Muxuu yahay hubka khatarta badan ee ay ku jirto uranium-ta ee uu Ruushku adegsaday?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinnada ayaa tilmaamaya in Ruushku uu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo sida uranium la dhimay awoodeeda weerarradiisa Ukraine.
Waxaa jira ugu yaraan 10 kiis oo la ogyahay oo ah diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo dhammaantood ah kuwa uu leeyahay Ruushka oo la helay ka dib markii ay ku burbureen Ukraine. Mid kasta oo ka mid ah diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ayaa siday gantaal loo yaqaano R-60 oo lagu rakibay walxo uranium ah oo tamartooda la dhimay.
Agabkan ayaa ah mid aad loogu yareeyay shucaaca uranium-ka dabiiciga ah, hubka ku jirana waxaa loo aqoonsan yahay hub caadi ah, oo aan ahayn nukliyeer.
Guud ahaan, khataraha ka imanaya shucaaca uranium-ka oo yaraaday ayaa loo arkaa kuwo hooseeya.
Hay'adda Amniga ee Ukraine (SBU) ayaa sheegtay in gantaallada loogu talagalay in lagu bartilmaameedsado diyaaradaha Ukraine ee duullaanka qaada inta lagu jiro duqeymaha Ruushka.
Hay'addu waxay sheegtay inay ilaa hadda aqoonsatay sagaal diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku hubaysan gantaallo ay ku jiraan walxo shucaac ah. Dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxaa laga helay waqooyiga Ukraine intii u dhaxaysay Abriil iyo Luulyo 2026; toddoba Gobolka Chernihiv iyo laba Gobolka Sumy.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintii ugu horreysay ee noocaan ah waxaa la daabacay Janaayo 2026. Waxaa soo sheegay Sergey Beskrestov, oo ah khabiir caan ah oo ka tirsan kooxda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, oo sidoo kale loo yaqaan "Flash." Kadib wuxuu lataliye u noqday Wasiirka Difaaca ee Ukraine ka dibna wuxuu u noqday Madaxweyne Volodymyr Zelensky.
Waa maxay gantaallada R-60?
Gantaallada R-60 waxaa lagu sameeyay Midowga Soofiyeeti sannadihii 1970-meeyadii, iyadoo loogu talagalay dagaallada dhanka hawada ee u dhexeeya diyaaradaha dagaalka ee masaafada gaaban. Nooca R-60M, oo isticmaali kara madaxyo dagaal oo ka samaysan uranium-ka la dhimay, ayaa kaydka ciidanka ku jiray waqti dheer ka hor inta uusan bilaaban dagaalka Ukraine.
"Kani waa gantaal aad u duugoobay oo loo sameeyay Soofiyeetka, madaxiisana uu ka kooban yahay ulo gaar ah oo laga sameeyay uranium-ka oo la khafiifiyay. Ulahani aad bay khatar u yihiin," ayuu Sergei Beskrestenov ku yiri wareysi.
Wuxuu raaciyay in ujeeddada ugu weyn ee gantaalku ay tahay in la soo rido diyaaradaha. "Gantaalkan kuma jiro madax dagaal oo nukliyeer ah," ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Ukrainian Union.
Uuranium-ka oo la khafiifiyay waa walax aad u cufan, sababtaas awgeedna, isticmaalkiisa milatari ee ugu badan waa hubka ka hortagga hub kale oo kaliya.
Robert Tolstoy oo ka tirsan hay'adda cilmi-baarista ee Machadka Adeegyada Boqortooyada Ingiriiska ee London ayaa sheegaya in marka walxaha loo isticmaalo gantaallada hawadain lagu soo rido, ay kordhin karto waxtarka gantaalka iyadoo loo beddelayo qaybo yaryar laakiin culus.

Xigashada Sawirka, UKRAINIAN MILITARY INTELLIGENCE
Sidee buu u khatar u yahay uranium-ka la kkafiifiyay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Robert Tolstoy oo ka tirsan Machadka Adeegyada Boqortooyada ayaa sheegay in uranium-ka la dhimay awoodiisa, marka loo isticmaalo hub, hub kale lagu hakiyo, guud ahaan loo arko mid ammaan ah isticmaalkiisa.
Qaybaha uranium-ka ee la yareeyay waxay geli karaan jirka bini'aadamka marka ay boor noqdaan. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu waxay leeyihiin uma badna in dadku ay neefsadaan ama liqaan walxahan xaddi u keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.
Maqaal cilmiyeed oo ku saabsan saamaynta uranium-ka la dhimay oo lagu daabacay Joornaalka Raajada Deegaanka ayaa sheegaya: "Wax saameyn ah oo la arki karo oo uu ku yeelan karo caafimaadka aadanaha lama filayo. Khatartani waxay u muuqataa inay aad u yar tahay dhammaan waqtiyada ka dambeeya colaadda."
Warbixin ay soo saartay Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan cawaaqibka dagaalka Ukraine ayaa sidoo kale sheegaysa in uranium-ka la dhimay "uu sababi karo cuncun maqaarka ah, kelyaha oo xumaada iyo khatarta kansarka oo sii kordheysa."
Muran ka dhashay uranium-ka la khafiifiyay
Isticmaalka hubka uranium-ka ee la dhimay ayaa ahaa mid muran dhaliyay waagii hore. Qalabkan waxaa loo isticmaalay ka hortagga taangiyada dagaalkii Khaliijka ee 1991, ka dibna Kosovo sanadkii 1999, iyo Ciraaq sanadkii 2003.
Ruushku wuxuu muujiyay caro bishii Maarso 2023 ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Britain ay qorsheyneyso inay Ukraine siiso hubka ka hortagga taangiyada oo loogu talagalay taangiyada Challenger 2.
"Wadajirka Galbeedka ayaa gaaray ilaa uu bilaabay isticmaalka hub leh nukliyeer," ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waqtigaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sidoo kale ku eedeeyay Britain inay jebisay sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiro heshiis caalami ah oo mamnuucaya isticmaalka hubka ay ku jiraan uranium-ka la khafiifiyay, Ruushka laftiisuna wuxuu isticmaalaa gumacyo ka hortagga taangiyada oo ay ku jiraan uranium-ka la yareeyay.














