Trump oo sheegay in heshiis lala gaarayo Iiran ' si ballaaran looga wadahadlay' ayna ku jirto furista marinka Hormuz

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiis lala galayo Iran " si ballaaran looga wadahadlay" isla markaana faahfaahinta dhowaan lagu dhawaaqi doono.

Heshiiska waxaa ku jiri doona dib u furista Marinka Hormuz, ayuu yiri Sabtidii, isaga oo aan bixin faahfaahintoo dheeri ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa hore ugu sheegay telefishinka dowladda in mowqifyada Maraykanka iyo Iran ay isu soo dhowaadeen toddobaadkii la soo dhaafay. Hase yeeshee, wuxuu ka digay in taasi aysan macnaheedu ahayn in heshiis laga gaaray arrimaha muhiimka ah, wuxuuna ku eedeeyay Maraykanka "hadallo is khilaafsan".

Baraha bulshada, Trump wuxuu ku sheegay inuu wadahadal "aad u wanaagsan" uu la yeeshay madaxda Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, iyo kuwa kale, kaas oo ku saabsanaa "Heshiis Is-faham ah oo la xiriira NABADDA".

"Waxaa si weyn looga heshiiyey heshiiskan, iyadoo ay harsan tahay oo keliya dhammaystirka u dhexeeya Dowladda Maraykanka, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyo dalalka kale ee ku lugta leh," ayuu yiri Donald Trump.

"Arrimaha u dambeeyay iyo faahfaahinta heshiiska ayaa hadda laga wadahadlayaa, waxaana lagu dhawaaqi doonaa dhowaan."

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu wadahadal khadka taleefanka ah la yeeshay Sabtidii Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, kaas oo "u dhacay si aad u wanaagsan".

Madaxweynuhu ma bixin wax faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan heshiiska, laakiin wuxuu ku adkaystay in heshiis kasta uu "gabi ahaanba" ka horjoogsan doono Iran inay hesho hub nukliyeer ah.

Ka dibna, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa yiri: "Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweyne Donald Trump dadaalkiisa aan caadiga ahayn ee uu ku raadinayo nabadda," wuxuuna sheegay in wadahadalka khadka taleefanka uu ahaa mid "aad waxtar u leh oo dhalisay natiijo wanaagsan".

Pakistan ayaa gacan ka geysaneysay wadahadallada heshiis nabadeed, iyadoo u adeegaysay sidii dhexdhexaadiye.

"Waxaan rajeyneynaa inaan dhowaan martigelinno wareegga xiga ee wadahadallada," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

Mareykanka iyo Israa'iil ayaa weeraro baahsan ku qaaday Iran 28-kii Febraayo, taas oo dhalisay iskahorimaad ka dhacay guud ahaan Bariga Dhexe. Iran ayaa kaga jawaabtay inay weeraro ku qaadday Israa'iil iyo dawladaha xulafada la ah Mareykanka ee ku yaalla Khaliijka.

Xabbad-joojin u dhaxeysa Iran iyo Maraykanka ayaa lagu heshiiyey horraantii bishii Abriil, tan iyo markaasna Washington iyo Tehran waxay ku jireen wada hadallo ku saabsan heshiis nabadeed oo muddo dheer soconaya.

Isagoo la hadlayay telefishinka dowladda Sabtidii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa sidoo kale ka hadlay "heshiis isfaham", isagoo sheegay in ujeeddada Iran ay tahay in la gaaro heshiis "qaab dhismeed ahaan ah, kana kooban 14 qodob".

Baqaei wuxuu sheegay inay ku jiraan marxaladda dhammaystirka heshiiskaas hordhaca ah, si wada hadallo dheeraad ah loo qabto 30 ilaa 60 maalmood gudahood, "ugu dambayna loo gaaro heshiis kama dambeys ah".

Noocan cusub ee horumarka wada hadallada ayaa yimid kadib markii jawigu u muuqday mid xumaaday gudaha Washington, iyadoo saraakiil aan magacyadooda la shaacin ay Jimcihii warbaahinta Maraykanka u sheegeen in maamulka uu isku diyaarinayay weerarro militari oo cusub, inkastoo aan weli go'aan kama dambeys ah la gaarin.

Jimcihii, Donald Trump ayaa ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social inuusan ka qeyb geli doonin arooska wiilkiisa Donald Trump Jr. toddobaadkan, si uu ugu sii nagaado Washington DC "xilligan muhiimka ah".

Toddobaadkii hore, Trump wuxuu sheegay in xabbad-joojintu ay ku jirto "xaalad aad u liidata", kadib markii uu diiday dalabaadka Iran, isagoo ku tilmaamay "gebi ahaanba aan la aqbali karin"

Maraykanka ayaa xanibaad saaray dekedaha Iran tan iyo 13-kii Abriil.

Sabtidii, Taliska dhex ee Maraykana ee (Centcom) ayaa sheegay inay leexiyeen 100 markab, , isla markaana u oggolaadeen 26 markab oo gargaar bini'aadannimo sida inay maraan tan iyo markii xanibaaddu bilaabatay.

Dhanka kale, Iran ayaa sheegatay maamulka milatari ee aagga ku dhow Marinka Hormuz, waxayna sheegtay in dhammaan isku-gudubka marinkaas "uu u baahan yahay isku-duwid iyo oggolaansho laga helo hay'adda Maamulka Marinka Gacanka Faaris".

Mareykanka iyo xulafadiisa Khaliijka ayaa dhowr jeer diiday isku-dayada Iran ay ku doonayso inay ku muujiso maamulkeeda marinkaas, Mareykankuna wuxuu u sheegay maraakiibta inayna u hoggaansamin xeerarka Iran.