Waa kuma ninkii shaaca ka qaaday in Israa'iil ay haysato bam nukliyeer?

Mardokaayi Vanuunuu

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mardokaayi
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Israa'iil ayaa weerartay Iiraan iyadoo ku eedaynaysa in ay barnaamijkeeda kobcinta nukliyeerka u adeegsanayso samaynta hub nukliyeer.

Iiraan dhankeeda, marar badan ayay sheegtay in barnaamijkeeda nukliyeerku uu yahay mid loogu talagalay tamar, ee aanu ahayn hub, wax colaadna aysan ka ahayn.

Israa'iilse ma qirato mana diiddo in ay haysato bam nukliyeer, si kastaba ha ahaatee, dunidu way ogtahay in Israa'iil ay leedahay hub nukliyeer.

Waxaa hore u jiray tuhun sheegaya in Israa'iil ay haysato bam nukliyeer, balse arrintaas waxaa shaaca ka qaaday khabiir nukliyeer oo Israa'iili ah oo lagu magacaabo Mordekhay Vaanuunuu.

Mordekhay waxaa lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah, isagoo lagu eedeeyay khiyaano qaran, kadib markii uu faahfaahiyay in Israa'iil si qarsoodi ah u samaysay bam nukliyeer

Mardokaayi Vanuunuu

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mardokaayi markii uu xabsiga ku jiray

Sanadkii 1986, wargeyska Ingiriiska ee The Sunday Times ayaa markii ugu horreysay daaha ka rogay in Israa'iil ay haysato bam nukliyeer.

Wargeysku wuxuu sirtaas ku helay wareysi uu la yeeshay saynisyahanka nukliyeerka Israa'iil Mordekhay Vaanuunuu.

Isaga laftiisu wuxuu ka shaqayn jiray xarunta cilmi-baarista nukliyeerka ee Dimona oo ku taalla lamadegaanka Negev, qiyaastii 150 km u jirta Qudus.

Warbixintii 1986, The Sunday Times waxay ku sheegtay in Israa'iil ay noqotay waddankii lixaad ee adduunka ee leh bam nukliyeer.

Waxaa kale oo la sheegay inuu haysto ku dhowaad 200 bam nukliyeer, iyadoo laga soo xigtay Mordekhay Vaanuunuu.

Taariikh ahaan 5-tii Oktoobar 1986, wargeysku wuxuu shaaciyay in Israa'iil ay haysato bam nukliyeer. Isla maalintaas, ninkii sirtaas bixiyay Mordekhaywaa la waayay.

Mordekhay Vaanuunuu waxaa lagu eedeeyay "khiyaano qaran"

Ri'aaktarii nikulara Israa'el

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Peter Howunam, oo ah wariye ka tirsan wargeyska The Sunday Times, ayaa markii ugu horreysay kula kulmay saynisyahanka nukliyeerka Israa'iil Mordecai Vanunu bishii Agoosto 1986 magaalada Sydney ee dalka Australia.

Peter ayaa u sheegay BBC in Mordecai uu aad uga go'neyd inuu banaanka soo dhigo waxa Israa'iil ka qarineyso dunida.

"Waxaan go'aansaday inaan dunida u sheego waxa ka socday Dimona [xarunta cilmi-baarista nukliyeerka ee Israa'iil]," ayuu yiri Peter.

Sanadkii 1985, Mordecai wuxuu go'aansaday inuu ka tago xaruntii uu ka shaqeenayey ee kobcinta nukliyeerka, sababtoo ah kuma qanacsanayn horumarinta qarsoodiga ah ee Israa'iil ee bamamka nukliyeerka iyo sida ay ugu xadgudbeyso xuquuqda Falastiiniyiinta.

Ka hor inta uusan shaqada joojin, wuxuu go'aansaday inuu ururiyo caddeymo muujinaya in Israa'iil ay sameeneyso bam nukliyeer. Wuxuu si qarsoodi ah u soo saaray laba filim oo muujinaya goobta xarunta kobcinta nukliyeerka, oo ay ku jiraan qalabka lagu sameeyo bamamka shucaaca iyo walxo sun ah oo loo adeegsado hubka thermonuclear-ka.

Kadib wuxuu aaday London, halkaas oo uu kula kulmay kooxda wargeyska The Sunday Times. Halkaas kadib, isagoo ku sii jeeda Rome, waxaa qabtay hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad, kadibna waxaa loo masaafuriyay Israa'iil

Waxaa lagu eedeeyay khiyaano qaran, wuxuuna ku qaatay sannado badan xabsiga. Peter, oo ahaa wariyihii la xiriiray Mordecai, ayaa u sheegay BBC sida uu Mordecai u soo bandhigay caddeymo ah in Israa'iil ay ku hawlantahay nukliyeer, isla markaana uu noqday qof si weyn looga hadlo dhinaca amniga Israa'iil.

"Wuxuu qaatay kamarad, wuxuuna bilaabay inuu ka fikiro sida uu gudaha ugu geli karo (xarunta nukliyeerka) Kadib wuxuu ku qariyay kamaradda lugtiisa hoose, gudaha ayuuna ga;ay. waxa uu soo qaaday sawirro habeenkii iyo aroortii hore," ayuu yiri Peter.

Tifaftirayaasha The Sunday Times, ayaa ku booriyay Peter Howunam inuu si shaqsi ah ugu yimaado London si uu uga maqlo siraha bamamka nukliyeerka Israa'iil ee Mordecai Vanunu.

Inkastoo uu ka walwalsanaa, Mordecai wuxuu aaday London kadib markii uu wariyaha Peter ku qanciyay.

