Ninka maydka walaashiisa u qaatay bankiga si uu lacag ugala baxo akoonkeeda

Xigashada Sawirka, RAKHI GHOSE
Gelinkii dambe ee isniinta April 28-keedii, shaqaalaha iyo dadkii ku sugnaa bangi ku yaala degmada Kendujhar ee gobolka Odisha ee dalka Hindiya ayaa aad u argagaxay kadib markii nin 52 jir ah oo garabka ku wata walaashii oo mayd ah uu soo galay dhismaha bangiga.
Ninkan oo lagu magacaabo Jeetu Munda ayaa isku dayay inuu lacag dhan 19,300 oo Rubi kala baxo akoonka walaashii.
Walaashiis Kalra Munda oo 56 jir ahayd, waxay ahayd caawiye, waxayna ku noolayd guriga walaalkeed, waxay dhimatay laba bil ka hor.
Dhowr bil ka hor, walaashii Kalra waxay iibisay mid ka mid ah weylaheeda waxayna ku shubtay lacag dhan 19,300 oo rubi banki maxalli ah.
Ninkan lagu magacaabo Jeetu Munda ayaayiri, "Waxaan dhawr jeer isku dayay in aan ku qanciyo maareeyaha bangiga in walaashay geeriyootay, haddana aan u baahanahay in aan lacag kala baxo akoonkeeda, laakiin maareeyaha baanku wuu iga diiday inuu i dhegaysto, waxaanu ku adkaystay in aan keeno caddaynta geerida walaashay, oo maydka walaashay baan keenay caddayn ahaan.
Sida uu sheegay Jeetu, waxa uu goor hore gaaray goobta lagu gubay maydka oo saddex KM u jirta tuuladiisa, halkaas oo uu ka soo ururiyay haraagii maydka walaashii, waxaanu ku soo guray bac, isagoo kulayl daran ku soo qaaday Bankiga.

Xigashada Sawirka, RAKHI GHOSE
Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha bankiga ayaa argagaxay goobta, waxayna markiiba u yeereen ciidamada booliska iyo maamulka degmada.
Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Degmada ayaa ku qanciyay Jeetu in la dhageysan doono, isla-markaana uu meydka walaashii dib ugu celiyo goobta meydka lagu aasay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii uu hubanti ka helay maamulka, Jeeto waxa uu mar kale soo qaaday haraaga maydka walaashii oo uu saddex kiilo mitir dib ula lugeeyay.
Maamulaha Bangiga Grameen ee Odisha ayaa yiri, "Markii Jeetu u yimid inuu lacag la baxo, waxaa loo sheegay in qofka ay khusayso ay tahay in uu yimaado bangiga."
Maareeyaha Bankiga ayaa ku andacooday in uu jiro qaab lacag loogala baxayo Akoonka qofka dhintay, balse Jeetu ayaa markii hore shaqaalaha Bankiga u sheegtay in walaashii ay naafo tahay oo aysan imaan karin bangiga.
Sida laga soo xigtay maareeyuha, "Markii aan u sheegay in shaqaalaha bangiga ay aadi doonaan gurigiisa si ay u xaqiijiyaan in walaashii ay naafo tahay, wuxuu ii sheegay in walaashii ay geeriyootay."
Maareeyaha Bankiga ayaa sheegay in haweeneyda geeriyootay iyo labo kale oo ay qaraabo ahaayeen ay sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay u yimaadeen inay lacag kala baxaan bankiga, sidaasi darteedna Jeetu laga dalbaday inuu keeno cadeymo muujinaya inuu xaq u leeyahay lacagtaasi.
Ka dib, Abriil 28-keedii, qadar lacag ah oo dhan 19,410 rubi ayaa lagu wareejiyay akoonka Jeeto iyo labada kale ee dhaxalka leh.
Wasiirka Odisha Suresh Pujari ayaa sidoo kale ka war helay dhacdadan wuxuuna sheegay in ururiyaha degmada uu baarayo dhacdadan tallaabo adagna laga qaadi doono maamulaha bangiga dhaqankiisa.
Maamulka degmada ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay dhacdadan, waxayna warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shacabka ay tahay mas'uuliyadda koowaad ee maamulka.
Maamulka degmada ayaa sheegay in kadib markii ay heleen xog ku saabsan sida ay wax u dhaceen ay Jeetu gaarsiiyeen deeq lacageed oo dhan 30,000 oo rubi taasoo ka timid Sanduuqa Laanqeyrta Cas ee degmada.
Sidoo kale, maamulka degmada ayaa sheegay in Jeetu aan la siin oo keliya warqadda geerida walaashii, balse sifo sharci ah loo aqoonsaday inuu yahay dhaxal-sugaha.











