maxkamad go'aan kasoo saartay nin doonayay in loo soo celiyo haddiyado dhan $369,000 oo saaxiibtiis hore uu siiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Kelly Ng
- Reporting from, Singapore
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Nin u dhashay Singapore ayaa ku guuldarreystay dacwad maxkamadeed oo uu ku doonayay inuu dib uga soo ceshado boqollaal kun oo doollar oo uu si deeqsinnimo leh ugu kharash gareeyay saaxiibtiisii hore intii ay xiriirka lahaayeen.
Lacagta dhan 468,000 doollar oo Singapore ah (oo u dhiganta $369,200 ama £273,260) ee Chander Agarwal isku dayay inuu ka soo ceshado Felicia Lee, waxay ahayd lacag uu si "ikhtiyaari ah" ugu kharash gareeyay, ayay go'aamisay Maxkamadda Sare ee Singapore.
Garsoore Sare Lee Seiu Kin ayaa sheegay in Agarwal uu "si joogto ah ugu quudin jiray [Lee] hadiyado qaali ah" xitaa ka hor intii aysan xiriir bilaabin, isla markaana uu u xaqiijin jiray in uusan filayn inay lacagta dib ugu soo celiso.
Agarwal oo ah agaasimaha guud ee shirkad saadka ah, ayaa Felicia Lee oo hore uga shaqayn jirtay shaqaalaha diyaaradda, kula kulmay duulimaad sannadkii 2019. Maxkamaddu waxay sheegtay inay xiriir jacayl lahaayeen intii u dhexeysay Sebtembar 2022 iyo Diseembar 2023.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiriirkooda ayaa burburay kaddib markii Agarwal uu ka shakiyay in Lee ay xiriir kale oo qarsoodi ah la leedahay nin kale.
Agarwal, oo dacwadda gudbiyay bishii Maarso 2024, ayaa ku dooday in Lee ay intii uu xiriirkoodu socday ka codsatay "amaahyo kala duwan oo aan wax dulsaar ah lahayn."
Wuxuu sheegay in lacagahaas ay ka mid ahaayeen 206,000 doollar oo Singapore ah oo lagu bixiyay kaararka bangiga, 129,000 doollar oo lagu kharash gareeyay safarro dibadda ah, 17,000 doollar oo uu ku bixiyay in loogu hagaajiyo gurigeeda, iyo 20,000 doollar oo lagu bixiyay khidmadaha caymiska nolosheeda.
Lee waxay ku doodday in lacagahaasi ay ahaayeen "haddiyado uu ku siiyay jacayl iyo kalgacal", ayna ahayn amaah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Garsooruhu isagoo raacaya aragtida Lee, ayaa sheegay in dacwadda Agarwal aysan lahayn caddeymo qoraal ah oo ku filan. Tusaale ahaan, ma uusan soo bandhigi karin wax caddayn ah oo muujinaysa in Lee ay qiratay inay heshay amaahihii uu sheegay inay ka codsatay.
"Caddeymaha horyaalla maxkamaddu waxay si cad u muujinayaan in dacwooduhu, uu intii uu xiriirkoodu socday ugu deeqay haddiyado qaali ah," ayuu garsooruhu yiri.
"Nasiib darro, markii xiriirkoodu ku dhammaaday si aan wanaagsanayn, [Agarwal] wuu ciishooday, wuxuuna go'aansaday inuu ka aarguto."
Garsooruhu wuxuu sidoo kale xusay in Agarwal uu ahaa "nin si cad u leh awood dhaqaale oo badan, isla markaana leh dhadhan iyo rabitaan waxyaabo qaali ah", halka Lee "aysan ku jirin heerkaas dhaqaale."
Garsooruhu wuxuu sheegay in farriimo badan oo qoraal ah oo ay Lee dirtay ay "muujinayeen sida ay ula yaabtay markii [Agarwal] uu soo jeediyay haddiyado qaali ah, mararka qaarna ay si kedis ah uga labalabeynaysay inay aqbasho."
Markii uu soo gabagabeynayay xukunkiisa qoraalka ah, garsooruhu wuxuu soo xigtay qoraaga riwaayadaha Ingiriiska ah William Congreve, oo gabaygiisa masraxeed ee murugada iyo majaajillada isku dhafan The Mourning Bride ku qoray:
"Jannadu ma laha cadho la mid ah jacayl nacayb isu beddelay, cadaabtuna ma laha ciil la mid ah kan haweeney la xaqiray."
"Dacwaddani waxay muujinaysaa in dareenka noocaas ahi uusan ahayn wax ku kooban hal jinsi oo keliya," ayuu yiri.
Horraantii 2023, nin kale oo u dhashay Singapore ayaa laba dacwadood oo maxkamadeed ka gudbiyay haweeney diidday dalabkiisa jacayl, isaga oo dalbanayay lacag ka badan 3 milyan oo doollar oo Singapore ah.
K Kawshigan ayaa ku dooday in diidmada Nora Tan ay u horseedday dhaawac dhanka dareenka ah, isla markaana ay waxyeello u geysatay sumcaddiisa.
Maxkamadaha Singapore ayaa diidday dacwadihiisa.
Tan ayaa markii dambe iyaduna dacwad ka dhan ah Kawshigan u gudbisay maxkamadda, iyadoo dalbanaysay in loo soo celiyo kharashaadkii ay sheegtay inay gashay si ay isaga isaga difaacdo dhibaatayn uu ku eedeeyay.