Meel ammaan ah ayaa loogu diyaariyay duleedka London. Si kastaba, saynisyahankii nukliyeerka Israa'iil ayaa walaac dareemay, wuxuuna u guuray gudaha London. Wuxuu degay hoteel ku yaalla London balse ma uusan ka baxsan karin kormeerka Mossad.

"Wuxuu la kulmay haweeney waddada ah toddobaadkaas intii aan la afduubin. Horay ayuu marar badan u arkay gabadhaas, waxay wada tageen shineemo oo daawadeen filim. 'Ma aaminsan tahay haweeneydan?' ayaan weydiiyay," ayuu Peter xasuustaa isagoo ka shakisan inay ka tirsan tahay sirdoonka Israa'iil.

Wariyaha The Sunday Times ayaa u sheegay BBC in Mordecai Vanunu uu marar badan dalban jiray ilaalin dheeraad ah intii uu joogay London.

Peter wuxuu xasuustaa wada-hadalkii ugu dambeeyay ee uu la yeeshay saynisyahankaas: "Waxaan u socdaa waqooyiga England dhowr maalmood. Wuxuu ii sheegay in wax walba hagaagsan yihiin, oo uusan walwalsaneyn

"Waxaan u sheegay inuusan iga maqnaan oo uu ii soo waco laba jeer maalintii si aan u ogaado inuu nabad qabo."

Bil kadib, dowladda Israa'iil ayaa ku dhawaaqday in Mordecai la xiray. Isagu ma ogeyn in la khiyaamay. Magaca jacayl awgiis ayaa loogu kaxeeyay madadaalo, kadibna dooni ayaa si qarsoodi ah loogu geeyay Israa'iil isaga oo aan ka warqabin.

Mardokaayi Vanuunuu

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mardokaayi Vanuunuu

Kadib markii loo qaaday Israa'iil, Mordecai Vanunu ayaa qoray farriin ku dul qoran waraaq uu watay isagoo laga saarayo xabsiga, wuxuuna ka tusay saxafiyiinta daaqadda gaariga.

Haweeney ka tirsan hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad ayaa u sheegtay wariyeyaasha in ay isaga afduubtay oo ay u qaaday Israa'iil kadib markii ay ay London kulmeyn oo ay xiriir la sameesay.

Ilaalada ammaanka Israa'iil ee u soo dhowaatay London waxay ahayd Cheryl Bentov, oo ah haweeney Maraykan ah oo asal ahaan Yuhuudi ah, isla markaana u muuqatay dalxiise.

Kadib markii ay xiriir haasaawe la sameysay, waxay ku qancisay inuu la aado Rome, halkaas oo lagu afduubay laguna geeyay Israa'iil.

Sanadkii 1987, kadib markii lagu eedeeyay khiyaano qaran iyo faafinta xog sir ah, Mordecai waxaa lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah.

Inta badan muddadaas waxaa lagu hayay xabsi guri.

Wareysi uu ku bixiyay xabsiga, Mordecai Vanunu wuxuu yiri: "Rabitaankeygu wuxuu ahaa inaan dunida ogeysiiyo waxa socda, balse tani ma aha khiyaano qaran."

Waxaa laga sii daayay xabsiga 21-kii Abriil 2004, balse waxaa laga mamnuucay inuu ka baxo Israa'iil.

Tan iyo markaas, dhowr jeer ayaa mar kale la xiray isagoo lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruudihii lagu sii daayay.

Heshiiskii sirta ahaa ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Faransiiska

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa la rumeysan yahay in qofna uusan ogayn in Israa'iil ay haysato hub nukliyeer ah ilaa saynisyahanka Israa'iil ee Mordecai Vanunu uu arrintaas shaaciyay.

Waxaa la sheegaa in Israa'iil ay bilowday barnaamijkeeda kobcinta nukliyeerka sanadkii 1948, wax yar kadib markii ay noqotay dowlad.

Iyadoo ay ku hareereysan yihiin dalal badan oo ay u aragto cadow, ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dalka, David Ben-Gurion, ayaa go'aansaday in dalku yeesho hub nukliyeer ah si uu ugu diyaar garoobo maalinta dhibaato timaadda.

Si kastaba ha ahaatee, ma uusan doonayn in arrintan loo sheego xulafada Israa'iil sababo la xiriira walaaca ay dalalka gobolka ka qabaan hubka nukliyeerka.

Arrintaas awgeed, Israa'iil waxay heshiis sir ah la gashay Faransiiska. Waxay dhistay xarunta Dimona ee ku taalla gobolka Negev, taas oo loo yaqaan Dimona Nuclear Research Center. Goobtan ayaa bilowday soo saarista walxaha lagu sameeyo bamka nukliyeerka sanadihii 1960-meeyadii.

Israa'iil waxay goobtan horumarinta hubka nukliyeerka ku sheegtay warshad dharka lagu sameeyo.

Kormeerayaal nukliyeer oo Mareykan ah ayaa dhowr jeer booqday goobta, balse ma aysan arkin hawlaha kobcinta nukliyeerka ee ka socda dhulka hoostiisa. Gudaha sare ee xarunta Dimona waxaa loo dhisay sidii warshad dhar, balse dhulka hoostiisa Israa'iil waxay ka waday horumarinta hub nukliyeer.

Hay'adaha la socda xakamaynta hubka iyo ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka waxay qiyaasaan in Israa'iil ay hadda haysato ku dhawaad 90 bam oo nukliyeer ah.

Tan iyo 1970, 191 dal ayaa saxiixay heshiiska ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka, oo loo yaqaan Treaty on the Non-Proliferation of Nuclear Weapons (NPT).

Sida ku cad heshiiskaas, shan dal, Mareykanka, Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha ayaa si rasmi ah u leh hub nukliyeer.