Dal Yar oo Afrikaan ah si weyna ugu riyoonaya Koobka Adduunka

Cabo Verde

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Cape Verde waxay ku naaloota codka muusigga loo yaqaan Morna, oo ah muusig dhaqameed asal ahaan dalkaas ka soo jeeda, kana buuxdo xusuus, hilow iyo dareen qoto dheer. Heesta ugu caansan ee morna, "Sodade," waxay xusuustaa tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo ka tagay 10-ka jasiiradood ee ku yaalla xeebaha Galbeedka Afrika si ay shaqo iyo fursado uga raadsadaan dalal kale.

"Haddii aad 'wax' ii soo qorto, aniguna waan kuu soo qori doonaa," ayay erayada heestu leeyihiin. "Haddii aad i illowdo, aniguna waan ku illoobi doonaa."Cape Verde waxay ku naaloota codka muusigga loo yaqaan morna, oo ah muusig dhaqameed asal ahaan dalkaas ka soo jeeda, kana buuxdo xusuus, hilow iyo dareen qoto dheer. Heesta ugu caansan ee morna, "Sodade," waxay xusuustaa tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo ka tagay 10-ka jasiiradood ee ku yaalla xeebaha Galbeedka Afrika si ay shaqo iyo fursado uga raadsadaan dalal kale.

"Haddii aad 'wax' ii soo qorto, aniguna waan kuu soo qori doonaa," ayay erayada heestu leeyihiin. "Haddii aad i illowdo, aniguna waan ku illoobi doonaa."

Toddobaadyada soo socda, dadka Cape Verde waxay rejaynayaan in dareenkooda hilowgu isu beddelo farxad iyo dabaaldeg. Indhahoodu waxay ku jeedaan xulka qaranka kubbadda cagta, kaas oo ay ka buuxaan ciyaartoy caan ah oo waalidkood ama xitaa awoowayaashood sannado badan ka hor ka hayaameen Cape Verde, balse weli jasiiradahaas u arka dalkoodii hooyo.

Kooxda loo yaqaan Blue Sharks waa mid ka mid ah kooxaha sida lama filaanka ku soo baxay Koobka Adduunka 2026. Iyadoo ay dalkaasi ku nool yihiin wax ka yar 600,000 oo qof, Cape Verde waxay noqotay waddanka saddexaad ee ugu dadka yar ee abid gaadha tartanka ciyaaraha ugu weyn dunida (ka dib Iceland sannadkii 2018 iyo Curaçao sannadkii 2026).

Xulka Cape Verde wuxuu ka koobanyahay xirfadlayaasha ciyaartoyda gudaha iyo kuwa dibadda ku dhashay. Waxaa ka mid ah daafaca dhexe Roberto Lopes, oo ku dhashay Ireland kana soo jeeda hooyo Irish ah iyo aabbe Cape Verdean ah, iyo Logan Costa, oo ku dhashay Faransiiska kana dhashay waalidiin Cape Verdean ah, isla markaana u ciyaara kooxda Villarreal ee Spain.

Isku darka hibada gudaha iyo tan caalamiga ahi wuxuu noqday mid si mucjiso leh u shaqeeya. Cape Verde waxay ku guulaysatay 7 ka mid ah 10-kii kulan ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, hal mar oo keliya ayay guuldarraysatay, waxayna guul lama filaan ah ku garaacday gurigeeda Cameroon oo ka mid ah quwadaha kubbadda cagta qaaradda Afrika.

Koobka Adduunka se waa heer kale. Iyadoo kaalinta 69-aad kaga jirta qiimeynta adduunka, Blue Sharks waxay wareegga guruubyada la ciyaari doontaa Spain oo ka mid ah kooxaha ugu cadcad koobka, Uruguay oo laba jeer ku guulaysatay Koobka Adduunka, iyo Saudi Arabia oo inkasta oo aan loo arkin koox weyn haddana kaga jirta qiimeynta meel ka sarreysa (61-aad).

Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka waxay qabaan kalsooni weyn.

"Aad baan ugu faanayaa," ayuu yidhi Anton Delgado oo 25 jir ah, kaddib markii uu galab Axad ah kula qaatay saaxiibbadiis baar ku yaalla magaalada Mindelo ee jasiiradda São Vicente. "Waa wax cajiib ah. Sannado badan ayaan sugayay arrintan. Waxaan si dhab ah u rejaynaynaa inaan hal kulan ama xitaa laba kulan guulaysanno."

Cabo Verde

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dareenkaas rejada leh wuxuu si weyn ugu faafsan yahay Cape Verde oo dhan. Makhaayadaha, baararka iyo kafateeriyada dalkan yar ayaa caadi ahaan buuxa fanaaniin iyo kooxo tumaya muusiga Morna si ay ugu madadaaliyaan dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka. Hadda se waxay isu diyaarinayaan Koobka Adduunka.

Hotelka iyo makhaayadda Café Royal ee Mindelo, shaqaaluhu waxay qorshaynayaan inay qaabilaan dadweyne aad u tiro badan. Royal waxaa ku sawiran darbiga sawir aad weyn oo ay ku sawiran tahay xiddigta heesaha Morna ee la yidhaahdo Cesária Évora inkasta oo ay geeriyootay 15 sano ka hor, haddana weli ah qofka Cape Verde ugu caansan dunida.

Laakiin hadda qof walba wuxuu ka hadlayaa xiddigaha kubbadda cagta ee dalka. Noaela Delgardo oo 22 jir ah, kana shaqaysa baarka Royal, waxay sheegtay in Koobka Adduunku yahay fursad dhif ah oo dadka Cape Verde ay mar kale ay ku iftiimi karaan isla markaana dalku ku heli karo "muuqaal iyo aqoonsi dheeraad ah oo caalamka ah."

Inkasta oo dalxiisku sii kobcayo, haddana way adag tahay inaan la dareemin go'doonka jasiiradaha iyo fogaanshahooda marka loo eego xarumaha waaweyn ee dunida. Duulimaadyo ayaa ka yimaada Yurub, balse duulimaadka keliya ee tooska ah ee ka yimaada Maraykanka wuxuu ku degaa Providence, Rhode Island. Taasi waa raad ka haray xiriirkii ugaarsiga nibiriga ee qarnigii 19-aad iyo bulshada weyn ee Cape Verde ee maanta ku nool.

Koobka Adduunka waa fursad lagu soo gaabiyo masaafadaas, ayuu yiri Jorge Goncales oo 69 jir ah, hawlgab ah, isaga oo saaxiibbadiis la fadhiya barxad geedo leh oo ku taalla Mindelo. "Dunida oo dhan ayaa noo imanaysa. Hadda annaguna waxaan u baxaynaa dunida."

Tababaraha xulka, Pedro Leitão Brito oo sannadkii hore loo magacaabay Tababaraha Sanadka ee Afrika, laguna yaqaan naanaystiisa Bubista sidoo kale wuxuu u arkaa tani inay tahay fursad Cape Verde loogu soo bandhigo dunida.

"Waxaan rabnaa inaan saameyn ku yeelanno tartankan annaga oo matalayna dadkeenna," ayuu dhowr toddobaad ka hor u sheegay CNN. "Waxaan rabnaa inaan tusno qof kasta oo daawanaya in, haa, aanu nahay dal yar, laakiin aan la ciyaari karno kooxaha waaweyn. Waan ognahay inay adag tahay, balse waxaan rabnaa inaan muujinno in aanay jirin wax aan suurtagal ahayn."

Warbixintaan waxaan kasoo xiganay wakaalada wararka ee Reuters