday weerar dhabbogal ah, intii ay u socdeen Baydhabo.

Waxa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya 'in iyada oo kaashanaysa calooshood u shaqaystayaal ay duulaan ku soo qaadeen maamulkoodii'.

Dadka qaar ayaa baraha bulshada isku waydiiyay sida weerarka Shabaab ee saaka iyo weerarka ciidamadaan ay isugu soo beegmeen.

Mar ay BBC-du waydiisay su'aashaas iyo in ay wax xog ah ka hayeen in al Shabab ay weerari doonana xeerada ciidamada dowladda Soomaaliya ee Baydhabo, ayuu yiri Ugaas Xasan: "Anagu kama warqabno taa iyada ah... Annaga iyo Shabab xiriir nagama dhexeeyo, mana naga dhexayn karo"

"Daraawiishta dowladda Koonfur Galbeed ayaa saaka arooryadii hore Baydhabo dagaal ku qaaday, dagaalku mudooyinkaanba waa socday oo kii koobaad maahan...wuuna sii soconaayaa", ayuu BBC-da u sheegay Ugaas Xasan.

Hassan Abdi Mohamed

Xigashada Sawirka, Hassan Abdi Mohamed

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo isbahaysi ah oo taabacsanaa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 30-kii Maarso 2026 gudaha u galay magaalada Baydhabo, kuna guuleystay inay la wareegaan inta badan magaalada, iyaga oo meesha ka saaray xukuumadii uu hugaaminayay madaxweyne Laftagareen.

Wixii xilligaas ka dambeeyay ma aysan jirin wax wadahadal la ogyahay ama warbaahinta lala wadaagay oo dhexmaray madaxweynihii meesha laga saaray xukuumadiisa iyo maamulka cusub ee loo dhisay dowladda goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale dowladda federaalka ayaan shaacin wax xal ah oo ay doonayso in ay ka gaarto arrintaan.

Ciidamada la sheegay in ay daacadda u yuhiin Laftagareen ayaa dhowr jeer oo kala duwan waxay weeraro ku qaadeen magaalada Baydhabo tan iyo waqtigii ay isaga baxeen.

BBC oo waydiisay afhayeen Ugaas Xasan in ay suuragal tahay in wadahadal iyo nabad lagu xalin karo gacan kahadalka dhexmaraya labada dhinaca ayuu ku jawaabay:

"Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisu waxay diideen midnimadayada, inaan si sharci ah isu maamulno oo dadkeenu ay is doortaan oo iyagu ay aayahoodu ka tashtaan. Annaguna waa diidnay wixii ay iyagu keeneen, waan la dagaalameynaa waanan iska saaraynaa ilaahey idankiis".